Toggaherer’s Weblog

DOODII KULAYLAYD EE KA SOCOTAY GOLAHA WAKIILADA OO GASHAY MAALINIISII LABAAD

Posted on: February 17, 2009

DOODII KULAYLAYD EE KA SOCOTAY GOLAHA WAKIILADA OO GASHAY MAALINIISII LABAAD

Hargaysa 16 Feb 2009 ToggaHerer

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo wali ku guda jiran mooshin ah in ay doorashadu ku dhacdo xiligii loo ciymay ee ahayd 29 march ayaa maanta xildhibaanadii ka qayb galay ay dood kulul isku waydaarsadeen qabsoomida doorashada xiligeedii hadii ay dhaaftona ay ka dhalan doonto nabad galyo darin,khalkhal .

Xildhibaanadii saaka doodaasi ka qayb galay ay waxa ay madaxweyne Riyaale ku dhaliileen in aanuu diyaar u ahayn in ay doorashadu ku qabsoonto xiligii loogu tala galay isla markaana aanuuu muuqan san saankeedii , waxa xilidhibaanadu doodooda ku iftiimiyeen shakiga dubaba ka galay in ay doorasho dib uga dhacdo waqtigi loo cayimay.

Xildhibaanadii maanta dooda ka qayb qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa xilidhibaan nac nac oo ka soo baxay xilidhbaabada xisbiga kulmiye waxaanaa doodiisii ka mid ahayd “Horta mooshinkan axaa aha xildhibaanadii soo sameeyey wuxuunbaanu ka doodaynay in madaxeynuhu degreeto madaweyne u diro commission ka oo intuu warqad qoro ku cayimo maalinta ay doorashadu dhacayso intaas uunbaanu madaxweynaha faraynaa, lakiin wixii kale waxaynu aynu madaxweynaha maanta ku canaano ma arko oo meel walba waxa uu ka yidhaa doorashadu maalinteeda dhaafimayso marka inshaa allah iyana dhafimayso , taasi waataas dee madaweynuhuna waxa uu u yidhaa ee ah doorashadu waqtigeedii dhafimayso taasna wanu sugaynaa ”

“ Lakiin waxaa sansaan shaki leh waqtigii waxba kama hadhi oo waxa ka hadhay 45 casho digreetadii wali may soo bixin wax alla waxa la qabtay ma jirto wax diyar ahina ma jiran waliba waxa taa dheer mashaakulka la abuurayo waad ogaydeen mashaakilka ka socoda golaha guurtida , galbeed ciidamada gaynayo waad ogaydeen , xaalad abuurka waxbaaka soc socda si marka xaalad deg degi tamaado loo yidhaa ha la kordhiyo waxbaa ka socsocda meesha taana aynu ka feejignaano madaxweynahana waxaan kula talinayaa in uu soo saro degreetada sida ugu dhakhsanah badan ”

Waxaa iyana maanta golaha doodiisa ka dhiibtay xildhibaan Farax Maxamuud Cabdile (Farax Dhere) oo ka soo baxay xisbiga Ucid gobolka Saaxil waxaana isna doodiisii ka mid ahaa 
“ Waxaan soo jeedinayaa waxa weeye in talo qaran laga yeesho hadii doorashadu xiligeedii dhiciwaydo , waxa kale oo aan doonayaa in aan halkan ka xuso dee doorashooyinka waxaa hortaagan waxaa ka mid ah miisaaniyadii ay ku suura gali lahayd ilaa hada wax miisaaniyad ah oo golaha la hor keenay ma jirto taasina doorasha qayb ayey ka tahay “

“Waxa kale oo aan halka wax uga soo jeedinaya warbaahinta qaranka warbaahinta qaranka oo dhan baa leh cid gaari ma laha waxaan u soo jeedinaya in ay ka fogaadaan waxyalaha qaran ka waxyeelaya . waxa kale oo iyana aan hadal u soo jeedinaya ciidamada aminga ciidamadu way ka madax banana yihiin siyasada , waxaa la doonaya in qaranka si isku mid ah ay ugu shaqeeyaan oo nabadgelyada guud ay ka shaqeeyaan loomana baahna in ay cid gaar ah ilaaliyaan”

“Arin bari ina hor imankara sidii shalay oo kale doorashadii oo aan qabsoomin iyada oo golayaasha qaranka iyo axsaabto aanay ka lahayd talo loo dhan yahay mooshinkani na waxaan u arkaa inuu golahan ku yahay xil gudasho waajib ah, in uu yahay garaad maalin laga fikiro, in laga taliyo bari maalin madaw oo ina hor iman karta waayo waxa is garab jooga sadexdii nin ee todobada sano ka hor tartamay, oo weli isa sugaya oo is garab taagan.Madaxweyne waxa ku garab taagan oo ku garab fadhiya ninkii aad shalay kaga heshay 0.0%, Daahir Rayaale iyo Axmed Siilaanyo, min 42% ayay keeneen waxay is dheeraayeen 0.0%, shan sano ayuu ku sugayay oo uu samray, sanad baad korodhsatay oo mid kale ayaad korodhsatay, bilaahi calayk dadkaa, dadkii u garnaqi lahayd miyaanay golahan wakiilada fadhiyin, Madaxweyne waxaad u Fadhidaa Si Baraad Li’i ah waxaad gaadaysaa inaad laba sano ama sadex sanadood oo kale aad korodhsato iyadoo ay duruufta noocaas ahi dalkii taalo.”

Doodan oo uu shirgudoominaayey gudoomiye ku xigeenka kowaad mudane Abdi Asiis Samaale ayaa sii socon doonta ilaa inta laga gadhayo goaan midaysan oo loo gudbiyo madaxweynaha `si uu ugu dhaqaaqo hawshan hortaala ee laga sugaayo.

Togaherer 
Hargaysa 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: