Toggaherer’s Weblog

MAXAA LAGU ILAABAY WADADII CADAYD? BY DEEQ DIGALE (SUAL)

Posted on: February 19, 2009

MAXAA LAGU ILAABAY WADADII CADAYD? BY DEEQ DIGALE (SUAL)

MAXAA LAGU ILAABAY WADADII CADAYD? BY DEEQ DIGALE (SUAL)

Waxaan salaamayaa ummadda ay ka koobantahay jamhuriyadda somaliland, gaarahaan saxaafadda kala duwan. 

Taas haddaan ka gudbo oo aan u dhaadhaco ujeeddada qoraalkan,waxaa jirta waddan kasta waxaa uu leeyahay magaalo madax ama caasimad oo dawladda markaa maammulka haysaa ay xoogga saarto bilicdeeda iyo horumarinta adeegyada kala duwan. 

markaas haddii aynu soo qaadanno Magaalo madaxda somaliland ee hargeysa waxaa ka baxa saddex waddo oo ugu waaweyn waddooyinka ka baxa waxaana ka mid ah waddada u baxda jahada Bari ee tagta Magaalada Berbera inta badan waxaa lagu sameeyaa dayactir si loo yareeyo dhibaatada gaadiidka ka soo gaadha ama loogu sahlo mariddeeda, haddii aynu eegno waddada ka baxda caasimadda ee u baxda jahada Galbeed iyadana waxaa lagu sameeyaa hagaajinteeda iyo kolba sida ay dayactir ugu baahantahay marka aad baabuur ku martana waxaad dareemaysaa raaxo dhibaatana kama soo gaadho gaadiidka kala duwan, haddaba waxaa isweyddin leh oo qofka caqliga fayaw ilaahay siiyay aanu qaadan karin waxaa lagu illoobay waddada kale ee aadka u muhiimka u ah ee ka baxda caasimadda somaliland una baxda jahada hawd ama koonfur taas oo marka laga bilaabo madaarka caalamiga ee Hargaysa intarnational aan u egayn waddo dan laga leeyahay oo aan looga dambayn Dawladdii istimaarka ee samaysay waddaas, haddana ay dani ku qabatay gaadiidka ku wajahan in ay u baxaan dhinaca koonfureed ee caasimadda gaadiidkaas oo ay ka haysato dhibaato aan la qiyaasi karin iyada oo aanay haba yaraatee soo haweysan karin gaadiid ka yar baabuurta loo yaqaanno Lnadcruiser-ka oo iyaga laftoodu ku qaba dhibaato aan la soo koobi karin. 

haddaba su,aashan iswaydiinteedu waxa ay u taallaa cid kasta oo dan ka leh waddadaas qiimaha badan ku fadhida laakiin la illaaway taas oo wax qiimeeya ama muhiim u arka ay ugu dambaysay dawladdii isticmaarka ee samaysay. waddadaas

Wa billaahi tawfiiq
deeq cabdi digale


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: