Toggaherer’s Weblog

IIRAAN OO SOO BANDHIGTAY DIYAARAD AY FARSAMAYSAY OO AH NOOCA BILLAA DUULIYAHA

Posted on: February 19, 2009

IIRAAN OO SOO BANDHIGTAY DIYAARAD AY FARSAMAYSAY OO AH NOOCA BILLAA DUULIYAHA

Wasiir ku Xigeenka gaashaandhiga Wadanka Iiraan Axmed Waxiidi ayaa sheegay In Dawlada wadankiisu ay u Suurta gashay inay Samaysato Diyaarado dagaal oo ah Nooca Bilaa Duuliyaha isagoo Sheegay inay Sidoo kale Awood u Leeyihiin Inay gaadhaan oo ay Dul hiihaabaan Masaafa dhan 1000 Kilomtre

Waxaana Xusid Mudan In Masaafada Dhan 1000ka Kilometer ay Soo galayso Hawada Dawlada Isra’iil ee ay Xiisada Siyaasadeed ka dhaxayso Xukuumada Iiraan

Diyaaradahan ayuu Sheegay Wasiir Kuxigeenka gaashaandhiga wadanka Iiraan Axmed Waxiidi In lagu magacaabo “AL Saaciqah And Adrakhish” isagoo sheegay inay Qayb ka Yihiin Horumarka Dhanka Gaashaandhiga ee ay Xukuumada Iiraan samaynayso

Wakaalad Wararka ee Wadanka Iiraan ayaa sheegtay In wasiirka Gaashaandhiga Wadanka Iiraan uu Diiday Inuu wax Faahfaahina oo Intaa Dheer ka Bixiyo Diyaaradahan ay Samaysatay Dawlada Wadanka Iiraan isagoo sheegay Inuusan wax Amar ah U qabin uu faahfaahina dheeraad ah ka Bixiyo Diyaaradahan

Waa markii Ugu Horeeyay ee masuul ka Tirsan Xukuumada Iiraan uu daboolka ka qaado In Xukuumada Iiraan ay samaysatay Diyaarado Dagaal oo ah Nooca Bilaa Duuliyaha ah iyadoo ay Horay u Jireen wararka sheegaya In iiraan ay samaysanayso Diyaaradaha Noocaas ah balse Ma Jirin Masuul Iiraani ah oo ka Hadlay Amuurtaasi

Xukuumada Iiraan ayaa waxa ay Marba marka ka danabaysa ku Talaabsanaysaa Horumar Dhanka Milatariga ah taas oo ay Iiraan Sheegtay Inay U samaynayso Dhanka Difaaca

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: