Toggaherer’s Weblog

SHIRWEYNIHII KOOWAAD EE URURKA DAL HAGAAJE

Posted on: February 21, 2009

SHIRWEYNIHII KOOWAAD EE URURKA DAL HAGAAJE

SHIRWEYNIHII KOOWAAD EE URURKA DAL HAGAAJE
“Waxaan doonayaan in aan maddaxweyne noqdo” Badhasaab Ku-xigeenka Gobolka Togdheer

Xalay fiidkii waxa hoolka jaamacada Burco lagu qabtay shir weynihii koobaad ee ururka dal-hagaaje, shirweynahan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socotay maamulka Gobolka Togdheer iyo qaar kamid ah cuqaasha Gobolka.

Ugu horeyna waxaa halkaa hadalo kooban ka soo jeediyey Guddoomiyaha ururka Dal-hagaaje, Abokor Carab Ileeye, Guddoomiyaha ayaa waxa uu carabka ku dhuftay sababihii ay ururka u aas-aaseen, isaga oo intaaasi raaciyey in aanay ururkan dal-hagaaje u aas-aasin sidii ay dhaqaale ugu heli lahaayeen oo kaliye balse ay u dhiseen in ay wax badan ka qabtaan arimaha bulshada, dalka iyo danta umada reer Somaliland.

Waxaana ka mid ahaa hadali halkaasi uu ka soo jeediyey gudoomiyuhu:-

“Dal-hagaaje waa ruru bulsheed samo-fal ah oo ka hawl gala xarunta Gobolka Togdheer ee Burco, ururkan waxaa loo aas-aasay ee ugu muhiimsan waxaa ka mida:- markii aanu aragnay kaalintii horumarka dhalin yaradu ay ku leedahay dalka oo banaanatay, waxaana kaalintaas baneeyay tahriibta oo in badan halkan iyo meelo kalaba in badan lagaga hadlay”

Gudoomiye Abokor isaga oo hadalkiisii sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey oo uu yidhi:-

“Dhalinyarada ururuka Dal-hagaaje markay daarasad ku sameeyey oo ay arkeen in dhalinyaradu wax ka qaban karato arimaha bulshada sida, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo diinta Islaamka”.

Sidoo kale goobta uu ka dhacay shirweynuhu waxaa ku sugnaa badhasaab ku-xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, waxaanu halkaasi ka soo jeediyo hadalo isugu jira dardaaran iyo dhiiri galin, inkastoo uu Guuleed aad u dhaliilay shirkadaha is-gaadhsiinta iyo shirkada Dahab Shiil oo ay qaar ka midi joogeen goobta uu kasocoday shirkii ururka Dal-Hagaaje isaga oo ku dhaliilay in aanay shirkaduhu wax ka guran bulshada balse ay tahay in ay wax gashadaan dhalinyarada dibna wax ugu celiyaan bulshada ee ay dhalinyaraduna ka mid-ka tahay.

Sidoo kale badhasaab ku xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed isaga oo hadalkiisii sii wata ayuu intaasi raaciyey:-

“Halkan caawa hawsha lagu hayaa wax weeye ila tasho aan wada tolanee, ila dhaqo aan wada lisanee iyo ila beero aan wada guranee, sidaasi daraadeed marka magacan Dal-Hagaaje la qiimyeeo intas ayey isugu soo ururayaan muhiimadiisu”

Dhinaca kale mar uu dhalin yarada isugu timid goobota dhiiri gelinaayey waxaa uu yidhi:-

“ Sidaasi daraadeed waxaan idiin sheegayaa dawladu waa idinka, Xoogu waa idinka, maddaxweynuhu waa idinka, ka wasiirka sheeganayaa waa idinka xataa ka Gobolka iyo degmada haystaa waa idinka, hadiidba aad bari ka maalin isku raacdaan horumarka Gobolka iyo dantiisa oo aan anigu idinka soo hor jeesto sidaasi daraadeed ka madaxweynaha ahi wuxuu doonayaa in aanay bulshada wax kaga iman, markaas aniga ayaa fudud oo meesha ayaa laga saarayaa”

Badhasaab ku-xigeenku mar uu ka hadlaayey hadafkiisa siyaasadeed waxa uu intaasi ku daray in uu maanta yahay ka ugu da’ada yar siyaasi ahaan marka loo eego inta ka talisa dalka, waxaana ka mid ahaa hadali uu halkaasi ka yidhi:-

“ Aniga laftigaygu maadama oo aan ugu da’a yar inta maanta xilka haysa waxaan jeclahay cid ila qolo noqota, waayo qoladu waxa weeye inta aad isku fikirka noqotaan, bari ka maalin waxaan doonayaan in aan maddaxweyne noqdo oo aad ii codaysaan sidaasi daraadeed waar aynu shaqaysano oo yeynaan dalkan cid ku halayn waliba yeynaan cid u xidhnaan”

Sida oo kale waxaa halkaas hadalo kooban ka soo jeedisay gudoomiye ku xigeenka ururka Nimco Cabdi Yuusuf, waxaanay halkaasi ku xustay taarikhda ururka la aas-aasay iyo marxaladihii kala duwaan ee ururku soo maray.

Ururkan Dal-hagaaje waxaa uu leeyahay koox hidaha iyo dhaqanka matasha oo madani ah.

Reported by: Ibraahim Abdirahman Qaasim
Burao/Somaliland
Qaasim
Qaasin05@hotmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: