Toggaherer’s Weblog

SHIR BALADHAN OO KULMIYE BRISTOL, KUSOO DHAWEEYAY, MUSHARAX C/RAXMAAN SALYLICI

Posted on: February 17, 2009

SHIR BALADHAN OO KULMIYE BRISTOL, KUSOO DHAWEEYAY, MUSHARAX C/RAXMAAN SALYLICI

Bristol 17 Feb 2009 ToggaHerer

Waa inaynu kuligeenga guntiga dhiisha iskaga dhignaa sidii aan isbedel wax ku oola uga hirgelin lahayn dalka hadaynu nahay Kulmiye.

Waxaa xalay kadhacay magalada Bristol shir balaadhan oo lagusoo dhaweeyay Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaciil ( Saylici) oo baryahanba Socdaal kujoogay Waddanka Engiriiska. Shirkan oo ahaa mid si sare ay u soo qabanqaabiyeen tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Bristol oo ay hormuud katahay Laanta Bristol, iyadoo ay dedaal dheeraad ah muujiyeen Gudoomiya laanta Xuseen Axmed Caydiid iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen Hanad Yaasiin Jaaamac, Ibraahim Axmed Yoonis (Saylici), Max’ud Max’ed Muumin, C/raxmaan Xoosh Iyo xubno kale. Waxaa kasoo qaybgalay dad farabadan oo sigugu jirey odayaal, aqoonyahano, dhalinyaro, iyo salaadiin oo kunool magaalada Bristol, Cardif iyo Nawaaxigeeda.

Furitaanka aayadaha Qur-aanka kariimka ah kadib, waxaa gudoomiya Laanta Bristol Eng. Xuseen Axmed Caydiid halkaa usoo jeediyey hadal soo dhoweyn ah Mudane C/raxmaan Saylici iyo weftigii lasocday, isagoo ka cudur daartay in hadii waqti fog kahor loo soo sheegi lahaa ay weliba soodhoweyntu intaa kasii sareyn lahayd, iyadoo uu sheegay inay Bristol ay ka mid magaalooyinka kulmiye ku faano guulo wax ku ool ahna usoo hooyey Kulmiye manta iyo ilaa maalintii la aas aasay.

Waxaa iyaguna Mudane Saylici wefti ahaan ku weheliyey Suldaan Yuusuf Suldaan Cali, Gudoomiye kuxigeenka Kulmiye UK Cabdi Bacaw, Cismaan Saciid Jaamac oo ka mid ah golaha dhexe Kulmiye Ali Xaamud Jibriil oo kamid aha gudida Kulmiye Uk iyo xubno kale oo dhamaantood u mahad naqay sidii diiranayd ee musharaxa Madaxweynekuxigeenka iyo weftigiisa loogu soo dhoweeyey magaalada Bristol.

Waxaa intaas kadib hadalkii lagu soo dhaweeyay Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Kulmiye Mudane C/raxmaan C/laahi Saylici, wuxuuna si mug weyn uga hadlay xaaladda wadanku marayo iyo isbadalka barnamijka Xisbiga Kulmiye wado, isagoo arrimahas kahadlayana wuxuu yidhi doorashadii waxa kahadhay mudo yar Waxayna komiishankii iyo Saddexda Xisbi Qaran isla garteen inay doorashadu wakhtigii loo mudeeyey ku dhacdo insha allaah Kulmiye-na taas buu taaganyahay.

Shaki igaga saara inuu Kulmiye guulaysanayo laakiin waa inaynu kuligeenba yar iyo weynba dhexda marada ugu xidhanaa sidii aan shanta sano ee soo socda isbedel lataaban karo uga hirgelinlahayn wadanka ayuu yidhi Mudane C/raxmaan Saylici, wuxuuna ku balanqaaday inay ay ficil u belin doonaan Barnaamijka xibiga Kulmiye hadii ilaahay ila qabto loona kala horaysiin doono sida ay u kala muhiimsanyihiin.

Wuxuu intaa ku daray in uu Kulmiye inuu dhiirigelin doono dhamaan hayadaha dadweynaha (Private sector) ka Waddanka, lana dagaalamaan musuqmaasuqa hadheeyey hay’adaha dawladda, waxaa kale oo noo taala inaan shaqooyin abuuro.

Waxaa ugu danbaytii Saylici kula dardaarmay Qurba jooga in Marka Kulmiye talada Waddanka kuguuleysto ay dadka Qurbajooga udiyarin doonan barnaamijyo ay kaga mar maan Qurbaha oo ay u maalgashadaan wadankooda hooyo. Waxaana uu ugu danbeyntii shirkaasi kusoo gabogaboobey jawo aad u qurux badan

Osman Saeed
Bristol
uk

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: