Toggaherer’s Weblog

SHIR LAGU SOO DHAWEYNAAYEY ADEN MAXAMED MIRE (WAQAF) OO LONDON KA DHACAY

Posted on: February 17, 2009

SHIR LAGU SOO DHAWEYNAAYEY ADEN MAXAMED MIRE (WAQAF) OO LONDON KA DHACAY

Shir lagu soo dhaweynaayey Adan Maxamed Mire (Waqaf ) oo London ka dhacay 

Waxa xalayto lagu qabtey shir balaadhan oo ka dhacay badhtamaha magalada London shirkas oo ay soo qaban qaabiyeen garabka haweenka UCID UK iyo madaxda xisbiga,shirkas oo ujedadiisu ahayd soo dhaweynta iyo xogwareysiga Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee xisbiga UCID Adan Maxamed Mire (Waqaf) oo dhawan socdaal hawleed ku yimid cariga UK. 

Shirkaas waxa Aayado Quraana ku furay C/raxmaan Barkhad, Aayadahaa Quraanka ka dib waxa hadalka qaybinaayey Xoghayaha Ururka Cadaalada iyo Garsoorka UCID Maxamed Ibrahim oo kusoo dhaweeyey Gud kuxigeenka xisbiga UCID Adan Maxamed Mire (Waqaf). 

Gudoomiye ku xigeenka oo hadalka la wareay ayaa waxa uu mahadnaq usoo jeediyey sida quruxda badan ee loosoo dhaweeyey isagoo intaas ka dibna wrbixin dheer oo dhinacyo badan tabanaysa madashii kazoo jeediyey oo uu uguhoreyn shegay in diiwaan gelintii ay si wanagsan u dhacday inkastoo ay jiraan khaladaad badan oo loo fadhiyo sidii arintaa loo xalin lahaa iyo dhorashadii oo inagu soo fool leh. 

Waxa kale oo Gudoomiyey Waqaf sheegay in Xisbiga Ucid uu yahay Xisbiga ugu tageerada badan Xisbiyada dalka ka jira dadweynaha reer Somalilandna ay kalsoonida ina badan siisay Xisbiga . 

Intaas ka dib su’aalo la weydiiyey Guddoomiyaha waxa uu uga jawaabey si wanagan oo ay ku jirto kalsooni . 

Intaas ka dib waxa isna madasha fadhiyey Saeed Omar Ahmed ka tirsan madaxda Xisbiga Ucid oo mahadnaq usoo jeediyey gudoomiye ku xigeenka 1 iyo sida wanagsan ee ay shirku inoogu dhacay oo uu sheegay in dhawaan booqan donaan Gobolada dalka qaar ka mid ah hadii Ilahay yidhahdo. 

Dadkii madasha ka hadlay waxa iyana ka mid ahaa Goddomiyaha Xisbiga Ucid garabka haweenka Yasiin Abokor 

Sacad Maxamed Qawdhan ……Gudoomiyaha Dhalinyarada UK 

Abni Maxamed 

Faysa Ciise………… 
Saynab Saxardiid……

Kaltuun Cumar ………
Ayan Adan………………

Sahra Omar……….

Anab Xashi……… 

Maryan Cilmi………

C/raxmaan Barkhad……….

Dr C/rashiid C/lahi Bahillawe 

Ucid Media 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: