Toggaherer’s Weblog

TAHRIIBAYAAL LA BADBAADIYAY XEEBTA MALTA

Posted on: February 19, 2009

TAHRIIBAYAAL LA BADBAADIYAY XEEBTA MALTA

Malta 19 Feb 2009 ToggaHerer
Sida ay sheegayaan kalumeysato u dhalatay Jaziiradda Malta waxaa xeebaha dalkaas gaaray Doon ay saarnaayeen muhaajiriin Afrikaan ah oo ay Soomaalina ay ka mid tahay, kuwaasoo markii ay Kalluumeysatada reer Malta ay arkeen caawimaad u fidiyay Doonida ay saarnaayeen muhaajiriinta Afrikaanka ah.
Kalluumeysatada ayaa helay doon ay la socdeen ku dhawaad 227 ruux oo muhaajiriin African kuwaaasoo muddo dhawr saacadood ah ku soo jiray biyaha badda Madeterenin-ka ee isku xirta qaaradaha Africa iyo Europe.
Doontaan oo Alwaax ka sameysneyd isla markaana dhererkeedu ahayd 60 Feed ayaa sida la aamisan yahay waxay kasoo shiraacatay xeebaha dalka Libiyam waxaana laga helay meel u dhow xeebaha magaalada Wied il-Buni, Birzebbuga ee Jaziirada Malta ayadoona la sheegay inay la socdeen muhaajiriin African ah oo badankood u dhasheen wadanka Somalia.
Dadka doontaan la socday oo gaaraya 227 ruux oo ay ku jiraan 22 haween ah iyo caruur yar yuar oo doonta dhexdeeda ku dhashay.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada badda wadankaasi ay hadda la waregeen gacanta dadkaasi oo hadda ku sugan xero ciidamadu leeyihiin waxaana soo samata bixiyay ciidamada badda Jaziiradaasi oo wata doonyo dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helocpters,ka loo yaqaan.
Qaar ka mid ah muhaajiriintaan Somalied ee doontaan la socday ayaa u sheegay ciidamada inay saacado badan ay badda ku soo dhex jireen ayna kasoo baxeen magaalo xeebeed dalka Libya ku taala.
Ma jiraan wax qasaare ah oo soo gaaray dadkaasi muhaajiriinta ah intii ay safarkaasi ku soo jireen waxana la sheegay inay guud ahaan caafimaadkoodu wanaagsan yahay.
Waa tiradii ugu badneyd oo muhaajiriin African ah oo gaarta Jaziiradaasi Tan iyo markii uu bilawday sanadkaan 2009.

Togaherer Malta 

a

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: