Toggaherer’s Weblog

WARIYE IYO SARKAAL GOLAHA DHEXE EE KULMIYE AH OO MAANTA CIIDAMADA BOOLSIKA HARGEYSA XIDHEEN

Posted on: February 17, 2009

 

WARIYE IYO SARKAAL GOLAHA DHEXE EE KULMIYE AH OO MAANTA CIIDAMADA BOOLSIKA HARGEYSA XIDHEEN

Hargeysa 16 Feb 2009 ToggaHerer
Wariye Maxamed Cismaan (Sayid) oo ka tirsan idaacada madaxa banaan ee Radio Horyaal iyo Mudane Cabdikarim Baande oo ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta duhurkii ay ciidanka booliska ee Magaalada Hargeysa Xabsiga u taaxaabeen. 

Labadan xubnoo la kala qabtay laba xili oo kala duwan ayaa waxaa la xaqiijiyey qabashada labadaa masuul in ay amar ku bixiyeen masuuliyiin sar sare oo ka tirsan dawlada.

Xadhiga masuuliyiintan ayaa markii la xaqiiyey la sheegay in uu xadhigooda lugwayn uu ku leeyahay Cismaan Buurmadaw kadib markii idaacadii xalay uu Cismaan Sayid waraysi la yeeshay nin ay xigto yihiin Buurmadaw oo sheegay in aanuu beel ahaan Buurmadaw matalin Boqornimadiina ay ka qaadeen shir ay dabayaaqadii sanadkii tagay ay beeshu yeelatay.

Xadhigan xubnahan masuuliyiiinta oo iminka ku xidhan saldhiga dhexe ee magalda Hargaysa ah ayaa aan ahayn mid ku cusub xukuumadan mudadeedii dhacay taas oo kuwan qaar ka horeyeyba lagula kacay taas oo xadhiga suxufiyaanta u adeegsato hab ka soo horjeeda dastuurka iyo xuquuqda saxaaafada.

Hase yeeshee, mar wax laga waydiiyey arrintan taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad ayaa sheegay inaanu ka war heyn xadhigaas haba yaraate. 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: