Toggaherer’s Weblog

DAD LOO QABQABTAY KHIYAAMDII DHACA LACAGTA IYO WASIIR CIRRO OO KA HADLAY

Posted on: February 20, 2009

DAD LOO QABQABTAY KHIYAAMDII DHACA LACAGTA IYO WASIIR CIRRO OO KA HADLAY

Hargeysa 20 Feb 2009 ToggaHerer
Ciidamda Booliska Ee magaalada Hageysa ayaa xabsiga u Taxaabay Tiraba 14 Ruux oo dumar ah oo la sheegay in ay ka mid yihiin Wakiiladii Agence yadii lacagta u qaban jiray ama loo sii marin jiray Kooxda Budhcada ah ee Khiyaamaysay Dumar iyo dadweyne Farabadan.

Dumarkan la qab qabtay ayaa ku kala xidhan hadda Saldhiga Dhexe Saldhiga Qudhac Dheer iyo Saldhiga New Hargeisa Dadweyne fara badan ayaa Tuban kuna Xoonsan Saldhigayadaa Oo ah Dadweynihii La dhacay lana Khiyaameeyey, Dadweynaha Ayaa tiro badnaantooda awgeed Hakad galiyay Isu socdka Wadooyinka Hor mara Saldhigayadaa Iyo Hawlii shaqo ee Ka socotay intaba, iyada oo lagu soo xoojiyay ciidankii hore ee booliska ahaa ciidamo dheeraad ah oo dadweynaha cadhaysan ka celiya saldhigayda si aanay khalkhal ugelin amaanka saldhigyada.

Haweenay aanu la kulanay oo magaceeda ka gaabstay in la sheego ayaan oo sheegtay in Lacagta laga dhacay ee laga khiyaameeyay ay dhan tahay lacag dhan $ 36,000 (Lix Iyo sodon kun oo Dolar) oo ah aqal ay iibisay Sidoo kalena ay geysay dad ehelkeeda ah lacag gaadhaysa ilaa $80,000 (Sideetan kun dolar) Gabadha ayaa intaa ku dartay in anay lacagtaa ka haysan wax Warqad ama markhaati ah oo muujinaya in lacagtaa laga qabtay. 

Sidoo kale Haweenay kale ayaa tidhi Inkasta oo ay Lacagta iga maqani welwel igu hayso, haddana waxay noqonaysaa mid aad u yar marka loo eego walaashay oo agoon ah oo aan Bishii hore ka xaraashay dahabkeedii yaraa iyo wixi ay haystay hanti oo dhan kana geliyey meeshan, dadweynaha ayaa qofka u yar lacagta laga hayo ku sheegaya Kun dolar (1000 Dolar) halka qaarna ay gaadhayso lacag tobanan kun oo dolar ah.

Ilaa iyo hadda ayaan la garanayn Kooxdan maafiyada ah ee dhaca weyn geystay meesha aay tageen iyo waxa ay ahaayeen iyada oo saameysay dhamaan Dadweynaha Ha ku sugnaado Dibad ama Gudaha, lamana garanaayo Cadadka lacagta ay dhaceen iyada oo lagu qiyaasi karo malaayiin doolar sababtoo ah Wakiilo hoosaadyada Ku sugnaa Saldhigyada ayaa mid waliba sheegaysaa in ay gudbisay lacago ka badan Midiiba laba boqol oo kun oo dollar ( 200 Kun Dolar) sidaana waxa u sheegay ToggaHerer Tiraba Sideed wakiil Hoosaad oo aanu kula kulanay saaka Saldhiga Dhexe Hortiisa.

Geesta kale Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Mudane C/laahi Ismaaciil Cirro ayaa sheegay in uu ka xun yahay Dhaca iyo khiyaamada lagula kacay Dadweynaha, wasiirka ayaa intaa raaciyaay in ay ciidanka amaanku wadaan dabagal iyo baadhis xoog leh sidii ay u soo qaban lahaayeen dadkii ka danbeeyey falkaa, wasiirka ayaan sheegin waxa ay xukuumad ahaan u qabanyaan dadkaa la khiyaameeyey.

Isku soo wada duuboo Dhacadan khiyaamada ah ayaa metesha una eeg Khamaarkii la odhan Jiray Istaahil ka ee ahaa Yaa raacay oo Waayo hore lagaga Khamaari Jiray Hargeysa Iyo dhulka Somalida Cidii soo gaadhay Wakhtigaasina garanayso qaabkii xarfadaysnaa ee ay u dhici jireen khamaarwalyaashu dadka.

Xafiiska Wararka ToggaHerer Hargeysa

Maxamed Oday 
Mubaarik Cabdi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: