Toggaherer’s Weblog

WARAYSI AANU LA YEELANAY HAWEENAY KA MID DADKII LA KHIYAAMEEEY

Posted on: February 20, 2009

WARAYSI AANU LA YEELANAY HAWEENAY KA MID DADKII LA KHIYAAMEEEY

Hargeysa 20 Feb 2009 ToggaHerer
Waraysi kooban oo aanu kula yeelanay saldhiga dhexe Hortiisa haweenay Ka tirsan Dadka ay dhaceen Kooxda budhcad lacageed ah ,

Haweenaydan ayaa ahayd markii aanu waraysiga ka qaadaynay Mid aad u muragaysan dhiibato aduuna u dhamaatay haweenayda ayaan ahayn mid iyadu ka muragaysanayd dhaca iyada loo geystay ee waxa ay ka muragaysnayad Walaasheed oo haysta Caruur agoon ah oo ay wixii hanti ay haystay kaga shubtay Meeshan oo ay iyadu lahayd sababteeda, ka dib markii ay iyadu hore u gashay meesha kuna tashkiilisay aakhirkiina ku qancisay.

Haweenyada ayaa ka gaabsatay in magaceeda la sheego . warasyiga ayaa uu dhacay sidan:-

Salaamu Calykum walaal Waa Bahda Shabakad wareed la Yidhaa ToggaHerer waraysi kooban ma kula yeelan karnaa?

Calaykuma salaam Haa Eddo.

S; Ma dadka la dhacay ayaad ka mid tahay mise Waxaad tahay Xog doon?

J: Maya ee waxan ahay dadka la dhacay gabadhii lacagta naga qaadayna meeshan ayay ku xidhan tahay oo ay ku jirtaa.

S: Imisa lacag ah ayaad adigu u dhigatay meeshan?

J: Waxaan dhigtay 6 Kun oo Dolar Waxaanan U dhiibay Gabadh ahayd Wakiil se iyadu aan toos ugu xidhnanyn Cidaas se ahayd wakiil wakiilkeed .

S: Gabadha Miyaad taqaanay mise Cid ayaa ku wastayasya?

J: Maya ee ee gabadha aqoon ayaan isku lahayn waxayna ahayd gabadha aanu macaariif nahay marka iyadu muddo ayay ku jirtay hanti ayayna ka samaystay hantidaas ayaana I hoday .

S:Markaa Markii aad u geysay lacagta Maxaad istidhaahdeen oo heshiis ah oo aad gasheen?

J: Wax heshiis ah may jirin waxayna ahayd Jawabteedu markii aan u geeyey lacagta Suul iyo saxeex toona ma leh Haddii aad lacagtaadii u baahato waad helaysaa Hadii ay doontu degto mudadaas oo ay kacdo shirkadu waxba naguma lihid Bishii waxaad qaadanaysaa lacag faa’ido ah oo dhan 9 Boqol oo dollar khidmad dhan 6 Boqol na waan kaa goosanayaa.

S; Shirkadu waxay tahay ma garanysay iyo waxa lagag shaqayno lacagtaada iyo cida masuul ka ah shirkada ma laguu sheegay?

J; Anigu ma garanyo cidda loo geynayay lacagta ama ay ku shubmaysay se waxaan ogahay uun in lacagtu ay ururin jireen wakiiladaasi ka dibna iyagu sii gudbin jireen wixii faa’ido ahna iyaga ayaa naloo soo marin jiray.

S; Imisa Bilood ayaad Faa’ido qaadatay ?

J; waxaan qaatay saddex Bilood .

S; Cid adigu aad wakiil ka ahayd ma jirtay ama kugu dayatay ama aad u sharaxday in ay ku soo biirto Meesha?

J ; Haa way jirtaa waana walaashay Inkasta oo ay Lacagta iga maqani welwel igu hayso, haddana waxay noqonaysaa mid aad u yar marka loo eego walaashay oo agoon ah oo aan Bishii hore ka xaraashay dahabkeedii yaraa iyo wixi ay haystay hanti oo dhan kana geliyey meeshan.

S: Waa imisa Lacagta aad walaasha ka gelisay Meesha ?

J : Walaashay waxay ahayd qof iska shaqaysata oo Bariiska caruurteeda u raadisa marka markii hore waxaan ka iibiyey dahabkeedii oo waxay ahayd qof ka shaqaysta iibka dahabka waanan ka xaraashay lacag dhan ilaa 25 kun oo dolar. dhamaanteedna meesha ayaanu ka dhigay.

S: Wax Faa’ido ah ma ka qaadatay Walaasha Lacagtaa muddadii aad dhigteen ?

J : Maya waxaanu dhignay Bishii kowaad ee Sanadka marka waxa ay ahayd in ay qaadato faa’idadeeda bishan aynu ku jirno 15 keedii se waxay la kulantay fashilka ay fashilantay arinti.

Alle Ha kaa cawilo Ayaan ku leenahay Alle na xaqaagii iyo xaqa dhamaan intii la dhacay Ha u bidh bidhyo dhamaantiina ha idinka Cawilo Cawil khayr qaba Amiin. 

Xafiiska Wararka ToggaHerer Hargeysa
Waraysiga waxa qaaday Mubarik Cabdi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: