Toggaherer’s Weblog

60 KII 7 NIN AYAA SOMALILAND TUKHAANTUKHIYAY MAANTANA 7 AYAA II MUUQDA

Posted on: February 17, 2009

60 KII 7 NIN AYAA SOMALILAND TUKHAANTUKHIYAY MAANTANA 7 AYAA II MUUQDA

“Lixdankii Todoba Nin Ayaa Somaliland Tukhaan-tukhiyay Oo Dadkiina Been U Sheegay Oo Dhaqaajiyay Maantana Todobadii Ayaa Ii Muuqda………” Wasiirka Maaliyada Xuseen Ali Ducaale(Cawil)

Hargeysa Feb.17, 2009 – Wasiirka Maaliyada Somaliland Md. Xuseen Cali Ducaale [Cawil] ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa shaaca kaga qaaday inuu Khamiista todobaadkan uu golaha wasiirada Somaliland u gudbin doono miisaaniyad sanadeedkii Qaranka ee 2009-ka oo ay ku jirto lacagtii loogu tallo galay doorashada madaxtooyada, waxaanu mucaaridka ku eedeeyay inay wadaan baqo gelin, isla markaana aanay hanin wax barnaamij ah oo ay dadweynuhu ku doortaan.

Wasiirka Maaliyada oo shirkaasi jaraa’id ka hadlayay ayaa wuxuu yidhi “Waxaan idiinku yeedhay beryahan war baa suuqa wareegaya, warkaasi oo la xidhiidha xilligii la qabanayay doorashada madaxtooyada, xilligaas guddiga doorashooyinku qabteen oo ah 29-ka March ee bisha dambe ee ay xisbiyaduna isla garteen. Dawlad ahaan wixii annaga nagu taxaluqa waa naga diyaar, miisaaniyadii 2009-ka maalinta Khamiista ee fooda innagu soo haysa ayaan geyn doonaa golaha Wasiirada, waxaad ka arki doontaan lacagtii doorashada loogu tallo galay. Doorashadani waa imtixaankii u dambeeyay ee la innagu imtixaamayay, haddii ay doorashadaasi nabad iyo wanaag ku dhacdo waxaynu kaga adduunka kaga helaynay ictiraaf.”

Md. Cawil oo daba socday warar sheegayay in xukuumadu aanay doonayn inay doorashadu wakhtigii loogu tallo galay ay ku qabsoonto, wuxuu sheegay in dawladu ay diyaar u tahay qabsoomida doorashada, waxaanu yidhi “Dalkan dawladani saddex doorashooyin ayay ka qabatay, iyadoo waliba ay mar madaxweynaha ay odayaal ka codsadeen in loo kordhiyo oo doorashada la iska daayo, iyadoo laga baqayay inay xooggaa buuqa keento, waxaanu maalintaa yidhi Somaliland kuma iibsami karto muddo kordhin ee waxay ku iibsamaysaa doorasho, doorashooyinkii hore waa kuwii si wanaagsan innoogu dhacay Tana bi’idnilaahi kariim si sharaf leh ayay ku dhammaanaysaa.”

“Cilmi baadhis[Research] ayaan sameeyay lixdankii Todoba nin ayaa dadka Somaliland tukhaan tukhiyay oo dhaqaajiyay beena u sheegay, tododoba ay ahaayeen qof qof ayaan anigu shakhsiyan ugu tagay, imika waxaa ii muuqda Todobadii, ma jecli inaan sheego marka oleluhu bilaabmo hanjabaada iyo cagajuleyntooda waad yaabaysaa, dawladi ma jirto waxba ma jiraan ayay yidhaahdaan,”Ayuu yidhi Wasiirka maaliyadu.

Wasiirka maaliyadu wuxuu masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka ah ee Somaliland ku eedeeyay inaanay akhriyin heshiiskii ay la galeen xukuumada ee ay saxeexeen markii uu dhammaaday wakhtigii hore ee xukuumada

“Waxa loo baahan yahay in dadkeenu ay shuruucdooda iyo dastuurkeena aynu ilaashano, Guddiga komishinka doorashooyinku waa guddi madax banaan annagu doorasho inay wakhtigeeda inay doorashadu ku qabsoonto ayaan jecel nahay, iyadoo doorasho dhacayso oo billi ka hadhay in wax kale la soo geliyo oo xataa dadka dareen baqdineed lagu abuurayo, ninka siyaasiga ah ee dalkan doonaya inuu wax ka noqdo ma aha inuu ku hadlo erayada naxliga keenaya ee ka bajinaya, waxaan aaminsan nahay in ummadani iyadu nabad gelyadeeda ilaashanayso oo nin siyaasi ah oo kursi doon ahi aanu ka gil gili karin, Konton Sano markaynu joognaba marnay gilgilanaa, waxaan is idhi waa wakhtigii aynu gilgilmi jirnay”ayuu yidhi Md. Cawil.

Wuxuu mar kale balan qaaday in haddii xisbigooda laga helo ay si sharaf leh u wareejinayaan xilka, waxaanu yidhi “Lacagtii diiwaan gelinta kharashkeedii waan bixinay tii doorashooyinkana waan bixinaynaa, haddii nalaga helo sidaa madaxweynuhu sheegay si sharaf leh ayaanu u dhiibaynaa waayo dalkaa muhiima shakhsiyaadku muhiim ma aha, qoladan mucaaridkana ha laga helo marka si sharaf leh looga helo doorashada inay si sharaf leh u aqblaan. Ma qabo wakhti aynu inagu dhexdeena isku hanjabno waxaa la joogaa wakhtigii aynu sanduuq iyo codka ummada aynu ku kala bixi lahayn. Lixdankii haddii la tukhaan tukhiyay Somaliland maanta xaasha lama tukhaan-tukhin karo anagaa joogna, lixdankii rag baan ilaalin marxuum- Cigaal-na markii laga xoog batay ayuu dhiibay, maanta shacbigii ayaa baraarugay oo ilaashanaya illaa xudduuda ayay sugan tahay ilaa degmada Dhahar.”

“Siyaasiyiinta mucaaridka ahi ma oga sida ummadani ay u bislaatay oo ninka khaldani aanu xataa walaalkii helayn, waxaan idinka codsanayaa Saxaafada inaad ninka khaldan u sheegtaan,”Ayuu yidhi wasiirku waxaanu intaas ku daray “Buuqan iyo waxan la abuurayo waxaan is idhaahdaa, marka dal buuq ka dhaco ayaa la yidhaahdaa dawlada ha la qeysado, niman mucaarid ah ayaa Nairobi Tagay oo aan filayo inay u tageen Siminaar sida buuqa loo sameeyo la xidhiidha.doorasho xalaal ah ayaa dhacaysa si xalaal ah ayaynu ku kala baxaynaa walaahay halka aanu dalkan soo gaadhsiinay lexjeclo weyn ayaa naga haysa.”
Wasiirka maaliyada Somaliland wuxuu mucaaridka ku eedeeyay inaanay wax wax qabad ah soo sidin, waxaanu yidhi “Nimankaa imika ayaan ka arkayaa inaanay waxba soo waddin, aan ahayn maalintaa dawladi yaanay jirin xiliga kala guurka, ummaddaha mar walba xabagta isku xidhaa waa madaxtooyada, maraykanka quwadaas leh. Madaxweynahani haddii maanta uu shandada qaato oo uu iska tago albaabka ayaynu isku qabsanaynaa, wakhtigaygii weeye ayaa cid waliba odhanaysaa.”
Intaas ka dib waxa Wasiirka Maaliyada ay weriyeyaashii shirkaasi jar’aaid ka qeyb galay ay wediiyeen su’aalo ay ka mid ahaayeen kuwani

S; Wasiir lixdii sanadood ee aad Wasiirka ahayd xisbaab xidhadii miisaaniyadaha maad horgeyn golaha wakiilada, ta kale miisaaniyadii sanadkii hore waxa ku jirtay lacag lagu bedelayo lacagta giimbaarta Burco, arrintaas maxaad u bedeli weyday, xisbaad xidhadiina aad u samayn wayday?

J: Hadii aad u tagto xisaabiyaha guud ama hanti dhawraha waxaad ogaan doontaa inaanu samaynay xisaab xidhadii miisaaniyadahaas.lacagta giimbaarta Burcana sida aanu balan qaadnay waanu bedalaynaa.

S: Wasiir, waxaad sheegtay inay dad qas waddaan, maalin dhawayd Boqor Buurmadow, ayaa sheegay inay beeli qas wado oo ay wareerinayso dalka, Boqorkaasi ma ku jiraa dadkaa aad sheegtay inay qaska wadaan?
J: Warkaa ma hayo annigu.

S: Qodob dastuuri ah ayaa sheega in Wasaarada maaliyadu ay Golaha wakiilada ku horgeyso maalmaha u horeeya bisha January, markaa imikana waxaa la marayaa dabayaaqadii febarwari, markaa soo ma cadda inaad xilkaagii gudan wayday?

J: Waa su’aal fiican annaga ayaa jecel inaanu miisaaniyada golaha wakiilada geyno wakhtiga ku haboon, duruufo ayaa iman kara, bad-gariirkii dhaqaale ee adduunka ka dhacay waxay keentay inaanu wax badan miisaaniyadii hore aanu ka guurno, taasi waxay keentay inaanu darisno halka aanu dhigayno miisaaniyada.
Guddida dhaqaalaha ee golaha wakiiladuna way la socdaan arrintaas, imika ayaanu meeshii cago dhiga aanu ogaanay miisaaniyada.markaa waxaa khasab nagu noqotay inaanu ilaa imika ay qaadato golahana waan keenaynaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: