Toggaherer’s Weblog

MIDAWGA AFRIKA : SOMALIYA WAXAA LAGA DOONAYAA DOWLAD KA MADAXBANAAN ISLAAMIYIINTA

Posted on: February 19, 2009

MIDAWGA AFRIKA : SOMALIYA WAXAA LAGA DOONAYAA DOWLAD KA MADAXBANAAN ISLAAMIYIINTA

Addisababa:Nicholas Bwakira ayaa sheegay in Dowlada Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Shariif Sheekh Axmed ay ku kalsonyihiin inay noqoneyso mid ka madaxbanaan Dhinacyada Islamiyiinta ee isku ahaya Arimaha Siyaasada Dalka, waxaana uu sheegay in Sheekh Shariif uu horey uga mid ahaa Islaamiyiinta balse ay ka rajenayaa inuusan dowlada ka dhigin mid ururadaasi ku xidhan 

Madaxa Arimaha Soomaaliya ee Midowga Africa waxaa kaloo uu xusay in ay dowlada Shariif Sheekh Axmed ay haysto fursad fiican islamarkasina uu la hadli karo kooxaha Diidan Siyaadada Dowladiisa ku waasi oo dalka Soomaaliya ka dhigay mid aan dowlad Lahayen

Mr.Nicholas Bwakira waxaa uu ka dalbadan Beesha Caalamka inay Soomaaliya ka taageeraan Dhinacyada Diblumaasiyadeed & sidoo kale Mida Siyaadadeed Si soomaaliya loogu helo xal kama danbeys ah oo lagu soo afjaro qalalaasaha Soomaaliya

Bwakira waxaa kaloo uu ka hadlay Magacaabita uu madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay C/rashiid Cali Sharmarke Xilka wasiirka koowaad ee Soomaaliya isagoo oo sheegay inay todobaadkan gudihiisa ka dhowrayaa Magacaabista Xubanaha Wasiirada ee Xukuumadiisa kuwaasi oo iyagana looga fadhiyo inay dib ugu laabtaan Magaalada Muqdisho & dib udhiska Dalkooda ku burburay Dagaaladii ka dhacay Dalka Soomaaliya

Nicholas Bwakira waxaa kaloo uu sheegay in ciidamo hor leh oo ka socda Wadama Nigeria,Uganda,Burundi ay dhawaan soo gaadhayaan Dalka Soomaaliya kuwaasi oo qeyb noqonaya ciidamada kale ee Amisom ee ku sugan Magalaada Muqdisho kuwaasi oo tiradooda dhamaadka bishani laga dhigi Doono 5,000 oo askari

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: