Toggaherer’s Weblog

WAXAAN SHACBIGA REER S/LAND U SHEEGAYA INAY KALA DORTAAN LABADA XISBI EE UCID IYO UDUB MUJ XARAARO

Posted on: February 17, 2009

WAXAAN SHACBIGA REER S/LAND U SHEEGAYA INAY KALA DORTAAN LABADA XISBI EE UCID IYO UDUB MUJ XARAARO

Mujaahid Cali Xaraaro oo hore uga tirsanaa Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga KULMIYE , ayaa shalay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa kaga hadlay arrimo uu ku dhaliilayo Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Mujaahid Cali Xaraaro waxa uu dhaliiley Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE, isagoo xusay inuu ka mid yahay siyaasiinta baalka madow ugu qoran Qarankan, umaddana dhaxal siiyey kala qaybsanaan iyo hagar daamooyin joogto ah, horena uu ugu khamaari jirey dhiiga Mujaahidiinta maanta uu diyaar u yahay inuu intii ka hadhey iyo Agoomahoodiiba uu madaxyadooda iyo tolaay ku fuulo kursiga, waxaanu mar walaba xooga saaraa sidii uu kursiga ugu fadhiisan lahaa qiima kasta oo ay ugu kacayso, xitaa haduu ku helaayo dhiiga shacbiga Somaliland, waxaana taas daliil u ah ayuu yidhi hanjabaadaha uu markasta uu la sara taagan.

Muj Cali Xaraaro waxa uu si mug leh u itiimiyey taariikhda Siilaanyo iyo kali-talisnimadda uu ku caan baxay, isagoo sheegay ilaa Qaaxo inuu ahaa ninka kaliya ee halgankii dib u xoreynta reer Somaliland dabada hayey, isla markaan markii Bali-gubadle xilka lagaga qaaday sanad ka dib lagu guulastay in Dalkan la xoreeyo, waxaanu sheegay in Bali-gubadle wax kali ah ee uu ku xasuustaa ay tahay halkii Siilaanyo xilka lagaga qaaday, taas oo ah guul weyn oo ay ummadda reer Somaliland maanlintaa u soo hoyatey, waayo sanad ka dib waxa ay ku guulaysteen in uu halgankoodii ay nafaha badan ku baxeen ku guulaystaan.

Mujaahidku waxa uu xusay in shirwaynihii xisbiga kulmiye uu ku dhacay qaab cadaalad daro ah iyo afduub, isagoo tilmaamey in shirkaasi ahaa mid xaaraan ah, hogaanka xisbigaas ee lagu dhawaaqayna ahaa mid xaaraan ah oo aan waxba ka jirin, waxaanu ka sheekeeyey dhacdooyin ka mid ahaa dhacdooyinkii ka dhacay madashaa, isagoo sheegay in cid kasta oo aan la socon cida uu wato Siilaanyo loola dhaqmayey qaab lahayste, waxaanu tilmaamey xitaa in layska maray dhinicii sooryada oo aaney ummadda reer Somaliland dhaqan u lahayn

Mujaahidku waxa kale oo uu ka dhawaajiyey, in raga maanta hogaanka kulmiye ku jiraa ay ku han jabaan in aaney maalinta loogu talo galay in ay dhacdo doorashadu, hadii ay qabsoomi waydo aaney maalin dhaafi doonin, iyadoo ay halkaa ka muuqato in aaney dan ka laheyn shacbigan dan yarta ah ee nabad gelyada ku naaloonaya, waxa kaliya ee ay danaynayaana ay tahay kursiga.

Waxa kale oo uu Cali ku sheegay shirkiisaa jaraa’id, in garabkoodii ka soo horjeestay Siilaanyo uu u samaystey Radio yar oo uu isagu leeyahay (Siilaanyo), lana yidhaa (Radio Gar-
Adag), kaas oo ay maal geliyaan niman ay isku reer yihiin Gdoomiyaha Xisbiga KULMIYE, wax kali ah ee ay hawshiisu tahayna ay tahay cayda aflagaadeenta garabkooda iyo Xukumadda Somaliland, waxaanu yidhi “ninkii gurigiisu quraarad ka sameysan yahaw dadka kale ha tuur-tuurin, waxa kale oo jira waxyaabo badan oo aanu qarinayno, haddiise la joojin waayo tuur-tuuryada aanu wax badan ummada usheegi doono”.

Dhinaca kale Mujaahidku waxa uu sheegay uu aad iyo aad ula yaabo in rag ka mid ahaa xukumadda talada haysa hadda, oo waliba ahaa ragii lahaa dhaliilaha lagu sheego xukumadda, uu arko iyagoo cid dhaliilaya walibana ku dhaliilaya tay lahaayeen.

“Waxa aan ummada reer Somaliland u sheegayaa in ay ka foojignaadaan oo aanay codkooda siinin Kaliye-taliye ku sifoobay arrimaha aan kor u soo sheegay, waxana aan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland in ay kala doortaan Labada xisbi ee UCID iyo UDUB” ayuu yidhi Mujaahid Cali Xaraaro


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: