Toggaherer’s Weblog

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO KHAMIIS AH FEB.19, 2009.

Posted on: February 19, 2009

WARARKII WARGEYSKA OGAAL MAANTA OO KHAMIIS AH FEB.19, 2009.

Wararkii Wargeyska Ogaal, Khamiis Feb.19, 2009. 

“Diiwaangelintii waxay u muuqataa inay gelayso 29-March, taasna heshiis baa nooga yaal” Madaxweyne ku xigeenka 

“In la fool eryaa (Doorashada) ma fiicna, Deeqbixiyayaashu kaalin bay ku leeyihiin arrintan, waa ay garanayaan waqtigay wax ku qabsoomayaan iyo …” Gudoomiyaha Komishanka 

“Bil, Laba iyo Sadex bilood waxba maaha waxase ka muhiimsan inaynu hello doorashadoo cadaalad ah” Madaxweyne ku xigeenka 

Hargeysa (Ogaal) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Qaranka Jaamac ayaa si gaar gaar ah u muujiyay in aan hawsha diiwaan-gelinta laga gaadhsiin karreyn waqtiga kooban ee ka hadhay 29-ka March. Hase ahaatee, waxa ay tilmaameen in doorashadu ku dhacayso nidaam heshiis ay ku yihiin Axsaabta iyo dhinacyada ay khusayso doorashadu.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo shalay waraysi gaar ah siiyay TV-ga Horn Cable TV waxa uu sheegay in heshiis uga yaalo Xisbiyada mucaaradka ah iyo Xukuumada waxa laga yeelayo haddii hawsha diiwaan-gelintu guddo gasho 29-ka bisha soo socota. “Waxaad moodaa in dadka wax loo geliyay qaab qalad ah, doorashada waxa la yidhaahdaa waxa la kordhiyay laba jeer waa been.

Waxa jirtay muddo laga dhaxlay Mudane Cigaal. Shantayadii sanadood ee lana doortay waxa ku xigay sanadkii ay isla garteen Axsaabtu waxaanu ka shiraynay malaha laba bilood.” Sidaas ayuu hadalkiisa ku bilaabay Madaxweyne ku xigeenku, waxaana uu intaa raaciyay isaga oo hadalkiisa sii watana uu yidhi.

“Waxaanu ku heshiinay (Axsaabta) qodobo fara-badan.

1- waxa la yidhi diiwaan gelin hala galo si doorasho xor iyo xaqsoor ah loo helo, arrintaa waxa ku dheganaa labada Xisbi ee UDUB iyo UCID. Maadaama arrintaasi jirto, waxay dalbadeen Kulmiye in doorashada deegaanka si waqti loo hello dib loo dhigo, waanu ka yeelay oo waxa la soo horeysiiyay doorashada Madaxtooyada.

Qodabaanu kala saxeexanay oo la kala qortay, qodabadaa waxa ku jiray diiwaan gelinta la qabanayaa hadday gasho mudada caddidan ee 29 March ku eg, maxaa la yeelayaa, Diiwaangelinta la qabtay waa arrin culus oo Ilaahay inagu guuleeyay, waxay u baahantahay in laga sifeeyo dadka labada jeer is diiwaan geliyay ilayn xaqsoorbaa la doonayaaye.

Diiwaangelintii waxay u muuqataa inay gelayso 29-March oo ku dhawaaneyso marka imika mishiinka kala saaraya laga shaqeysiiyo ee uu muddo qaato inuu hoosta ka galo 29 March. Halkaa qodob ayaa nooga yaalay, waxaanu ahaa qodobkaasi in Komishanka iyo Axsaabtu dib isu arkaan oo dabeedna la cayimo waqti kale oo ay isla ogyihiin Komishanka iyo Axsaabtu, waliba waa shaqadii Komishanka oo ay farageliyeen Axsaabtu….Waxa la yidhi qodobkaa ugu danbeeya, hadii ay diiwaangelintu gasho 29 March in dib la isugu yimaado oo tusaale ahaan hadday dhaafto sadex bilood, haday dhaafto laba bilood iyo haday Bil dhaaftaba intaasuun in loo gudbiyo Guurtida oo Guurtiduna intaasuun ku ekaato.

Markaa ummadan waxa loo walaacinayo garan maayo annigu, waxay ahayd uun in wixii lagu heshiiyay uun dadka loo bandhigo arrinkuna halkaa ku dhamaado, annagu doorasho diyaar ayaanu u nahay.” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku.

Su’aal laga weydiiyay inuu cadeeyo arragtidiisa ku wajahan in doorashadu ku qabsoomayso 29, march iyo in kale, wuu ka warwareegay waxaana uu tilmaamay hawlaha badan ee qabyada ah.

“Waxa loo galay diiwaan gelinta inay dalka ka dhacdo doorasho cadaalad ahi, maaha intaanu dubuq-nidhaahno in wixiina dalka ka fashilmaan. Umadiina isku kharibanto dabadeedna ay arrintu noqoto fawdo Bil, Laba iyo Sadex bilaad waxba maaha waxase ka muhiimsan inaynu hello doorashado cadaalad ah.” sidaas ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenku.

Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay in aanay dhib lahayn muddo kooban oo lagu heshiiyay in arrimo farsamo ee dhiman lagu dhameystiro, Islamarkaana waxa uu u soo jeediyay Axsaabta inaan la buun buunin. “

Ka sokow mudane Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Gudiga doorashooyinka Qaranka Jaamac Swedan oo shalay laanta af Soomaaliga ee idaacada BBC-da u waramay ayaa in kasta oo aanu si rasmi ah u shaacin in ay xiliga loo cayimay dib uga dhici karto, hadana waxa uu sheegay in doorashada dedejinteeda laga wanaagsan-yahay.“Komishanka doorashooyinka Qaranku iyagaa hawshan u igman, hadday duruufo soo baxaana iyaga ayay tahay inay dadka la socodsiiyaan, waxaanu ka digaynaa oo aanu xisbiyada qaranka iyo hadalada maalmahan socda aanu dadka u sheegaynaa in ummadan doorashooyinkeedii qabsoomayaan inaanu jirin wer-wer badan oo arrintaa ku lug lihi jirin waa in lagu niyadsamaadaa” sidaas ayuu yidhi Gudoomiyuhu.

Waqtiga lagu heshiiyay in doorashadu dhacdo ee 29-ka bisha soo socota, wax badani kama hadhin, sidaa daraadeed waxa la weydiiyay Gudoomiyaha Gudiga doorashada lacagta ay u hayaan iyo sida ay arrintaa uga diyaar garoobeen. Waxaana uu ku dooday in deeq-bixiyayaasha Somaliland ka taageera Doorashooyinka aan wax ku xidhani jirin. “Lacagtu hab ayay martaa, habkiibay ku jirtaa waana lacag gacanta lagu hayo weeyaan.” Ayuu yidhi.

Waxa jira dhaliilo gudiga doorashooyinka loogu jeediyo caga-jiid iyo inaanay hawlaha gaar ahaan kala saarista dadka is diiwaangeliyay u kala waddin qaab deg-deg ah oo hufan oo ku haboon waqtiga lagu jiro ee la dhawrayo mudaynta doorashada, hase ahaatee, waxa uu ku dooday Gudoomiyuhu in mishiinka kala saarista dadka hawshiisu meel fiican marayso.

“Mishiinka kala shaandheynta, tii hore ee Faraha iyo wejiga kala saarayay waa la geliyay, ku guristii iyo hawlihii kale ayaa socda. Khamiista ugu danbeyn waxaanu rajaynaynaa inuu si fiican u hawl-galo oo aanu Axsaabta iyo Deeqbixiyayaasha ku casuuno si ay u ogaadaan bilowgiisa.” Sidaas ayuu yidhi.

Jaamac waxa la weydiiyay, dareenada isa soo taraya ee la xidhaadha waxa laga yeelayo haddii doorashadu xiligii loo cayimay ku dhici weydo maadaama arrintaas saan-saanteedii muuqatay, Islamarkaana uu durba walaaca arrintaa laga qabaa sii kordhayo, waxaana uu arrintaa kaga jawaabay. “Horta, waxa weeye in arrinta Fool-eriga laga daayo weeye. Wixii la fool eryaana ma fiicna, Deeqbixiyayaashu kaalin bay ku leeyihiin arrintan, waa ay garanayaan waqtigay wax ku qabsoomayaan iyo waqtiga aanay waxba ku qabsoomeyn, lacagta ay bixinayaana iskama bixinayaan ee nidaambay leedahay. Komishanka qarankuna si deg deg ah ayay ulla imanayaan qorshaha arrintan.”

Gudoomiyaha gudiga doorashada oo la sii weydiiyay in ay ku xidhan yihiin deeqbixiyayaasha ee aanay iyagu lahayn awood iyo go’aano waxa uu sheegay in haatan aanu heynin wer wer ay ka qabaan dhinaca dhaqaalahu, sidaa daraadeedna ay u madaxbanaan yihiin hawlahooda. Waxaana uu ku dooday in Axsaabta uu wadda tashi ka dhexeeyo, Islamarkaana ay arrimaha taagan deg-deg go’aamo midaysan uga gaadhi doonaan. 

Hargeysa: Magaalo is weydiinaysa shirkad aan la magac dhabin

“Anigu ma garanayn cidda loo geeyay ee Lacagtayda ku shaqaysa”

Hargeysa (Ogaal) – Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Hargeysa qaarkood ayaa shalay galabtii ilaa xalay dareenkoodu taagnaa ka dib markii ay soo baxeen tibaaxo la isla dhexmarayay oo sheegaya in maalmihii ugu danbeyay aan wax war ah laga helin Qof la sheegay in Dadweyne tiro badani Lacag ugu dhiiban jireen Kayd ahaan, si ay Lacag dheef-kor ah Bishii uga helaan.

Hugun iyo Warar ku tacaluqa arrintan ayaa si xad dhaaf ah laysugu gudbinayay goobaha dadweynuhu ku kulmaan ee magaalada Hargeysa ilaa xalay, iyadoo dadka arrintani saamaysay ay walaac ka muujiyeen Lacagyow qaddarkoodu kala duwanaa oo ugu jiray noocan ganacsiga ah. “Waxaan 1000-Dollar u dhiibay Qof Dumar ah oo aan aqoon u leeyahay, ujeedada aan ugu dhiibayna waxay ahayd in aan helo Lacag dheef ah oo aan Bishii qaadanayo, marka aan u baahdana waxa lay sheegay in aan helayo Lacagtaydii.” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Dadweynaha Lacagta Kaydka ah u dhiiban jiray Qofkan la sheegay in uu Ururin jiray Lacagta ee warka laga waayay, taas oo magaceeda Nimco ku soo koobtay. Waxaanay intaa raacisay oo ay tidhi, “Inkasta oo ay Lacagta iga maqani welwel igu hayso, haddana waxay noqonaysaa mid aad u yar marka loo eego Lacagayowga dadka qaarkood dhigteen ee loo hayay, kuwaas oo qaar ka mid ahi gaadhayaan 20-Kun oo Dollar.”

Inkasta oo aan rasmiyan looga war qabin halka Qofkan Lacagta ururin jiray tegay ama sida warka looga waayay, haddana waxa Magaalada Hargeysa laga dareemay saamaynta uu Warkan ku yeeshay dadweynaha. “Anigu ma garanayn cidda loo geeyay ee Lacagtayda ku shaqaysa, laymana sheegin, hase ahaatee qof baa Wakiil iiga ahaa oo lacagta aan sii mariyay, faa’iidaduna ii soo mari jirtay. waxaanay balantu ahayd inaan bil kata qiyaas go’an oo faa’iido ah helo, hase ahaatee, xiligii balanta oo wakhti go’an ahayd bil kasta ayaa doorkan dib u dhacaday taas ayaana keentay werwerka iyo in la is weydiiyo” Sidaa waxa iyana tidhi Gabadh kale oo ka gaabsatay in Magaceeda la shaaciyo.

Culima’udiinka Somaliland qaar ka mid ah ayaa hore uga dayriyey sifaha iyo habka loo bixiyo, isla markaana dheef looga raadiyo Lacagayowga noocan ah oo in mudo ahba ka jirtay Hargeysa, kaasoo ay u naqdiyeen siyaabo kala duwan, waxana saamelayda sharkadan aan la aqoonsan marka aad weydiiso ay kuu sheegayaan inaanay loo cadayn qaabka loo maamulayo, shirkada lacagtoodu ku jirto iyo cida kama dameysta lacagtu ku ururaysay oo la sheegay inay la xidhiidhaan wakiillo tirsani.

Mar aanu xalay la xidhiidhnay Masuuliyiinta Dawladda ee arrintani khusayso ayaanay noo suurtogelin inaanu helo, isla markaana Dawladdu war rasmi ah kama soo saarin arrintan, hase ahaatee, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Lacagta dadweynuhu isu dhiibteen marka laysu geeyo ay tahay mid qaddarkeedu xooggan yahay oo badan. Islamarkaana haatan ciidamada baadhista danbiyadu ku hawlanyihiin sidii ay baadhis ugu sameyn lahaayeen arrintan. 

Agaasime telefishan oo lagu helay dilka xaas ay kala tageen

Hargeysa (Ogaal/Hadhwanaagnews) – Agaasimihii guud ee Telefishan isku-xidha dadka Islaamka ee ku dhaqan wadanka Mareykanka gaar ahaan magaaladda New York ayaa lagu eedeeyay in uu nafta ka jaray xaaskiisa sida laga soo xigtay saraakiisha amaanka ee magaladaasi.

Muzzammil Hassan oo 44-sanno jir ah ayaa kal hore ku eedeysnaa inuu qoorta ka jaray xaaskiisa balse haatan lagu helay In xaaskiisa oo la odhan jiray Aasiya Hassan uu ku qariyay meel ka baxsan xarunta Telefishankan oo maydkeeda laga helay markii uu madaxa ka jaray.

Muzzamil Hassan Iyo Xaaskiisa Aasiya waxay ka shaqeyn jireen Telefishankan oo isku xidha dadka Islaamka ee ku dhaqan wadankaasi Maraykanka. Saraakiisha Amaanka ee magaladda New York waxay sheegeen in xaaskiisa ninkan ay in muddo ah kala maqnayeen sababo la xidhiidha is-fahmi-waa so kala dhex-galay oo sababtay inay is fuuraan darteed.

Haweenaydiisa oo da’ahaan lagu qiyasay 37 sanno ayaa u heysay labbo Caruur ah oo da’doodu kala tahay 4-sanno jir iyo 6-sanno jir. waxana la sheegay haweenaydan inay markay kala taageen saygeedan hore ka dib nin kale oo uu ka bilaabmay hinaasaha loo arko inuu keenay dilkeedu ay xidhiidh la yeelatay. Telefishankan oo ah mid wararka iyo aragtidada dadweynaha ku gudbiya satliteka ayaa waxaa aas-aasey Mr. Hassan sannadkii 2004-ta, waxaana xarun looga dhigay magaaladda New York.

Agaasime Hassan ayaa kadib markii u dhameystiray ee uu xaaskiisa Marxuumad Aasiya ku furay sedexda dal-qadood kadib lagu war helay geerideeda. iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn inuu falka dilka ka danbeeyay ninkaas hore u qabay, balse illo ku dhow-dhow haweenaydaas ayaa sheegay inuu falka ka danbeeyay Hassan uuna u sameeyay maseyr dartiis. Taasoo baadhisteedii socoto.

Si kastaba ha ahaatee dacwada lagu soo oogay ninkaas ayaa dhageysigeeda si toos ah waxa uga qeyb-qaatay qoyska ay gabadha ka soo jeedo oo ka yimid dalka Pakistan oo ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan labaduba sida warbixinta lagu xusey.ninkan falka lagu tuhmayo ayaa labbo caruur oo kale ay u dhashay

Hadhwanaagnews Media 

Jeneraal Galaal oo dawlada Sh. Shariif kula taliyay inay dib ugu yeedho ciidamadii hore.

“Amaanka Somaliland wuxuu ku yimi khibrada ciidamadii hore oo laga shaqaysiiyay” Jeneraal Maxamed Nuur Galaal

Muqdisho (APA/Ogaal)- Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii sar-sare ee maamulkii Siyaad Barre ayaa ku taliyay in hogaanka dawlada (TFG) ee Soomaaliya ay soo nooleeyaan ciidamadii amaanka si ay u xasiliyaan qaranka dagaaladu aafeeyeen. Isla markaana wuxuu tusaale lagu daydo u soo qaatay Somaliland iyo qaabkii Maleeshiyaadka hubka looga dhigay. Sidaana waxa lagu faafiyay shabakada wararka APA.

Isaga oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Nairobi shalay ayaa Jeneraalkan hore waxa uu ku eedeeyay dawlada Sheekh Shariif inay u isticmaalayso maleeshiyaadka qabaliga ah sida milatariga iyo boolis ahaanba, halkii laga shaqayn lahaa ilaalinta amaanka dadweynaha. “Xaaladda nabadgelyo ee dalku way sii xumaanaysaa, isla markaana kuwii sii wiiqayay waxay ahaayeen booliska iyo milatarigii (maleeshiyaadka qabaa’ilada), kuwaasoo la siiyay hubkii iyo lebiskoodii,” ayuu yidhi Jeneraal Maxamed Nuur Galaal. Waxaanu ugu baaqay Madaxeyne Sheekh Shariif inuu dib ugu yeedho ciidamadii hore ee amaanka, kuwaasoo la aaminsan yahay, ayuu yidhi, inay awood u yeelanayaan inay tabobaraan maleeshiyaadka da’yarta ah, isla markaana ilaaliyaan xaaladda amaanka ee dalka Soomaaliya. “Aniga taladayda aan siinayo madaxweynaha waa inaan waydiisto in xubnihii hore ee millatariga, booliska iyo hayadaha amaanku ay soo shaqo-tagaan, waxaanan hubaa inay ka caawin doonaan dawladiisa sidii ay degdeg u soo celin lahaayeen amaankii oo ay ka difaacaan inay burburto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxa kale oo uu Jeneraal Galaal ka hadlay in dawladihii la soo dhisay 18-kii sannadood ee la soo dhaafay ay ku guuldaraysanayeen xasiloonida dalka, isla markaana wuxuu taas ku sababeeya in la dacayay muhiimadii koowaad oo ahayd in dib loogu yeedho ciidamadii hore ee xirfada u lahaa inay sugaan amaanka qaranka. “Waxaynu ognahay in Jamhuuriyada gaarka u go’day ee Somaliland ay aad uga amaan badan tahay Soomaaliya, taasina waa mid ku timi markii milatarigii hore iyo booliskii laga shaqaysiiyay khibradahoodii, isla markaana hubka laga dhigay maleeshiyaadkii qabaa’ilada ee aan anshaxa lahayn,” ayuu yidhi Mr Galaal.

Dooda mucaaradka iyo difaaca UDUB ee hordhaca ololaha doorashada

“UCID iyo KULMIYE waxa hogaaminaya raggii dhinacoodu dhulka bartay” Wasiirka hawlaha guud

“Rayaale doorashadan 50% buu ka helayaa Awdal, Oodweyne iyo Saaxil-na……” Wareysi: Cabdiraxmaan Saylici

Hargeysa(Ogaal) – Xukuumada Iyo xisbiyada mucaaradka ah ayaa gooni gooni midkastaa gaarkiisa ugu hanjabay inuu doorkan ku guuleysan doono doorashada soo socota ee Madaxtooyada.

Wasiiradda Arrimaha gudaha iyo hawlaha guud ee Somaliland Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Ciro) iyo Siciid Sulub Maxamed oo shalay munaasibad xisbiga Talada haya ee UDUB ku qabsaday Hargeysa ka sheegay inay kalsooni buuxda ku qabaan inay guulaysan doonaan Xisbiyada UCID iyo KULMIYE, “Maanta hanjabaadii UDUB anniga ayaa odhanaya’e, UDUB ayaa doorashada ku guuleysanaysa waana la hubaa. Dagaalbaa dhacaya, odhan mayno waa la qaxayaa odhan mayno, laakiin doorashada waanu helaynaa ayaanu leenahay…”Sidaa waxa yidhi Wasiirka Hawlaha guud Siciid Sulub, waxaana uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Uma hayno talada inaanu tartan ku galo oo kaliya, waxanu u haynaa wixii hore u dhacay ee dhib ahaa iyo wixii dib u dhacayba inaanu ka badbaadino dalka…. haddii dadweynaha reer Somaliland wejiyo cusub jeclaan lahaayeen, UCID iyo KULMIYE mid-na weji cusub ma keenin anaga laftayadu waanu yara cabsan lahayn hadaanu wejiyo cusub arragno. Ragii dhinacoodu dhulka bartay ee dhici ogaa uun weeye.”

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sidoo kale, ku dooday inay doorashadan rajo fiican ka qabaan. “Waxa la I weydiiyay doorashada soo socota maxaad filaysaan, waxaan idhi Shan sanadood ayaanu soo shaqeynaynay oo nabadgelyadu heerka ay taagantahay waad aragteen oo anagu waxaanu haynaa waxaanu sheegno, dalkana wax badan baa ka qabsoomay oo aanu ku faanaynaa. Kama werwerayno, ninka taagan Shanta sanadood ee soo socda ayaan waxaa qaban doonaa rajo ah oo waxay noqon Ilaahay ogyahay” Sidaana waxa yidhi Wasiirka Arrimaha gudaha.

Dhinaca kale, Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo mudooyinkii ugu danbeeyay booqasho ku marayey wadanka Ingiriiska, ayaa ku dooday inay guul filayaan doorashadan. Waxaana uu Madaxweyne Rayaale iyo xukuumada uu hogaamiyo ku eedeeyay in uu waddaan ciiro-gelin iyo jahawareerin ka dhan ah doorashada Madaxtooyada ee la filayo dhawaan.

Saylici oo u waramay shabakada wararka Intarnetka ee Ramaas, waxa uu sheegay in hawl-galada ka dhanka ah Gudoomiyaha Guurtida ee ka socda Golahaasi ujeedada ka danbeysaa ay tahay in la qaso hawsha doorashada. “Maanta Rayaale kama aha bedelaad a Guddoomiyaha Guurtida, laakiin waxay ka tahay in uu carqaladeeyo doorashada si kordhini u timaado, Saleeban waa ninkii shalay soo saaray ee la shaqeeyay haddii uu ku yidhi waar dalka sidan ka daa oo xilkaaga gudo oo doorashada ku dhawaaq, runtii ma aha in uu madaxweynuhu ciiro-isku qariyo, wuxuu uga jeedaana waxa weeye carqaladeynta doorashada taas uun baan u arkaa annigu.” Sidaas ayuu yidhi Saylici.

Murashax Cabdiraxmaan, waxaa uu ku dooday in doorashada rajo fiican ay ka qabaan inay ka guuleystaan UDUB. “Doorashadii hore Xukuumada dadku sidan ay maanta u barteen ee ay fadhiidka u noqotay ee aanay balan qudha u fulinayn sidaa may ahayn horta, teeda kale doorashadii hore Rayaale Awdal Cod badan buu ka helay wuxuu helay 70% Sanadkan wuxuu helayaa 50% buu ka helayaa oo waanu la qaybsaneynaa, Oodweyne isagana codkuu sanadkii hore ka helay kama helayo. Waayo, way arkeen balamihiisa waxay arkeen in aanu waxba u soo wadin, wuxuu ku yidhi waxaan idinka badalayaa Lacagta giinbaarta ah kamuu badelin, balamo badan oo u qaadey muu fulin, Gobolka Saaxil oo uu sanadkii hore nagaga cod badnaa isna way arkaan sida ay magaaladii Berbera u baaba’day iyada oo ah hooyadii dakhliga waddanka.

Markaa, sanadkan insha allah cod aad u badan oo aanu nagu soo dhawaan ayaan kaga gulaysaneynaa, shacabkuna taas waa u diyaar maanta, afarta Gobol ee kalena dee waa la-ogaa oo annaga ku codbad nayn.” 

Raashinka ku soo xumaada Badweynta ma dibaa loo cabeeyaa oo suuqa loo keenaa?

Hargeysa(Ogaal) – “Waxa la yidhi, daqiiq xumaatay ayay qolooyinka baayac mushatarka waaweyn ahi keeneen, ka dibna dadka ay u cabeeyaan ama dib ugu mooriyaan daqiiqdaa xumaatay, arrintaasi waxaan leeyahay waa mid aan xaqiiq ahayn oo aan laga run sheegin, sababta oo ah qofna ama shirkadina astaantiisa ama sumcadiisa inuu gowraco oo uu dilo kama suurtowdo, waa siyaasad ganacsi oo qof kasta oo caqli lihi uu garanayo in haddii wax xumaaday aad ku rido calaamadii jawaankaaga aad ka dhigan tahay qof isgowracay.” Sidaa waxa yidhi Maamulaha shirkada Ganacsiga ee Oomaar Maxamed Cali Maxamed, oo saxaafada uga waramay warar sheegaya in shirkado wadani ahi ay suuqa soo geliyaan Daqiiq qoyday oo ay ku soo cabeeyaan Bakhaaradooda magaalada Dekada ah ee Berbera.

Warkan oo markii uu soo baxay, sababay in la xidh-xidho wariyayaasha wargeyska Ogaal iyo Haatuf ee magaalada Berbera oo isku dayay inay soo sawiraan Daqiiqdan. ayaa waxa ay ku doodeen maamulka shirkada Oomaar oo ka mid ah shirkadaha arrintani saameysay in aanu jirin warkaas oo ku soo baxay qaar ka mid ah saxaafadu .“Shirkaduhu sidoodaba waxay leeyihiin siyaasadd ku wajahan badeecada ay ka ganacsanayaan tayadooda iyo caafimaad qabkeeda, annaga(Oomaar) shirkad ahaan siyaasadda noo taalaa waxa weeye shirkaddu inay iib keento badeecad tayadeedu sarrayso, nadaafadeedana la dhawray, taasi waxay sababtay in shirkaddu magac iyo muuqaal ku yeelato bulshada dhexdeeda, arrintaasina maaha mid safaad la geliyo shirkad ahaan, qolooyinka kale ee baayacmushatarka ah ee aannu naqaanaana waa nala mid.”ayuu yidhi. Waxaana uu intaa ku daray oo uu muujiyay inay jiraan raashin xumaaday oo siyaabo kala duwan ugu soo waxyeelooba inta uu jidka ku soo jiro, hase ahaatee waxa uu ku dooday in badeecadaasi caymisku bixiyo. Waxana hadalkiisa ka mid ahaa oo uu arrintaa isaga oo ka hadlaya uu yidhi. “Daqiiq xumaatay intay qoyday oo koontiinaro ku timi oo dekada taalaa way jirtaa, alaabtu haddii ay leedahay caymis marka ay wax xumaadaan qolada caymiska ayaa baadhitaan sameeya oo kala sheega wixii xumaaday iyo wixii hagaagay, wixii xumaada inta la ururiyo ayaa la gubaa ama la daadiyaa, laakiin illaa hadda daqiiqdii xumaatay weli dekada ayey taalaa oo lagama soo qaadin. Markaa daqiiqda xumaatay ee dekada taalaa way jirtaa, laakiin daqiiq xumaatay oo dib loo cabaynayey ma jirto, arrintaasina wax sal iyo raad toona leh maaha. Kamana suurtowdo qofka baayac-mushtarka ahi inuu waxaas oo kale ku kaco, ” 

Maxkamadda G. Saaxil oo min 26 sannadood ku xukuntay 7 Maxbuus

Berbera (Ogaal)- Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa shalay Xukun Xadhig ah ku ridday 7-Nin oo bishan horraanteedii lagu qab-qabtay gudaha Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, kuwaas oo ku eedaysnaa inay abaabulayeen Falal Budhcad-Badeednimo oo ay ka fuliyaan Xeebaha Somaliland.

Wararka ka imanaya Magaalada Berbera ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil ayaa la sheegay in uu Maxkamadda kaga dhawaaqay in markii ay Maxkamaddu dhegaysatay dacwadda loo haystay nimankan oo ah in ay qorshaynayeen hawlgallo Budhcad-Badeednimo oo ay ku doonayeen in ay Xeebta Magaalada Berbera iyo guud ahaan Xeebaha Somaliland ka fuliyaan, isla markaana ka Afduubaan Xeebaha iyo Maraakiibta Ganacsi ee maraya Badaha Somaliland. waxaanu intaa ku daray, lana horkeenay Maxkamadda sida la sheegay Hub ay ka mid yihiin Baasuukayaal, Sallaan iyo aalado kale oo fududaynaya Afduubka Maraakiibta iyo Doonyaha.

Raggan oo sida la sheegay Shan ka mid ahi ay ka soo jeedaan dhalasho ahaan Maamul-gobolleedka Puntland ee Somalia, laba kalena ay ka soo jeedaan Somaliland, ayaa Maxkamadda Gobolka Saaxil waxay midkiiba ku xukuntay 26-sanno oo Xadhig ah. Sidoo kale, Maxkamaddu waxay xukuntay in lala wareego Hubkii lagu soo qabtay. Guddoomiyaha Maxkamada gobolka Saaxil wuxuu sheegay inay xukunkan u cuskadeen Qodobada 168,230 iyo 234 ee xeerka ciqaabta guud.

Maaha markii ugu horeysay ee maxkamada gobolka saaxil ay xukunto dad la sheegay in lagu helay falal budhcad badeednimo, hase ahaatee sanadkii hore badhtamihiisii ayay ahayd markii Koox kale oo la sheegay in ay ku caddaatay in ay abaabulayeen falal noocan oo kale ah ay Maxkamadda Gobolka Saaxil ku xukuntay min 15-sanno oo xadhig ah. 

Finland oo jawaab ka bixisay go’aan Somaliland ku diidday qaabilaada nin masaafur ah.

Hargeysa (Helsingin Sanomat/Ogaal)- Dawladda Finland ayaa jawaab ka bixisay go’aan ay Xukuumadda Somaliland ku gaadhay in aanay qaabilin Nin Soomaali ah oo ay Dawladda Finland ka soo masaafurisay dalkeeda, kaas oo ilaa Isniintii toddobaadkan ku xannibnaa duleedka Magaalada Hargeysa.

Sida aanu ka soo xiganay Shabakadda barta Internet-ka uu ku leeyahay Wargeyska ka soo baxa Finland ee Helsingin Sanomat, Laanta adeegga Socdaallada ee Dawladda Finland ayaa sheegtay in inkasta oo ay Somaliland dalkeeda u diiday Ninkan, haddana in aanay diyaar u ahayn in uu dalkooda dib ugu laabto. Agaasimaha guud ee Laanta Socdaallada Finland Jorma Vuorio ayaa nasiib-darro ku tilmaamay in Somaliland ay dalka u diiddo Ninkan Soomaaliga ah ee laga soo tarxiilay Finland, isla markaana wuxuu sheegay in aanu aqoonsanayn sheegashooyinka ka soo yeedhay Ninkan Soomaaliga ah ee ay Xukuumadda Somaliland diidday in ay qaabisho. “Waxa jira tobannaan Kun oo Qaxooti Soomaali ah oo Somaliland ku sugan. Sidoo kale wuxuu dalka ka galay dhinaca Madaarka.” Ayuu yidhi Mr. Vuorio.

Agaasimaha guud ee laanta Socdaalka Finland wuxuu sheegay in Dawladdiisu ay ku adkaysanayso in aanu Ninkan Soomaaliga ah oo ay ku eedeeyeen in uu dembiyo kala duwan dalkooda ka galay uu dib ugu noqdo Finland. Waxaanu sheegay in Ninkani uu tegi karo Itoobiya, maadaama ay halkaa ku sugan yihiin Soomaali kale oo Qaxooti ahaan u joogaa. “Ninkan (Ninka la soo masaafuriyay) waa laga mamnuucay gelitaanka Finland, kumana khasbana Finland in uu dib ugu soo noqdo. Itoobiya waa dalka ugu dhaw hadda, halkaas oo ay ku sugan yihiin Soomaali badani. Wuxuu si fudud u tegi karaa halkaa.

Si kastaba ha ahaatee, ma rumaysni in Somaliland ay masaafurin doonto.” Ayuu yidhi Mr. Jorma Vuorio. Mar uu Mr. Jorma ka hadlayay Waraaq uu Qareenka Ninkan Soomaaliga ah ee la soo masaafuriyay Hargeysa uu ku sheegay in Xukuumadda Somaliland u dirtay, taas oo uu isna u gudbiyay Dawladda Finland, ayaa wuxuu sheeegay in aanay run ahaan u aaminsanayn in ay tahay Warqad ka timi Somaliland. “Waa suurogal in ay tahay Warqad la soo macmalay ama Foojari ah oo lagu magacaabay Somaliland.

Qof kastaa halkaa (Somaliland) wuu ka heli karaa wixii uu doono, xitaa haddii uu doono Baasaboor wuu ka heli karaa.” Ayuu yidhi Vuorio. Ninkan Soomaaliga ah ayaa laga soo masaafuriyay dalka Finland iyada oo aan waxba lagala socodsiin Xukuumadda Somaliland, taas oo keentay in ay Xukuumadduna u diiddo Ninkan in uu dalka uu soo gudbo, isla markaan waxay ku tilmaantay in aanu Ninkani ahayn reer Somaliland, balse uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Somalia. Ninkan ayaa markii Xukuumaddu u diidday ogolaanshaha gelitaanka dalka, ayuu Guri yar oo Laamo ka samaysan ka yagleeshay duleedka Hargeysa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: