Toggaherer’s Weblog

SH.SHIRIIF OO DALBADAY IN 3 HOGAAMIYE LA QORO IN AY YIHIIN ARGAGIXISO CALAMI AH

Posted on: February 18, 2009

 

SH.SHIRIIF OO DALBADAY IN 3 HOGAAMIYE LA QORO IN AY YIHIIN ARGAGIXISO CALAMI AH

Germany 17 Feb 2009 ToggaHerer

Ilo wareedyo uu helay wargeyska Alsharqul Awsat ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dhawaan fariimo qoraal ah uu u diray madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo xog hayaha guud ee qaramada Midoobay taasi oo uu ku dalbanayo in xubno ka tirsan kooxo diimeedyada Soomaaliya oo Mareykanka liiska Argagixisada ugu jira in laga saaro .

Xubno ku dhow-dhow madaxweyne Sheekh Shariif oo diiday in magacooda la soo xigto ayaa sheegay in madaxweynuhu uu fariimo qoraal ah u diray Madaxweynaha Mareykanka , Xog hayaha guud ee Qaramada midoobay iyo Midowga Africa taasi oo ku aadan in dib looga laabto go`aankii xubno islaamiyiin ah loogu daray liiska argagixisada iyadoo uu sheegay in xubnahaaasi fursad loo siiyo in ay ku soo biiraan hanaanka geedi socodka nabadda Soomaaliya .

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in m/weyne Sheekh Shariif uu doonaya in laga gudbo caqabadaha Islaamiiyinta mayalka adag in ay wada shaqeeyn dowlada cusub ee Soomaaliya la yeeshaan sida wargeyska Afka Carabiga ku hadla ee Sharqul Awsat laga soo xigtay .

Xubnaha uu doonayo in liiska argagixisada laga saaro hogaamiyahaan qunyar socodka ah ayaa waxaa ka mid ah Sheekh Xasan Daahir Aweys , Xasan Turki Iyo Muqtaar Rooboow Abuu Mansuur, waxaana lagu waramay in weli wax jawaab ah oo rasmi ah uusan madaxweynaha helin .

Umuurtaan ayaa soo baxeysa xilli dhawaan warar si hoose saxaafada loogu soo dusiyay ay sheegeen in Sheekh Shariif uu Muqdisho kula kulmay Xasan Turki iyo Abuu Mansuur, inkastoo Abuu Mansuur war ka soo yeeray uu gaashaanka ugu daruuuray la kulanka m/wyen Shariif.

Xigasho: http://aawsat.com/details.asp?section=4&issueno

Togaherer Xasan Maxamed Abdi
Dachau 
Germany

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: