Toggaherer’s Weblog

KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD: NOOCYADA MADAX XANUUNKA

Posted on: February 19, 2009

KOBCISO AQOONTAADA CAAFIMAAD: NOOCYADA MADAX XANUUNKA

Madax xanuun waa xanuun madaxa kaa qabta. Waxaa jira noocyo kala duwan iyo sababo madax xanuun.

Madax Xanuunka Sanqaroorka (Sinus Headache)
Madax xanuunka sanqaroorku wuxuu sababaa xanuun madaxa iyo wejiga ah.
Xanuunka waxaa keena barar ka jira marinnada sanqaroorka ee ku yaalla daamanka, sanka iyo indhaha. Xanuunku wuxuu ugu sii daran yahay marka horey loo foorarsado iyo marka ugu horreysa ee subixii la kacayo. Waxaa laga yaabaa in sanka dareere kaa socdo ama cunuhu ku xanuuno.

Madax xanuunka Niyad Kaca (Tension Headache)
Madax xanuunka niyad kaca waxaa keena kacsanaanta muruq madaxa iyo qoorta ku jira. 
Calaamadaha madaxa xanuunka niyad kaca waxaa ka mid ah xanuun ku garaacaya oo damman ama joogto ah ee indhaha dushooda iyo dhinaca danbe ee madaxa. 
Xanuunku waxaa laga yaabaa in kuu faafo madaxa oo dhan ama uu u gudbo qoorta iyo garbaha. Murqaha meelahaas ku jira ayaa laga yaabaa in ay dareemaan giigsanaan.

Madax Xanuunka aadka u Daran (Migraine Headache)
Madax xanuunka aadka u daran waxaa keena bararka marinnada dhiigga ee maskaxda ku jira.
Waxyaabaha laga yaabo in ay kiciyaan madax xanuunka daran waxaa ka mid ah:
• Iftiin aad u birqaya ama biligleynaya, dhawaaq sare ama ur xooggan
• Cuntooyinka qaarkood ama cabitaannada sida:
─ Farmaajo adag
─ Hilibka qasacadaha ku jira qaar ka mid ah
─ Rootiga qamadiga ama miraha leh “gluten”
─ Waxyaabaha cuntada lagu daro sida macaaneeyeyaasha macmalka ah
─ Kafeyiinta ku jirta qaxwada, shaaha, cabitaannada fudud, iyo shukulaatada
─ cabitaanada aalkolada
• Isbeddellada ku yimaada cimilada ama cadaadiska hawada
• Indhaha oo aad u daala
• Hormone haweenka jidhkooda isku dhex beddela sida waqtiga caadada bishiiba marka ah
• Daawooyinka sida kaniinyada dhalmada lagu koontaroolo
• Hurdo xad dhaaf ah ama hurdo kugu filan waayidda
• Ka boodidda cuntooyin ama cunto cunid la’aanta waqti dheer
• Sigaar cabidda ama la joogidda qof sigaar cabba
• Stress-ka

Madax xanuunka aadka u daran wuxuu keenaa xanuun daran, isbeddel aragga ku yimaada, iyo lalabbo ama matagid. Ileys, buuq ama urta qaarkeed ayaa uga sii dari kara calaamadahaan. 
Xanuunku waxaa laga yaabaa in uu ka billowdo isha dhinacyadeeda ama dhafoorrada wuxuuna u badan yahay hal dhinac oo madaxa ah,
laakiin waxana laga yaabaa inuu faafo.
Waxaa jira kara calaamado digniin ah oo ka horreeya madax xanuunka aadka u daran oo loo yaqaanno “aura”. Calaamadaha digniinta waxaa ka mid noqon kara:
• Daal lama filaan ah ama halaaqyo ama hamaansasho is daba joog ah
• Isbeddel arag sida meelo mugdi kaa gala, in aad aragto ileys aad u ifaya, xarriijimo ama waxyaabo kale oo aan jirin, ama aragti cawlan
• Gacan ama lug ku xat-xatoota

Madax xanuunka Wadajira (Cluster Headache)
Madax xanuunka wada jira wuxuu keenaa madax xanuun aad u daran. 
Madax xanuunnadu waxay u dhacaan koox-koox ama qaybo. Waxay dhacaan 1 ama in ka badan maalintii mudo toddobaado ama bilo ah. Dhammaadka wareegga qaybta, madax xanuunnadu si lama filaan ah ayey u joogsadaan. 
Badanaa ma soo laabtaan 6 bilood ilaa sanad ama ka badan. Lama yaqaanno waxa keena madax xanuunnada wadajira, laakiin waxaa jira waxyaabo laga yaabo in ay kiciyaan oo ay ka mid yihiin:
• Isbeddellada ku yimaada mudada ileyska qorraxda ee waqtiga gu’ga iyo dayrta
• Walac-walac ileyska ka timid
• Aalkolo
• Sigaar cabid
• Cuntooyinka qaarkood
• Daawooyinka qaarkood
SomaliDoc

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: