Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA ABDILAAHI CIRO IYO WAFTIGIISII OO KU SOO LAABTAY DALKA

Posted on: February 17, 2009

 

WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA ABDILAAHI CIRO IYO WAFTIGIISII OO KU SOO LAABTAY DALKA

Hargaysa16 Feb 2009 ToggaHerer
Waxaa galabta madaarka wayn ee Hargaysa International Airporr ee magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa ka soo degay wafti uu hogaaminayo mida Abdilaahi Ismaaciil Cali “Ciro” kuwaa oo safar ay casuumad kaga heleen dawlada Yeman ku maqnaa in mudo ahba.

Waftigan oo ka koobnaa madax kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Arimaha Gudaha Abdilahi Ciro Mareeye kuxigenka Dekada Berbera Mr Bile Hirsi , Taliyaha ciidanka Badan Somaliland Mr Osman Omer Qawdhan iyo saraakiil kale oo wehelinaysay socdaalkaasi ayaa waxa ay baryahaasba ku maqnaayeen shir caalami ah oo loogaga hadlaayey arimaha Budhcad badeeda iyo sidii looga hor tagi lahaa.

Shirkan looga hadlaayey Budhcada badeeda oo ka dhacaayey dalka Yeman ayaa waxaa waftigu uu la kolamay madaxda dalkaasi taas oo ay arimo badan ka wada hadleen .

Mar uu wasiirka arimaha guduhu u waramaahyey saxaafada isaga ooku sugan qolka nasashada ee Hargaysa Internationla Airport ayaa waxa uu sheegay in ay shirkaasi isugu yimadeen dalka ay ka mid yihiin Somaliya , Jamhuuriyada Jabuti ,Cumaan ,Maamul goboleedka Puntland iyo Jamhuuriyda Somaliland taas oo ay ka wada hadlayeen sidii looga hor tagi lahaa Budhcad badeeda bariinsatay baryahan dambe xeebaha bada cad iyo badwaydnta Hindya .

Wasiirka oo aan hadal badan halkaa ka jeedi ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisa “ waxaanu gaadhsiinay in ka Somaliland aha aanu gaadh xoog leh ka hayno inta xadka noo ah waxaana markhaati ma doon ah in aadn dhawr jeer ku soo qabay budhcad samaynaysay isku day ay ku doonayaan in ay ku dhacan maraakiibta gooshaysa biyahaasi”

“ anagu waanu ka nabad galanay aafadan budhcad badeeda se inta karaanyo ah waxaan rajaynaynaa in aanu ka hor tagi doono budhcadaasi”

Togaherer 
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: