Toggaherer’s Weblog

WARARKII WARGAYSA OGAAL EE MAANTA OO ISNIIN AH 16/02/2009

Posted on: February 16, 2009

WARARKII WARGAYSA OGAAL EE MAANTA OO ISNIIN AH 16/02/2009

WARARKII WARGAYSA OGAAL EE MAANTA OO ISNIIN AH 16/02/2009

Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in uu Is-casilayo
Addis-Ababa (DailyNation/Ogaal)- Ra’iisal-Wasaaraha Dawladda Itoobiya Meles Zenawi ayaa sheegay in uu iska casilayo Jagada Ra’iisal-Wasaarinimo, isla markaana uu si degdeg ah go’aankaa wada-tashi ugala galayo Xisbigiisa.
Sida aanu ka soo xiganay Wargeyska Daily Nation oo ka soo baxa dalka Kenya, Ra’iisal-Wasaare Meles Zenawi ayaa sheegay in ay suurtogal tahay in uu ka dego Xilka Ra’iilsa-Wasaarenimo, waqti 15-maalmood oo kaliya laga joogo Doorashooyinka dadka badan lagu xidhxidhay ee ka dhacday dalkaas. Meles Zenawi oo sida Wargeysku sheegay habeenimadii Jimcihii War-fidiyeenada ugu waramayay Xafiiskiisa Magaalada Addis-Ababa ayaa wuxuu sheegay in uu Xisbigiisa iyo Asxaabtiisa kala tashanayo cidda ay u dhiibayaan Kursigan Ra’iisal-Wasaarenimo oo uu Meles fadhiyay muddo 18 sanno ah. 
“Go’aankaygu waxa weeye in aan halkan fadhiayay waqti igu filan, isla markaana loo baahan yahay in aan ka dhaqaaqo (Xilka). Waxaan doonayaa in aan xilkan ka dego aniga oo aan ka bixin Xisbiga hoggaamintiisa, laakiin waa in aan tixgeliyaa go’aannada Xisbiga.” Ayuu yidhi Meles Zenawi. Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya oo shaqsiyad ahaan isu-aaminsan askari naftiisa u soo huray dalkiisa, marka loo eego kaalintii uu ka soo galay Ururkii EPRDF, ayaa sheegay in aanu talada dalka ka degi karin haddii aan Xisbigiisu la qaadan oo aanu ka talogelin. 
“Xubin kama noqon karo Xisbiga haddii aanan tixgelinaynin go’aamadiisa.” Ayuu yidhi Meles Zenawi. Ra’iisal-Wasaarahaha Itoobiya oo da’diisu 53 jir tahay, isla markaana xubin ka ahaa Urur Tigrayga Waqooyiga Itoobiya ah sanadkii 1974-kii, hormoodna ka ahaa Dagaal ku-dhufo oo ka dhaqaaq ahaa oo lagaga horjeeday Taliskii Mengiste Xayle Mariam oo socday muddo 17 sanno ah, ayaa markii ugu horaysay Ururkii EPFDF ka noqday guddoomiye. Isaga oo markii ay talada dalka qabsadeen noqday Madaxweynihii ku-meel-gaadhka ahaa ka hor intii aanu Ra’iisal-Wasaare noqonin.

“Mar hadaad aragto iyagoo Nabadgelyo-darro ka hadlaya Shaani-qarxin baa ku xigta, laakiin…”
Cabdillaahi-Darawal
Hargeysa (Ogaal)- “Waxaan doonayaa in aan wax ka idhaahdo arrimahan socda ee imika dhacayaa waxay ku sal leeyihiin iyo ujeedooyinka laga leeyahay. Sida la ogyahay, xukuumaddan imika jirta waxa la doortay shan sannadood ka hor.” Sidaa waxa yidhi Cabdillaahi Xusseen Iimaan (Darawal) oo hormood u ah kooxda ka dilaacday xisbiga talada dalka haya ee UDUB, ka dib markii ay qaadaceen qaabkii loo maamulay Shirweynihii labaad ee dhowaan xisbiga ugu soo gebogaboobay magaalada Hargeysa.
Cabdillaahi-Darawal oo xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Ogaal, waxa uu Madaxweyne Rayaale ku eedeeyay in aanu diyaar u ahayn inay qabsoonto doorashada Madaxtooyadu. “ Waajibaad Distoori ah ayay ku ahayd inay shantaa sannadood doorasho ka diyaariyaan dalka. 
Waxa kale oo la ogaa in loogu daray sanad kale. Markaa waxyaabahaas oo dhan waxa loo samaynayay si ay doorasho xalaal ah, Diiwaangelin leh oo dhab ahi u dhacdo. Laakiin, waxaan umadda u sheegayaa in aanay diyaar u ahayn doorasho, taasoo aanu ku caddaynayno waxyaabo badan oo imika socda, iyadoo ay bil iyo badh ka hadhsan tahay doorashada….Bal dadweynuhu ha u fiirsadeen Xukuumaddeenu waxay imika ku hawlan tahay ee ay qabanayso. 
Arrimaha ay xooga saarto ee ay ku hawlan tahay waxa weeye; inay xaafaddaha xafiisyaanu ka furaynaa tidhaado oo ay ku meeraysato, inay marar isku qaado oo ay tidhaahdo Komishanka hala bedelo, inay Guddoomiyaha Guurtida isku qaaday, beritana ay isku qaadi doonto Shirguddoonka Wakiillada ama meel kale.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi Xusseen Iimaan. Wuxuuna intaa raaciyay, “Taas imika loogama fadhine, waxa looga fadhiyay inay Miisaaniyadda qaranka ee 2009 ee doorashooyinkana loogu talogalay geyso Golaha Wakiillada. Sharciyan waxay ahayd inay Miisaaniyadda Golaha geyso bishii Noverber 2008, maantana waxaynu ku jirnaa February welina ma hadal-hayso.” 
Waxa uu sheegay in sababta Madaxweyne Rayaale digreeto rasmi ahaan ugu soosaari waayay maalinta doorashadu muujinayso sida aanu diyaar ugu ahayn qabsoomideeda. Wuxuuna tilmaamay in aanay jirin sabab dib u dhigi karta wareegtadaas, maadaama badhtamihii sannadkii tegay ay xisbiyadu ku heshiiyeen in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto 29 March 2009. 
“Waxa laga hadlaa oo aad ceeb ugu ah dadka inay yidhaahdaan 29 March ka dambayn mayso doorashadu, taasoo ah been aanay waxba ka jirin, sababtoo ah Komishanka iyo cid kale toona loogama baahna inay warqad u soo qoraane (Madaxweynaha), waxay ahayd inuu digreeto ku soo saaro markii lagu heshiiyay ee loo soo gudbiyay, hadduu diyaar u yahay in doorashadu dhacdo. Markaa soosaarid la’aantaasi waxay ina tusaysaa in aanu diyaar u ahayn….Komishanka iyo saddexda xisbi waxay ku heshiiyeen markii loo kordhinayay (markii waqtigii xilkoodu dhamaaday Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa) inay doorashadu dhacdo 29 March. 
Wuxuu ahaa heshiis loo dhan yahay oo la wada qaatay, wax Komishan imika looga baahanyahayna ma jirto.” Waxa uu sheegay shacbiga Somaliland deris la yahay dhibaatooyin ay sabab u tahay qorshe la’aanta xukuumadda Madaxweyne Rayaale, kuwaasoo ay ka mid yihiin Sicir-barar, shaqo la’aan iyo duruufo kale oo qalafsani. “Dadka noocaas ah inay maalin walba been u sheegaan oo korodhsiimo ka doonaan xaaraan weeye, axsaabta iy Komishanku hadday aqbalaana dadweynuhu waa in aanay aqbalin,” ayuu yidhi. 
Cabdillaahi-darawal waxa uu tilmaamay in Xukuumaddu ku hawlan tahay hawlo ka baxsan shaqadii loo igmaday, isla markaana xafiisyo dhowaan xisbiga UDUB ka furtay degmada Axmed Dhagax ujeedadoodu tahay mid dagaal siyaasaddeed oo isaga loola jeedo. “12 xafiis baanu ka furnay bay yidhaahdeen, waana beentood. Ujeedadu waxay ahayd Darawal baanu Maansoor (Shirweynihii UDUB) ku khaarajinay, annagoo khaarajinayna imika sacabka noo garaaca, laakiin dadka intooda badani way garanayaan,” ayuu raaciyay. 
Waxa uu sheegay in Telefishanka Madaxtooyadu maamusho ee SLNTV iyo idaacadda dawladda laga baahiyo olole dad ururin ah oo Xukuumaddu ku hawlan tahay. “Waxaan xalay (habeen hore)TV-ga ka daawaday nin oday ah oo ay muuqatay inuu Xukuumadda u shaqaynayo oo Nabadgelyo daro iyo belaayo sheegayay. Markaa haddaad aragto iyagoo TV-ga iyo Raadyahooda Nabadgelyo-daro, khatar iyo waxaas ka sheegaya, waa dhaqankii lagu yaqaanay waxna way soo wataan oo Shaani qarxintii baa ku xigi doonta, laakiin waxaanay ogayn in dadkii bartay maantana diyaar u yihiin in aan saacad loo kordhin.” Sidaa ayuu yidhi Mr. Darawal. 
“Doorashadu si Nabadgelyo ah way ku dhacaysaa, horena way ugu dhici jirtay oo isaga (M/weyne Rayaale) laga baryi maayo oo nabadgelyada dadweynahaa haya. Laakiin, waqtigii ay dhacaysay iyo inuu diyaar u yahay midna muu sheegin, Miisaaniyaddiina lama keenin oo muu diyaarin….Bal kordhis iyo inay dalka sharci-daro ku xukumaana way rabaan, haddana Miisaaniyaddii ay ku xukumi lahaayeen ma keenayaan.” Sidaa ayuu yidhi Cabdillaahi-darawal oo ka ha

“Qofku isaga leh wuxuu ka sheegayo Afkiisa, laakiin ninkii aan u tudhin isaga ayaa ku dhib qaba”
M/weyne Rayaale
“Halkee la xukumi doonaa haddii lays dhinac yaac-yaaco, Ninkii doonaya in aad na xukuntow dee wax hambee”
Abwaan Gaarriye
“Ilaahay waxaanu ka baryaynaa in M/weyne Rayaale uu ku negeeyo meeshiisa intaanu Cagaha dhigayno..Guurtidu Nabadgelyadeedii waa inay ku ekaataa”
X. Cabdi-Waraabe
Hargeysa (Ogaal)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ballan-qaadyo hor leh iyo weedho u muuqday damaanad-qaad kaga jawaabay soo-jeedimo ka soo yeedhay X. Cabdikariiim Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye), kuwaas oo ku salaysnaa Doorashooyinka iyo nabadgelyada dalka.
Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaariye)
Abwaan Maxamed Xaashi (Gaarriye) ayaa guud ahaan Axsaabta Qaranka ugu digay in wax uu ku tilmaamay loollan ka dhaxeeyaa aanu keenin burbur dalka ku yimaadda, gaar ahaan waxa uu Abwaanku Madaxweynaha Somaliland ugu baaqay in uu xilka si nabadgeliyo ah u wareejiyo haddiiba laga helo, haddii uu helo oo uu ku guulaystana waxa uu Axsaabta Mucaaradka ah ugu baaqay in ay u hanneeyaan. Abwaanka oo u muuqday qof ka duulaya hadallada Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta dalku is-weydaarsadaan, isla markaana hadalkiisu u muuqday farriin uu u dirayay Hoggaamiyayaasha saddexda Xisbi Qaran, ayaa ku baaqay hadallada duur-xulka Siyaasadeed ay ahaadaan kuwo aan turxaan lahayn. 
“Waxaas aynu maalin walba furaynaa waxay ku xidhan tahay Nabadgelyada, maantana loollan baa muuqda ka dhaxeeya Xisbiyada ee waar hanagaga durdurinina intaa yar ee aanu yab-yabanay. Madaxweynaha Xukunka hayaa haddii laga helo ha dhiibo oo si nabadgelyo ah ha ku dhiibo oo ha ahaado Madax inoo talisa oo Oday inoo ah, hadduu helana ha loo hanneeyo ayaan taaganahay. Ha fogaanina oo Lafta ha jebinina, dadku way loollamaan oo loollanku wuu furan yahay markuu nadiif yahay wuu wanaagsan yahay.” Ayuu yidhi Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye) oo shalay hadal ka jeediyay Madal kulmisay Masuuliyiin kala duwan, taas oo Magaalada Hargeysa lagag furayay Wershad Sharaabka soo saarta.
Abwaanka wuxuu dhawaaq u ekaa mid bartilmaameedkiisu yahay Hoggaanka Axsaabta ku sheegay in haddii Siyaasiyiinta dalku khilaaf dalka geliyaan aanay jiri doonin meel ay xukumaan, waxaanu sheegay in loo baahan yahay in Siyaasiyiintu dhawraan dalka iyo dadka, si loo helo Dal nabdoon oo ay xukumi karaan. 
“Waar wax iskula hadha oo loollanka wax ha layskula hadho oo yaan Lafta la gaadhin oo yaan la jebin. Halkee la xukumi doonaa haddii lays dhinac yaac-yaacno, Ninkii doonaya in aad na xukuntow dee wax hambee oo hambo ka tag, cid aad xukunto ka tag.” Ayuu y idhi Abwaan Gaarriye.
X. Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe):
Sidoo kale baaqa iyo weedhaha jihadoodu ahayd Hoggaamiyayaasha Siyaasadda Somaliland ee uu jeediyay Abwaan Gaarriye waxa isna kuwo la ujeeddo ah yidhi, X. Cabdkariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka mid ah Guurtida Somaliland. Inkasta o aanu Xaajigu si toos ah u carabbaabin cidda uu ula jeedo, haddana wuxuu sheegay in ay jiraan dad dalka gudihiisa uga heellan in ay Nabadgelyada xumeeyaan, “Waxa loo baahan yahay in kulligeen aynu Boolis noqonaa, waayo nabadgelyadeena duullaan baa lagu yahay oo dhexdeenaa Rag walaaqayaa, dibeddaa laynooga imanayaa. 
Nabadgelyadaa haddaynaan ku dedaalin, nimcadaasi way inaga kala daadanaysaa. Waxaan leeyahay, Nabadgelyada ha lagu dedaalo oo ha la ilaaliyo. Xukuumaddu waxay ku dhisan tahay Shicibka, Shicibkuna wuu wanaagsan yahay ee dedaalka ha kordhiyo.” Ayuu yidhi X. Cabdi-Waraabe.
Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo u muuqday mid fiiro gaar ah ku eegaya khilaaf ka dhashay tartanka Doorashada la filayo in ay qabsoonto bisha soo socota, ayaa sheegay in Axsaabta Qaranka loo sameeyay in Qabyaalladda lagaga gudbo. Waxaanu Golaha Guurtida ee uu ka tirsan yahay oo maalmihii u dambaysay ay ka taagnayd xaalad ka dhalatay Mooshin la sheegay in lala damacsanaa in Xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golahaas uu ugu baaqay in ay ku ekaadaan Nabadgelyada.
“Aqallada la kiraysanayo, Baabuurta la soo kiraysanayaa ee fidmada wadaa inta uu Hawd ka yimaaddo ayuu Berbera inoo dhaafaa oo sidii wax Waqooyi ka yimi iska dhigayaa, waar ha loo feejignaado Waddadan aynu taaganahay. Haddaan qof waliba halkiisa Boolis ka noqon, Xukuumaddu kaligeed waxba qaban kari mayso. Xisbiyada waxa loo samaynayaa in Qabyaaladda lagaga baxaa, haddii Xisbiyadu Qabyaalad ay ku dhaqaaqaan waxba wanaagsanaan maayaan. Xisbiyadu Qabyaalad yaanay ku hadlin oo cay yaanay ku hadlin ee Nabadgelyo ha abuureen..Hay’ad waliba waa inay Boolis noqotaa oo Guurtidu ay Nabadgelyadeedii ku ekaataa..” ayuu yidhi X. Cabdikariim. 
Dhinaca Bulshada ayuu X. Cabdi-Waraabe ugu baaqay in ay ka feejignaadaan saamayn ay ku yeelato hirdanka Siyaasadeed ee Siyaasiyiinta ku lagdamaya hanashada Kursiga Madaxtinimo ee dalka. “Waar Nin madaxnimo doonayaa yuu wareer kicin, Doorashada haddii la kala helo ha laysku hanneeyo. Shacabku ha ka feejignaado Nin Kursi u diriraya oo Agoomaha, Naafada, Dumarka iyo Dadka jilicsan yaan laga daadin Alaabadaa yar ee ay kaydsadeen, waa yoomiye oo kayd wayn ma lihin, macaal Baanka kayd wayn ma lihin.” Ayuu yidhi X. Cabdi-Waraabe. 
Ugu dambayntii X. Cabdikariim ayaa hadalkiisa ku soo gebogebeeyay oo yidhi, “Madaxweynaha soo booqday ee u fadhiya imika Daahir Rayaale Kaahin ee Wershaddii la furaba taagan ee wanaagga u hawshoonaya ee Nabadgelyada u wareegaya, Ilaahay waxaanu ka baryaynaa in uu ku negeeyo meeshiisa muddada aanu Cagaha dhigayno ku negow Insha Allah.”
Jawaabta Madaxweyne Rayaale:
Inkasta oo aanu Madaxweyne shaacinin, isla markaana aanu ballan qaadin in Doorashooyinka Madaxtooyada ee la filayo in ay dhacaan bishan soo socotaa ay waqtigeeda ku qabsoomayso, haddana waxa uu hadalladaa ka soo yeedhay X. Cabdikariim-Waraabe iyo Abwaan Gaarriye kaga jawaabay hadallo gundhiggoodu ahaa ballan-qaadyo hor leh, isla markaana u muuqday kuwo uu ku bixinayay damaanad-qaad Siyaasadeed oo ku aaddan xaaladda qabsoomidda Doorashada. 
Waxaanu Ereyo uu Naftiisa gaar ugaga saaray Xukuumadda uu hoggaanka ka yahay ku sheegay in aanu muran ka dhici doonin halka uu joogo, waxaanu shaaciyay oo uu ballan-qaaday in uu si nabadgelyo ku jirto uga degi doono Xilka Madaxweynenimo. 
Isaga oo Axsaabta Mucaaradka ah u jeediyay in iyaguna haddii uu kaga guulaysto ay u hanneeyaan. “Xaaji Cabdi iyo Abwaan Gaarriye waxay ka hadleen nabadda iyo qolyaha Axsaabta. Horta Anigu dhinacayga waxaan ka ballan qaadayaa in Doorashadu ay nabad u dhacdo, imika waxaynu galaynaabaan filayaa tii afraad oo saddex baynu ka soo gudubnay, kuwaas oo nabad inoogu dhacay, Insha Allahu ta dambena nabad bay ku dhici doontaa, nabad baanay ku dhammaan doontaa. 
Muran ka iman maayo halka aan joogo Anigu, haddii ay u dhacdo in ay cid kale hesho subaxaas ayaan tirinayaa oo aan si sharaf leh u tirin doonaa. Waxaan u rejaynayaa saaxiibadayda kalena (Axsaabta kale) in ay sidaas oo kale yeelaan.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. 
Mar uu M/weyne Rayaale ka hadlayay Doorashada ayaa hadallo duur-xul Siyaasadeed leh ugu macneeyay in ay tahay loollan, balse aanay ahayn dumin. “Bahashu (Doorashadu) waa loollan, laakiin maaha in waxa aynu samaysanay oo Doorashadu in ay wax inoo dhisto ayaynu u tartamaynaa ee uma tartamayno in ay wax inaga dumiso, Ilaahayna inaga dumin maayo ee wax baa inoogu dhismi doona.” Ayuu yidhi Rayaale.
Madaxweynuhu wuxuu halkaa ka sheegay oo kale hadallo u muuqday in uu ugu duur-xulayo weedhaha Xukuumaddiisa ka dhan ah ee ka soo yeedha Axsaabta Mucaaradka ah, isaga oo intaa raaciyay kelmado u muuq ekaa inay ka soo baxayaan Af kalsooni badan qaba. “Qofku Afkiisa isagaa leh, isaga ayaana leh inta uu ka sheegayo Afkiisa, laakiin ninkii aan u tudhin isaga ayaa ku dhib qaba. Waxaan leeyahay Somaliland waxay u baahan tahay hadal yar iyo hawl badan, in aan shaqayno oo dedaalno. 
Somaliland-nimadaas ayaynu wada leenahay, nabadda ayaynu wada leenahay, dalkaanu wada leenahay, Nin kastaa mid xil haya iyo mid kaleba in uu gaadh ka hayo ayaa loo baahan yahay oo aynu Gacanta is-qabsano,sidaas ayaa wax lagu gaadhayaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale.
Intaa ka dib, Madaxweynaha Somaliland wuxuu halkaa kaga dhawaaqay ballan-qaadyo Siyaasadeed oo aan la saadaalin karin siday u dhici doonaan, una ekaa mid uu kaga daba tegayay dhaliil loo soo jeediyay oo lagu dhaleeceeyay Xukuumaddiisa wax-qabad la’aan. 
Waxaanu sheegay in ay jirto Shirkad sahamin ku samaysay Shidaalka Somaliland ku duugan, dhawaanna ay soo bandhigi doonto. “Waxaan idiin sheegayaa beri dhawayto sahamin baanu dalka ka qaadnay dhinaca Shidaalka ah, hadallo badan baa meelahaa laga odhan jiray oo ah waxba lama qaadiniyo. Waxaan idiin sheegayaa Shirkaddii qaadday sahaminta Shidaalku inay 15-ka bisha soo saari doonto oo ay natiijo fiican ka soo baxdo Insha Allah markii ugu horraysay Somaliland heli doonto sahamin ay iyadu leedahay oo sheegaya Shidaalka dalku leeyahay, taasina waa dedaalka Xukuumadda. Wax badan baanay ka tari doontaa mustaqbalka waayo Shidaalka waynu soo iibsanaa, haddii uu Ilaahay ina siiyo dalkeena ayuu ka soo baxayaa, Shaqo iyo dhaqaalena waynu heli doonaa. 
Muruqeena iyo Maskaxdeenuna way inoo kaydsan yihiin oo in aynu isticmaalno wax inaga hor joogaa ma jiraan baan aaminsanahay, taa kalena Insha Allahu si degdeg ah ayay u iman doontaa, waxna uga soo bixi doonaan.” Ayuu yidhi M/weyne Rayaale. Golaha Wakiillada ee Somaliland ayuu Md. Rayaale ugu baaqay in ay ansixiyaan Shuruucda Baananka. “Xildhibaannada waxaan odhan lahaa in Shuruucdii ay ansixiyaan si ay dalkan suurtogal u noqoto Bangigaa Faransiiska ah iyo kuwa kale oo waddani ahiba ay dalka uga hano qaadaan, si ay ugu sahlanaato Ganacsatadeenuna ay u hesho dhiirigelin iyo maalgelin.” Ayuu yidhi Md. Rayaale
Gebo-gebo:
Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo aanu Madaxweyne Rayaale hadalladiisa u badnaa ballan-qaadka aanu ku soo hadal-qaadin waqtiga Doorashada iyo qabsoomiddeeda, haddana waxa Umadda Somaliland iyo dadka daneeya Arrimaha Doorashooyinka Somaliland ay u dheg-taagayaan in ay Komishanka Doorashooyinku cayimaan waqtiga la qabanayo Doorashada, isla markaana uu Madaxweyne Rayaale si waadix ah Digreeto Madaxweyne ugu ansixiyo.
Wakiillada: Gudo-galka Doodda Mooshin ku saabsan waqtiga Doorashada
“Labada Gole go’aan ha ka gaadhaan ciddii Doorasho dalka gaadhsiin lahayd”
Xildhibaan Cali-Mareexaan
Hargeysa (Ogaal)- Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa shalay gudo-galay Doodda Mooshin ku saabsan in aan Doorashada Madaxtooyada ee soo socotaa aanay dib uga dhicin waqtigeeda. Iyaga oo Mudanayaasha qaarkood ay halkaa ka sheegeen in aanay jirin Calaamado muujinaya in Doorasho dhacayso, islamarkaana ay u eg tahay in dib loo dhigayo.
Fadhigii shalay ee Golaha Wakiillada oo uu guddominayay Guddoomiye-xigeenka 1aad ee Golahaas Cabdicasiis Maxamed Samaale, isla markaana ay dooddooda ka dhiibteen Xildhibaanno tiradoodu gaadhaysay 15-xildhibaan, ayaa guud ahaan Xildhibaannada Mucaarad iyo Muxaafadba ay ka sinnaayeen aragtida ah in aan la hubin in doorashadu waqtigeeda ku dhacayso iyo in kale. 
Cali Maxamed Xasan (Mareexaan) oo ka mid ahaa Xildhibaannadii Dooddooda halkaa shalay ka dhiibtay ayaa sheegay in Somalilnd ay qaadday tallaabo aan adduunka lagu arag, isla markaana aan hore uga dhicin. “Caqli kasta oo caadi ahi wuxuu garanayaa qofku marka uu xilkiisa ka soo bixi waayo tallaabo ayaa laga qaadaa oo waajib-gudasho la’aan ayaa laga qaadaa. Laakiin, cid Xilka u kordhisa adduunka lama hayo.” Ayuu yidhi Xil. Cali-Mareexaan. 
Xildhibaan Cali wuxuu ku baaqay in Golayaasha Baarlamaanku ay in ay isu tagaan, go’aanna ay ka gaadhaan cidda dalka wadaysa muddada ka hadhay Doorashada, waa sida uu hadalka u yidhiye. “Markaa waxaan qabaa in Labada Gole ciddii doorasho gaadhsiin lahayd ay go’aan ka gaadhaan, waqtigaas oo ah waqti kooban oo 2 bilood ah. Dadweynahana waxaan leeyahay nabadgelyada ilaaliya, maaha in la yidhaahdo haddii far la qaado nabadgelyada ayaa xumaanaysa.” Ayuu yidhi Xil. Cali Maxamed.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in astaamaha muuqdaa ay muujinayaan in ay Doorashadu dib u dhici karto. “Ilaa hadda ma hayno qoraal ka yimaadda Komishanka ama Modaxtooyada oo soo jeedin ah..Balse waxa jira oo muuqda in aanay suurtogal ahayn in Doorasho qabsoonto, mana hayno qoraal rasmi ah oo ka soo baxa Hay’adaha ay khusayso.” Ayuu yidhi Xil. Caalin.
Xil. Gar-yaqaan Maxamed Jaamac Cabdi ayaa isna sheegay in Mooshinka laga waday dhawaanahan Golaha Guurtida ee lagu doonayay in Xilka lagaga qaado Guddoomiyaha Golahaas ujeedada laga lahaa ay ahayd in la maro Jid lagu doonayo in muddo-kordhin loogu sameeyo Xukuumadda. 
“In la sugo in ay doorashadu qabsoomaysaa waa in layska fadhiyo uun, waxa kale oo muujinaya jihada loo socdo mashaakilkii Gurtida, kaas oo ah mid muujinaya mid lagu talo-galay in haddii uu Jidkaasi bixi waayo, kii Guurtida la maro..Wax akale oo isna jiray Mooshin kale oo isna ah in Komishanka wax laga bedelo.” Ayuu yidhi Xil. Maxamed Jaamac.
M/weyne Rayaale oo Xadhiga ka jaray Shirkad soo saarta cabbitaanka noocyadiisa kala duwan
Hargeysa (Ogaal)- “Marka ugu horraysa waxaan Ilaahay uga baryayaa in Wershaddani ay mid waligeed jirta oo faa’iido soo saarta in Ilaahay ka dhigo, dadkii maalgashadayna ay noqdaan kuwo ku dhiirada in ay Wershado kale sameeyaan, taas ayaan ugu ducaynayaa. Waxa aad farxad iigu ah Wershaddan ragga sameeyay waxaan isleeyahay waa geesiyaal ku dhiiraday.
Inta badan in Shirkad aynu samayno baa inagu adag, Shirkad in la sameeyo Wershadahan la samaynayaa bilow bay u yihiin, Shaqo badan ayay abuurayaan, dadka laftigiisu is-aamin buru yeelanayaa in uu wax wada yeesho. Waa arrin dalkani u baahan yahay, Ganacsigeenu awal wuxuu ahaa in Nin kastaaba uu tunka ku sito intiisa yar, wax alla wax laysku darsan jiray iyo wax la wadaagi jiray toona ma jiraan.” Sidaa waxa yidhi Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahiin oo shalay si rasmi ah xadhigga uga jaray Shirkad soo saarta Cabbitaannada noocyadiisa kala duwan iyo Biyaha sifaysan, taas oo shalay laga furay Tuulada Aw-Barkhadle ee bariga Magaalada Hargeysa.
Xafladdii furitaanka Shirkaddan oo ay ka qayb galeen Siyaasiyiin, Wasiiro, Xildhibaanno, Culima’udiin, Aqoonahanno, Abwaanno, Madax-dhaqameed iyo marti-sharaf kale, ayaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ka warbixiyay farqiga u dhaxeeya Ganacsiga Shuraakada lagu yahay iyo ka afraadda ama ash-khaastu gaarka u leedahay. 
“Wershaduhu waxay bedelayaan dhaqan in dadku wax wada yeesho oo uu saamiyo ka iibsado Wershadaha, Lacagtiisana meelo badan uu kala gashado. Barigii hore waxa jiri jirtay in uu Ninku meel kaliya Lacagtiisa wada geliyo oo uu markiiba khasaaro. Tani waxay furaysaa in Qofku mustaqbal fog ku talo galo oo uu ku xisaabtamo in shaqadiisu ay noqoto mid waligiiba socota, waxaanan leeyahay dhalinyarada Ganacsatada ah ee Wershaddan isugu tagtay iyo odayaalba aad iyo aad ayaan ugu ammaanayaa.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. Waxaanu sheegay in ay Xukuumad ahaan ballan qaadayaan in ay Shirkaddan iyo kuwa kale ee dalkaba dhiirigelinayso. “Xukuumaddu waxay balan qaadaysaa wixii awoodeedda ah ee ay u sahli karayso, ee ay ku dhiirigelin karayso ee ay ku shaqayn karayso Shirkaddani diyaar bay u tahay, waxaanan ku talinayaa Wasaaraddu inay diyaariso Barnaamij ay ku kala hagayso Wershadaha, si aanay isu dul fuulfuulin oo aanay u noqonin midba mid in uu ka daba keeno oo markaa ay isla burburaan, Suuqana maadaama uu yar yahay oo Suuq lagu tartamaa aanu jirin, tirada dadkeeduna ay yar tahay waxa loo baahan yahay in la kala hago, Siyaasaddii lagu kala hagi lahaana sida ugu dhaqsaha badan Xukuumadda loo keeno oo laga ansixiyo, Golaha Wakiilladana laga ansixiyo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale. 
Sidoo kale X. Cabdi Xuseen Yuusuf (X. Cabdi-waraabe) oo ka mid ah Xubnihii Golaha Guurtida ee furitaankii Shirkaddaas ayaa ammaan u jeediyay Mulkiilayaasha Shirkaddan aasaasay, isaga oo halkaa uga duceeyay in ay ka faa’iidaan Shirkaddan. “Wershadaha waxa ka hadlay raggii aqoonta u lahaa oo Anaga araggaa nagaga filan..Qolada Wershaddan samaysay ee ku hawshootay waanu u mahad-naqaynaa, Ilaahow ay ka faa’iidaan oo yaanay ku khasaarin. Xukuumadda ku gacan-qabatay ee u hannaysay waanu u mahad-celinaynaa.” Ayuu yidhi X. Cabdi Xuseen.
Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Abwaan Maxamed Xaashi Dhammac (Gaarriye) oo ugu baaqay Xukuumadda in aanay jirin cid lala tartansiiyo Shirkaddan oo ajaanib ah. “Ragga Shirkaddan furay waan hambalyaynayaa oo waliba in ay sii kordhiyaan ayaan ku dhiirigelinaynaa. Dawladda uu Madaxweynuhu inagala fadhiyana waxaan leeyahay, Nimankaa Waddaniyiinta ah ee dedaalaya ee Xoolahoodii, Awooddoodii iyo Maskaxdoodii gelinaya halkan ee Shaqada iyo dhaqaalaha abuuraya, waxaan idinka codsanayaa in aan lala tartansiin cid Ajenebi ah, meesha ay iyaga iyo cid Ajenib ahi ku kulmaanna in aan lala tartansiin ayaan ka codsanayaa Madaxda dalka.” Ayuu yidhi Abwaan Gaarriye. 
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Maareeyaha Shirkaddan Cabdirisaaq X. Cabdilaahi oo sheegay in Shirkaddan ay ku baxday Lacag dhan 8-Milyan oo Dollar, isla markaana ay hawlgeli doonaan Shaqaale tiradoodu dhan tahay 140-Qof. Waxaanu ku dheeraaday wax-soo saarka Shirkaddan oo uu sheegay in ay soo saari doonto Sharaab nooocyo kala duwan ah iyo Biyo sifaysan. Mr. Cali Ibraahim Ciise (Waraabe) oo isna halka ka hadlay ayaa ka waramay ujeedada iyo faa’iidooyinka Wershaddan.
Dhinac kale, Wasiirka Wershadaha Maxamed Saleebaan Maxamed oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay jirto Wershad Hargaha samaysa oo laga furi doono Deegaanka Dacar-budhuq. “Waxa dalka ka samaysmay oo Burco ka samaysmay saddex Wershadood oo midi ta Saabuunta ay tahay iyo laba Biyo ah. maalin dhawna Dacar-budhuq ah waxa ka samaysmaysa Wershad ay qolo Shiine ahi ay wadaan oo Hargaha ah..waxaan mahadnaq u soo jeedinayaa Nimankii aasaasay Shirkaddan, cid kasta oo isku hawshay in ay hirgesho Wershaddani iyo nimanka Shaqaalaha ah ee ka shaqeeyay.” Ayuu yidhi Wasiirku. 
Masuuliyiintii iyo Siyaasiyiintii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Cabdiraxmaan Faarax Sugaal oo ku baaqay in Wershadaha noocan ah Macaashal-macaashka laga dhimo ay tahay mid ay faa’iido ku keeni karaan, isaga oo xusay in ay jireen Shirkado noocan oo kale ah oo caqabado ka hor yimi awgood u xidhmay. Dr. Axmed Xuseen Ciise oo isna halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday faa’iidada Wershadaha noocan ah ee gaarka loo leeyahay. guddoomiyaha Tuulada Aw-Barkhadle Xasan Daahir oo isna halkaa ka hadlay ayaa ugu baaqay Madaxweyne Rayaale in uu hoos u eego dadka ku dhaqan Tuulada Aw-Barkhadle.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo mar kale ka hadlay
wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya
“Nin Shir ka kacay wuu Siigo yar yahay… Annagoo Ilaahay la kaashanayna UDUB waxay haysato sannadkan waa la arki doonaa” 
Axmed Yuusuf Yaasiin
Hargeysa (Ogaal)- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa mar kale ka hadlay xilliga iyo siday la tahay inuu noqon doono wadahadal dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya.
Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay su’aalo toos ah lagu waydiiyay barnaamij todobaadle ah oo ka baxa idaacada VOA qaybteeda Afka Soomaaliga, waxa uu iftiimin ka bixiyay ujeedada hadal uu dhowaan kaga hadlay Somaliland iyo Soomaaliya kuna taageeray Sheekh Shariif, kaasoo ay mid qaranimada gef ku ah ku tilmaameen axsaabta Mucaaradka ah iyo dhinacyo kale, xiisad qadiyadeedna ka abuuray dalka. 
Balse, dhawaaqiisaa hore laba maalmood ka dib Madaxweyne Ku-xigeenku sheegay in la leexiyay ujeedada hadalkiisaa lana buunbuuniyay. Hase yeeshee, Axmed Yuusuf Yaasiin oo ugu horayn weriyaha barnaamijkaa xidhiidhinaysay su’aal ka waydiisay arrintaas, waxa uu si guud-mar ah oo uu ugu araaranayo jawaabta su’aasha la waydiiyay uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martay tan iyo 1991-kii sida go’aankii dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida, shirarkii nabaddaynta ee beelaha, u guuristii nidaam dowli ah, xilligii xukunka Axdi-qarameedka, samaynta iyo cod-bixintii Distoorka. “30 April 2000-kii baa la dhameeyay (curintii Distoorka), dabadeedna waxaa aftida loo qaaday 30 May 2001, waxaanu dhaqangal noqday 14 June 2001. 
Markaa maalintaa aftida loo qaaday ee uu dhaqangalay ee dadka loo bandhigay ayaa horta rajada Somaliland la geliyay gacanta shacabka, maalintaas baanu noqday qadiyad shacbi oo aanu qof lahayn, maamul iyo nin masuul ahina aanu celin karin. Laakiin, haddii maanta laga helo isku noqosho waa in dadku u codeeyaan oo dadka loo bandhigaa oo la yidhaahdo kaas halkaas baan kaga gudbayaa….Shariif (Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya) xidhiidhka Somaliland wuu hambalyeeyay, waxaanu ku hambalyeeyay wixii ay qabsatay iyo siday u shaqaysatay, Maamuladii ka horeeyayna waxay ahaayeen qaar ku taagan oo Somaliland cagaha jebiyay oo uu naga dhexeeyay colaad aan istaagayni. 
Laakiin, kani (Sh. Shariif) markuu hambalyeeyay ayaa hadalkan keenay oo aan ku idhi ‘ha noqonin sidii kuwii hore oo kale. Somaliland waa qaran jira, Soomaalina waxay noqon doontaa sida Yurub oo kale. Tusaale ahaan, dadka leh wuxuu yidhi Xadku wuu furnaanayaa, waxaan leeyahay….dee Xadku imikaba wuu furan yahay oo baayac-mushteriga labada dal wuu socdaa.’ 
Laakiin, annagu waxaanu leenahay qaaciido noo qoran oo Soomaaliya marka ay xukunto Xuduudaheeda oo ay noqoto dawlad taam ah oo iyadu xukunta oo ka talisa Soomaaliya, markaa dee way noqonaysaa (in Somaliland wadahadal la gasho) sidii loo wadahadlay Jabuuti, sida loo wada hadlaayo Itoobiya, waayo waxaanu noqonaynaa laba dawladood oo jiiraan ah.” Sidaa ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin. 
Mar la sii waydiiyay aragtidiisa la xidhiidha shaqsiyada Sh. Shariif oo lagu tilmaamo wadaad qunyar-socod ah, waxa uu tilmaamay inay dawladdiisa cusub u yaalaan hawlo baaxad leh oo ku saabsan sidii xasilooni, dawladnimo iyo doorashooyin looga hirgelin lahaa Soomaaliya. “Horta, Sheekh Shariif waxaan uga baryayaa inuu Ilaahay arrinkiisa ku guuleeyo, sababtoo ah annaga (Somaliland) waxa noo fiican dawlad aanu jiiraan nahay oo aanu dab ka huraynin, hadduu dab agtaada ka hurayana dadku wuu ku soo gaadhayaa,” ayuu yidhi.
Ka sokow arrimaha Soomaaliya, Madaxweyne Ku-xigeenka waxa la waydiiyay su’aalo door ah oo la xidhiidha siyaasadda gudaha ee Somaliland. “Arrintii loo soo maray qaddiyada Somaliland wuxuu ahaa qadiyad dheer oo adduun iyo xoolo badanina ku baaba’een nafo badana ku baxeen. SNM waxay dhashay Somaliland oo qaran ah – muuqda oo taagan…Haddii Ilaahay Somaliland barwaaqo geliyo rag badan waa loo abaal-gudi, Somaliland-na ma ilawsana.” Sidaa waxa uu Axmed Yuusuf Yaasiin kaga jawaabay su’aal haweenay reer Hargeysa ahi ka waydiisay sababta aanay Xukuumaddu tixgelinta ay mudan yihiin u siinin Mujaahidiinta ururkii dhaqdhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM, maadaama ay yihiin kuwii sababta u ahaa ee keenay dawladnimada iyo sidoo kale Golaha Guurtida oo bud-dhig u ahaa xasiloonida haatan Somaliland ku naaloonayso. 
Dhegeyste barnaamijka la socday oo Boorame ka hadlayay ayaa waydiiyay in khilaafka UDUB ka dhexjiraa wiiqi karo guul xisbigu ka gaadho doorashooyinka iyo inkale, waxa uu ku jawaabay Axmed Yuusuf Yaasiin, “Horta, annagu nin wal oo xisbiga ka cadhooda martiqaad waanu u geynay, imikana nin wal oo cadhoodaba ka hadhi mayno. 
Dee nin hadduu kelidii cadhooday isagay jirtaa, laakiin kollayba anagu horena ladqabo rag badan waanu ugu dirnay, imikana la dayn maayo oo UDUB cidna kama maaranto, ninka yidhaahda cid baan ka maarmayaana waa nin aan habeen jirin. Markaa kollay annagu waanu samayn doonaa, laakiin nin Shir ka kacay wuu Siigo yar yahay. Haddaba, annagoo Ilaahay la kaashanayna UDUB waxay haysato sannadkan inshaa Allaahu waa la arki doonaa.” 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: