Toggaherer’s Weblog

SHIRKII WASIIRADA EE MAANTA OO LAGAGA DOODAY HADALO LA ISLA DHEX MARAAYAY DHAWAANAHAN

Posted on: February 17, 2009

 

SHIRKII WASIIRADA EE MAANTA OO LAGAGA DOODAY HADALO LA ISLA DHEX MARAAYAY DHAWAANAHAN

Warsaxaafadeed 

Shirkii Golaha Wasiirada oo Maanta oo Salaasa ah lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada oo uu gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, waxa uu si qoto dheer uga dooday hadalo ku tiro ku teen ah oo ay dhawaan la isla dhex marayay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen in xukuumadu faro gelin ku hayso Golaha Guurtida , wararkaasi oo dhawaan ay qoreen Warbaahinta qaar ka mid ah. 

Golaha Wasiiradu doodoodii saaka waxa ay shacbiga reer Somaliland uga digeen in ay ka foojignaadaan wararka noocaas ah ee ka soo baxaya dad aan u tudhaynin shacbiga iyo qaranka Somaliland ee ku caana maalay Nabad gelyada iyo xasiloonida. 

Wasiiradu waxa kale oo ay tibaaxeen in Xukuumada hadda talada haysa ay si weyn u qadariso hawsha uu Qaranka u hayo Golaha Guurtida iyo Golayaasha kaleba, iyada oo mar walba la xasuusan yahay Golaha Guurtidu kaalinta ay ka soo qaadatay gooni isu taagii Somaliland iyo geedi socodkii dimuqraadiga ahba, waxana ay xukuumada Somaliland diyaar u tahay sida ay Wasiiradu isku raaceen doodoodii in mar kasta la tix geliyo qadarinta iyo xishmada ay ummada ka mudan yihiin Golaha Guurtidu, lagana digtoonaado in la siyaasadeeyo ama warar been ah oo khal khal gelinaya xidhiidhka wada shaqayneed u dhexeeya Xukuumada iyo Golaha Guurtida laga dhex abuuro. 

Alla Mahad leh 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: