Toggaherer’s Weblog

KHIYAAMADII AMA SAWIRAADII ABID UGU BALAADHNAYD EE KA DHACDA MAGALADA HARGAYSA

Posted on: February 19, 2009

 

KHIYAAMADII AMA SAWIRAADII ABID UGU BALAADHNAYD EE KA DHACDA MAGALADA HARGAYSA

Shirkad aan haybteeda la garanayn bixin jirtay lacag faaido ah oo ah boqolkiiba Boqol iyo kunton taas oo xitaa bananka bixiya ribadu aanay bixin faidåda intaas leeg ayaa maanta sameeyey khiyaamadi iyo sawiraadi ugu waynayd ee ka dhacda dalka somaliland gaar ahaan magaalo madaxdiisa Haragaysa baryahaas.

Lacagtan ayaa la garan laa waxa lagaga shaqeeyo iyo cida ku shaqaysaba taas oo dadku had iyo jeer is waydiin jireen waar faaidada intaas leeg halkee laga keenaya iyo halkee lagaga shaqeeyaa taas oo dadka badhkiina leeyihiin waa sheeko baralay waxaana ku shaqeeya Jin ee maaha Insi dhinaca kale dadku waxa ay leeyihiin waa shirkad aanay waxba ka jirin oo dadka ayaa lagu dhacaayey .

Dhanka kale khiyaamada ayaan culimadu ka hadal dadkana uga digin arimaha noocaas oo kale ah . 
Mudo ka badan 10 bilood ayaa mashruucani socday taas oo la sheegay in ay dadka markii hore siin jireen lacagta faaidada ah iyada oo lagu qiyaasay lacagta la dhacay malaayiin dollerka Maraykanka ah.

Magaalada Hargaysa ayaa aad looga dareemaayey dhacdadan sawiraada ah amaba khiyaamada ah ee dadka gidaarka loo dhiibaayey dadkuna ay iska dhoohnaayeeen taas oo aanay dawladuna waxba ka qaban dhacdadan foosha xun ee lagula dhaqmay shacabkii ay masuuulka ka ahayd oo nøqon karta xaaluf iyo abaar lacageed dhaqaalahana dadweynaha ku dhaqan dalkana hoos u dhigi karta .

Dhibaataduna waxay ka jirta sida la sheegay waxa hawlaha ama shirkadani lahayd Agency yo badan taas oo meelo badan lacagta loogu qaban jiray in kasta oo dadku ay lacagta iska dhiibi jirteen oo aan wax haba yaraatee Note ah aan la kala qoron jirin note kaa oo cadaynaaya in lacag laga qabtay ayaa dhibatada kale ee taagnayd waxa ay ahayd marka ruuxa lacagta qabanaaya suaal laga waydiiyo lacagtan waxa lagu qabanaayo in meesha lagu shubaayo loogu jawaabi jiray taas wax ku khuseeya maaha ama suaala iminka uma diyaar nihin in aanu ka jawaabno.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargaysa ayaa suaasha ugu badan ee ay is waydiinayeen ay ahayd iminsa ayaa lagaa qaaday ? iyo yaa kaa qaaday ? suaalo caynkaas ah 

Arintan ayaa ahayn mid ay dadku aad u hadal hayeen oo kolba dadku gees isula amaa guurayaaan taas oo ay dadka oo dhami wardoon yihiin ama ay doonayaan xog dheeraad ah oo ay helaan meesha ay xoolahani tageen iyo sida loo isticmalay iyda oo ay dadku ku soo wada jabeen goobihii ama guryihii ay deganaayeen wakiiladii shirkadaa u qab jiray lacagta.

Dadka ay saamaysay dhacdadani ayaa u badnaa dad maxas ah oo u badan Dumar,iyaga oo iibiyey wixii ay dahab haysteen iyo hantiba sida guryo iyo jagooyin la iibiyey dadkaa ayaa tiradoodu gaadhaysay boqolaad hadii aanay gaadhayn kumaan kun dadkaa oo ku kala nool daafaha magaalda madaxda Sømaliland ee Hargaysa iyo wadana shisheeye sida wadamada Yurub iyo Maraykanka iyo Wadamada Carabta.

Togaherer Hargaysa 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: