Toggaherer’s Weblog

BEESHA MUUSE CABDALLE OO KU BIIRAY KULMIYE IYO JAMACA SHABEEL OO SOO DHAWEEYEY BEESHAASI

Posted on: February 18, 2009

BEESHA MUUSE CABDALLE OO KU BIIRAY KULMIYE IYO JAMACA SHABEEL OO SOO DHAWEEYEY BEESHAASI

Berbera 17 Feb 2009 ToggaHerer

Dhawr boqol oo qof oo isugu jira cuqaal ,Siyaasiin , aqoon yahay , Dhalinyar iyo haween iyo Xildhibaano ka soo jeeda Muuse Cabdale ee beesha Habaryoonis ayaa kalsoonidoodii kala noqday xisbiga Udub isla markaana si rasmi ah ugu beeray xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye .

Munaasabada oo ka dhacday magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Barbara ayaa waxaa ka qayb galay gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Mudane Xil: Jaamaca Ismaaciil “Jaamac Shabeel”, xildhibano ka tirsan golaha qaranka iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee gobolka Saaxil oo iyagu munaasabadan soo qaban qaabiyey .

Odoyaashii iyo wax garadkii beeshasi oo hadal ka jeedyey xafladasi ayaa ka hadlay marxalada dalku marayo iyo xaalada waqtigan ay ku sugan tahay xaruntii isha dhaqaalaha ee dekada Berbera oo xukuumadu ay ku eedeeyeen in iyadu ay masuul ka tahay dibatada ku habsatay magaalda Berbera. Iyaga oo sabababah ay uga soo baxeen Udub ku macneeyey balan qaadyadii ay umada u balan qaaday oo faro madhan laga taagan yahay isla markaana ay igu beereen xisbiga kulmiye oo ay ku qanceen in uu samayn karayo isbedelka uu dalku u bahan yahay.

Iyaga oo shacabka Somaliland na in ay taageeraan xisbiga kulmiye oo haatanba ay sheegeen in uu yahay xisbiga ugu taageerada badan marka la eego dalka.

Xildhibaan Maxamed Nur Caraale Duur oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland isla markana ka soo baxay xisbal xukuumiga ee Udub ,maareeyihii hore ee wakaalada biyaha ee Berbera Aadan Xussen Yusuf (Aadan dhere), iyo mayer kuxigeenka degmada Mandheera Raage Jamac Maxamed ayaa iyaguna sheegay in ay beesha la qaateen goankaasi ay kusoo beertay xisbiga kulmiye kagana soo bexeen xisbiga Udub dalkuna isbader uu u bahan yahay .

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xibiga Kulmiye Kana mid ah Golaha deegaanka Harygaysa Mudane Xil: Jaamaca Ismaaciil “Jaamac Shabeel” oo hadal ka jeediyey munasabadaasi ayaa waxa uu yidhi “ Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta ay xisbiga kulmiye ku soo biirtay beel ka mid ah beelaha habaryoonis wanaan idinku soo dhawaynaya xisbiga xisbiguna waa kiinii waxaanaan rajaynaya in aydun isbedelka socoda aydun geestiina ka xoojin doontaan” kuwaasi waxay ka mid ahayeen hadaladii uu ka jeediyey xafladaasi Xil Jaamac shabeel.

Sidoo kale waxaa hadalo ka kala jeediyey gudoomiyaha kulmiye ee gobolka Saaxil Cisman Cabdi Shiine ayaa iyaguna hadal ay munaasabadaasi ka jeediyeen iyo waliba xildhibaanadii kale ayaa iyaguna ugu mahadnaqay kusoo biiridaa xisbiga kulmiye ee beesha Muuse Cabdalle isla markana waxa ay ka warameen xaalada uu dalku marayo iyo sida uu xisbiga Udub ugu fashilmen waqabadkii laga sugayey iyo waliba barnaamijka xisbiga kulmiye uu u dajiye ee uu wax kaga badalaayo xaalada dalka.

Beesha Muuse Cabdalle oo ka mid ah beeshe Habaryoonis ayaa ah beel ka mid ah beelaha wada dega Gobolaka Saaxil .

Togaherer
Berbera

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: