Toggaherer’s Weblog

RIYAALE DOORASHADA 50% BUU KA HELAYAA AWDAL OODWEYNE-NA…….

Posted on: February 18, 2009

RIYAALE DOORASHADA 50% BUU KA HELAYAA AWDAL OODWEYNE-NA…….
Birmingham 17 Feb 2009 ToggaHerer

RIYAALE DOORASHADA 50% BUU KA HELAYAA AWDAL OODWEYNE-NA…….

Birmingham 17 Feb 2009 ToggaHerer

Riyaale Doorashadan 50% buu kahelaya Awdal Oodweyne-na, Wareysi Saylici.

Waxaan wareysi aan layeeshay mudane Saylici oo boqasho kujooga Waddanka Engiriska, hadaba wuxuu wareysigasi udhacaysidan.

S: C/raxmaan Saylici Doorashadii hore waxaa Xisbiga Kulmiye lagaga helay cod aad utiro yar, Sanadkan maxaad karajeynaysa doorashadan soo socota?.

J: horta doorashadii hore Xukuumada dadku sidan ay manta ubarteen ey fadhiidka u noqotey ee anay balan qudha ufulineyn sidaa mey ahayn horta, Teeda kale doorashadii hore Riyaale Awdal Codbadan buu kahelay wuxuu helay % 70 Sanadkan wuxuu helayaa % 50 buu kahelaya oo wanu laqayb saneyna, Oodweyne isagana codkuu sanadii hore kahelay kamahelaayo waayo way arkeen balamihiisa waxay arkeen inanu waxba usoo wadin, Wuxuu kuyiri waxaan idinka badalayaa Lacagta giinbarta kamuu badalin balamo badan oo u qaadey muufulin, Gobolka Saxil oo uu Sanadkii hore nagaga codbadna isna way arkaan sidey magaladii Berbera ay ubaabadey yadoo ah hooyadii dakhliga waddanka, Marka sanadkan insha allah cod aad ubadan oo aanu nagu soo dhawaan ayaan kaga gulaysaneyna insha allah, Shacabkuna taas waa udiyaar manta, afarta Gobol ee kalena dee waa la-ogaa oo anaga ku codbad nayn. 

S: C/raxmaan waxaa Waddanki katagan muran kusabsan Guurtida yadoo Madaxweynaha lagu edeynaayo inuu dabada kariixayo Mushin xilka lagaga qaadayo Saleeban Maxamuud Adan Saleeban Gaal, Arrintaa sidee ayay kula muuqata ?.

J: Wallahay horta waxa weye Manta Riyaale kama aha bedelaad Gudoomiyaha guurtida lakiin waxay katahay inuu carqaladeeyo doorashada si kordhini utimaado, Saleeban waa ninkii shalay soo sarey ee lashaqeeyay haduu kuyiri waar dalka sidan kadaa oo Xilkaga gudo oo doorashada kudhawaaq runtii maha inuu Madaxweynuhu ciiro-iskuqariyo, Wuxuu ugajeedana waxa weye carqaladeynta doorasho taas uun baan uarkaa anigu.

S: mudane Saylici badana siyaasiyiinta Africa waxaa lagu yaqana iney ballan badan qadaan markay xilka rabaan, hadhowna kamasoo baxaan maxaad idinku kaga duwantihiin Kulmiye ahaan oo aad dadka ushegaysaan ? .

J: horta waxa weye anaga barnaamijka yagu mid cad weeye dadkana waxaanu manta ushegeynaa isbadal dhaba oo aan hadhow kadhabeyno taas baan ushegayna waxay kufarxaan oo isbadala hadey tahay Cafimaadka Biyaha Wadooyinka ayaanu ugu-ballan qadeyna shaqo abuurbanu ugu balan qadeynaa, marka dee shacabku hana tijaabiyeen.

S: C/raxmaan beryahanba waxaad kusugnayd Waddanka Uk maxaa kaga qabsoomey muxuse daranyahay Socdaalkagu,

J: Runtii anaga Xisbi ahaan tageerada uguweyn waxaanu kahelna Qurbajooga waxyna Xisbiga kaga jiraan door lama ilawana marhadey sidaa tahay iney Madaxdu utimaado waa mid wajiba adigu arrintaas ayaan u imi anoo kaqeyb galay Shirkii weyna ee Qurbajooga Kulmiye yeesheen 24/01/09.

S: ugu danbyntii maxaad usoo jedinaysa Shcabka Somaliland gudde iyo debadba.

J: Shacabka Qurbajooga waxaan leeyahay dalkan aad jogtaan wax kaqabsada waddankii hooyana maalgashada oo kalaya Kulmiyena usoo hiliya oo Dhaqalaha ugu hiiliya wuxuu idin diyarin barnamij aad kufaraxdaane, Dadka gudaha waxaan leyahay manta ayuu dalkiinu idin bahan yahay uhiiliya oo ugu hiiliya Codkiina, Aad kaga baxdaan shaqo la’aanta iyo wax qabad la’aanta. 

Muniir Ahmed egal 
Free journalist Birmingham
Muniir10@gmail.com

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: