Toggaherer’s Weblog

WALAD CABDALA OO KU BAAQAY IN MAXAKAMAD CALAMI AH LA SOO TAGO DAMBILAYSHII SOMALIA

Posted on: February 18, 2009

 

WALAD CABDALA OO KU BAAQAY IN MAXAKAMAD CALAMI AH LA SOO TAGO DAMBILAYSHII SOMALIA

Nairobi 17 Feb 2009 Togaherer 

Wakiilka gaarka ah ee xoghayah guud QM ee arimaha Soomaaliya Axmed Walad Cabdala ayaa waxaa uu ku baaqay in la sameeyo ama loo diro maxkamada dambiyada dagaalka dadka dhibaatooyinka ka geysanaya Soomaaliya,waxaana uu sheegay in ay jirto baahi loo qabo in la sameeyo gudi caalami ah oo baara dambiyada ay geysanayaan dad Soomaali ah oo Soomaali kale dambiyo ka galaya sida uu sheegay.

Hindisa nuucaani ah ayaa Axmed Walad Cabdala waxaa uu ku tilmaamay in loo baahanyahay in looga hortago aamusnaanta laga aamunsanyahay dambiyada dagaalka ee ka dhaca Soomaaliya,isagoo tilmaamay in golaha Amaanka QM uu u baahanyahay in uu soo saaro go’aan u ogolaanay maxkamada dambiyada dagaalka ee Heeg in ay baarto islamarkaana maxkamad la soo taago dadka dambiyada Qarsoon ka gala Soomaaliya iyo waliba in aan laga aamusin dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya oo isugu jira dilAfduub,jirdil iyo Xadgudubyo kale.

Isagoo ka hadlayay Xafiiskiisa magaaada Nairobi ayaa Axmed Walad Cabdala ayaa waxaa uu isweydiiyay Sababta Dhibaatada ka jirta Soomaaliya loo tixgalin la’yahay sida kuwii ka dhacay wadanka Congo halkaasi oo dadka dhibaatooyinka geystay looga shakiyay islamarkaana loo diray Maxkamadda dambiyada dagaalka ee Heeg.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay ka jiraan wax caqliga ka baxsan islamarkaana beesha caalamku ay haatan ka sii jeestay ama ay ka daashay wax ka qabashada dhibaatooyinkaasi,isagoo caraka ku adkeeyay in dhibaatada Soomaaliya ka jirta saameyn ay ku yeelatay wadamada dariska la ah Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaateen Axmed Walad Cabdala waxaa uu rajjo ka muujiyay Xaaladda dalka Soomaaliya oo u sheegay in ay wax ka badali karaan marhadii hogaankooda loo dhiibay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo taageero farabadan ka heysta qaar ka mid ah Shacbiga Soomaaliyeed iyo waliba beesha caalamka.

Togaherer 
Ahmed Ali Giire
Nairobi

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: