Toggaherer’s Weblog

GUDIDA AMNIGA EE BANAADIR OO 48 SAACADOOD EE SOO SOCDA KU QADI DOONA ISBAAROOYINKA

Posted on: February 17, 2009

GUDIDA AMNIGA EE BANAADIR OO 48 SAACADOOD EE SOO SOCDA KU QADI DOONA ISBAAROOYINKA

Moqdisho 16 Feb 2009 ToggaHerer

Gudiga Amniga qaranka ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya sheikh Shariif sheikh Axmed ayaa sheegay in saldhigyada gobolka Banaadir ay dhigayaan ciidamo boliis ah iyagoo ugu baaqay in 48-saacadooda ee soo aadan ay isaga tagaan ciidamada isbaarooyinka ay u yaalaan gudaha iyo hareeraha Muqdisho.

Kulana ay maanta isugu yimaadeen gudiga Amaaniga Qaranka iyo kan gooblka Banaadir ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne sheikh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay kaga hadleen xaaladaha kala duwan ee ka taagan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Kulankaasi kadib shir jara’id oo uu xasaafada u qabatay Cabdala Bos oo ah gudoomiyaha gudiga ammaanka qaranka isla markana ah wasiirkii Gaashaan dhiga Xukuumadii Ra’iisul wasaare Nuur Cadde ayaa waxa uu dalbaday in 48-saac gudahooda ciidamada ku sugan isbaarooyinka faraha badan ee dhex yaala gudaha magaalada Muqdisho ay isaga tagaan islamarkaana ay ka waantoobaan.

Cabdala Boss ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in hadii ay ka tagi waayaan ciidamada ku sugan isbaarooyinka talaabo sharci ah ay ka qaadi doonaan ciidamada qalabka sida ee dowlada iyo ciidamada dadweynaha sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale gudoomiyaha Amniga Qaranka Cabdala Bos waxaa uu sheegay in saldhigyada booliska ee magaalada Muqdisho la geyn doono ciidamo boliis ah oo suga ammaanka magaalada,isagoona ugu baqay shacabka in ay la shaqeeyaan ciidamadaasi.

Ugu dambayntii waxaa uu ugu baaqay wasiirkii gaashaadhiga xukuumadda Ra’iisul wasaare Nuur Cadde islamarkaana ah gudoomiyaha Amniga qaranka in ciidamadii qalabka siday ee ka tagay xerooyinka ay ku sugnaayeen iyo ciidamadii ay ka tirsanaayeen ay dib ugu soo noqdaan,isagoona sheegay in ay siin doonaan xaquuqdii ay ku lahaayeen dowladda KMG Soomaaliya.

Kulankaani maanta ay yeesheen gudiyada Ammaanka qaranka iyo kan gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili isbaarooyin yaala gudaha magaalada iyo gobolada dalka ay sii kordhayaan kuwaasi oo aan jirin cid wax ka qabata,waxaana sidoo kale la ogeyn siyaabaha ay u dhaqan gali doonto ciidamo geynta saldhigyada gobolka Banaadir. 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: