Toggaherer’s Weblog

KOOX WARAABAYAAL AH OO CUNAY TIRO DAD AH OO GAADHAYA 16 QOF BAABULI

Posted on: February 20, 2009

KOOX WARAABAYAAL AH OO CUNAY TIRO DAD AH OO GAADHAYA 16 QOF BAABULI

Adissabab 20 Feb 2009 ToggaHerer
koox Waraabayaal ah ayaa weerar kusoo qaadey tuulooyin ku hareereysan magaalada Baabuli halkaasoo ay Waraabayaashina ku dileen kuna cuneen dad gaadhaya 16 ruux iyo 8 neef. 

Tuulooyinkan ay waraabayaashu dadka ku cuneen ayaa kala ah tuulada Gurdumo iyo Turunturi oo aan ka fogeyn magaalada Baabuli.
Dadweynaha xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan aaggaas ayaa walaac ka muujiyey waraabahaas iyadoo aad uga cabsi qaba in waraabuhu ku mamo hilibka dadka xilli dad iyo duunyaba shacabku uu aad u rafaadsanyahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in waraabaha soo weerarey tuulooyinka ay lasocdeen Shabeello waloow ay adagtahay in la xaqiijiyo warkaas. 
Waa markii ugu horeysay ay Dhurwaayo koox ahi ay dilaan tiradii ugu badneyd ee dad ah gobolka oo dhan iyadoo ay jiraan weeraro horey ay Dhurwaayadu soo qaadeen balse aysan dillin tiro intan le’eg.

Warqabadka ToggaHererr Ethiopia
Wariye : Xuseen Jamac Duraan (xusto)
Addis

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: