Toggaherer’s Weblog

DAWLADA ETHIOPIA OO TAALO U DHISAYSA CIIDAMADII KAGA DHINTAY HAWLGALKII SOMALIYA

Posted on: February 17, 2009

DAWLADA ETHIOPIA OO TAALO U DHISAYSA CIIDAMADII KAGA DHINTAY HAWLGALKII SOMALIYA

Adisabab 17 Feb 2009 ToggaHerer

Dowladda Ethiopia oo taalo u dhistay Ciidamadii kaga geeriyooday Soomaaliya iyo Munaasabad ay ka qeyb galayaan Madaxda Ethiopia oo ka dhaceysa.

Dowladda Ethiopia ayaa markii u horeysay shaacin doonta tirada guud ee askarteeda kaga geeriyootayu Soomaaliya soo gelitaankeedii iyo joogitaankeedaba mudada labada sano, iyadoona munaasabada arrintaas ku aadan ay ka dhaceyso Deegaanka Doolow Adow.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiinta Ethiopia kuwooda ugu sareysa gaar ahaan Madaxweynaha Ethiopia Girma Waldagorgis, Taliyaha Ciidamada Milateriga iyo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Xukuumada ayaa ku qul qulaya Deegaanka Doolow oo xuduud la leh xadka Soomaaliya.

Diyaarado kuwa qumaatiga u kaca ee ay adeegsadaan Ciidamada Milateriga Ethiopia ayaa lagu daabulayaa Mas’uuliyiinta Dowladda iyo Baarlamaankaba si ay ugu qeyb qaataan Munaasabada lagu hirgelinayo Taalada Ciidamadii dhintay.

Munaasabadaan ayaa waxey salka ku haysaa taalo weyn oo laga hirgeliyay Degmada Doolow Adow taasi oo loo sameeyay Askartii faraha badnayd ee dalka Ethiopia kaga dhimatay dagaalkii ay gudaha Soomaaliya kula galeen kooxaha Islaamiyiinta ahaa ee ka soo horjeeday gudaha Soomaaliya soo galaan Ethiopianka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in munaasabadaasi loogu talo galay in lagu soo bandhigo askartii ku dhimatay dagaalkaasi, islamarkaana loo sameeyay Taalo weyn oo lagu xasuusto iyo kuwii ku dhaawacmay ee weli nool.

Madaxweynaha Dalka Ethiopia ayaa lagu wadaa inuu kulankaasi balaaran ka hadlo, iyadoo sidoo kale abaal marino isugu jira Bilado Geesi, lacago iyo shahaadooyinba lagu gudoonsiin doono sarkiishii Ciidamadaasi horkacaysay, si sare loogu qaado mooralka Askarta Ethiopia ee dalka Soomaliya howlgalkaasi ka fulinaysay.

Munaasabadan taalada loogu sameynayo Ciidamadii kaga geeriyooday Ethiopia gudaha Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmeysaa xilli dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia uu diiday inuu carabka ku dhifto qasaaraha maal iyo naf ee uu ku waayay tan iyo markii ay galeen Soomaaliya, isagoona sheegay in arrimahaas ka hadalkeeda ay u taal Xukuumada Ethiopia.

XUSEEN JAAMAC DURAAN XUST0 
Adisababa
Ethiopia

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: