Toggaherer’s Weblog

SHIR BALADHAN OO KULMIYE BIRMINGHAM, KUSOO DHAWEEYAY, MUSHARAX C/RAXMAAN SALYLICI

Posted on: February 16, 2009

SHIR BALADHAN OO KULMIYE BIRMINGHAM, KUSOO DHAWEEYAY, MUSHARAX C/RAXMAAN SALYLICI

SHIR BALADHAN OO KULMIYE BIRMINGHAM, KUSOO DHAWEEYAY, MUSHARAX C/RAXMAAN SALYLICI
Kulmiye wuu guleysanaya lakiin waxaa utala hawl culus,C/raxmaan Salylici.

Waxaa manta kadhacay magalada Birmingham, shirbaladhan oo lagusoo dhaweeyay Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaciil ( Saylici) oo baryahanba Socdaal kujoogay Waddanka Engiriiska. Shirkan oo ahaa mid siheer sara loo soo agaasimey waxaa soo qaban qabiyay tageerayasha Xisbiga Kulmiye, ee Gobolka West Midlands, wuxuuna shirkaasi kadhacay Hotelka Caanka ah ee Hilltop Ex Hilaac.

Ugu horeyn waxaa shirka lagufuray ayadaha Qur-anka kariimka yadoo Xidhii dhiyaha Shirku mudane Axmed Maxamed Xirsi ( Axmed Bidaar ) Kusoo dhaweeyay Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye ee Laanta Birmingham mudane C/khaalaq Maxamed Sh. Cismaan Nuur iyadoo Gudoomiyihii Magalada Birmingham mudane Cabdo Aye uu oo sabab Cafimaad dartii uga maqna Gobtaas. Gudoomiye kuxigeenku wuxuu ugu horeyn kusoo dhaweeyay Magalada Birmingham iyo Gobolka West Midland ba Musharx C/raxmaan Saylici, gudoomiye kuxigeenka Laantu waxa kaloo uu sheegay in Birmingham tahay laamaha ugu waaweyn ee Xisbiga tageera gacmo furana ay ku soo dhawaynayaan.
intaas kadib waxaa codbaahiyaha lagusoo dhaweeyay mudane C/raxmaan Cali Ubaxle, oo kamida mas uu liyiinta Xisbiga UDUB, oo isna kasoo qayb galay xafladaas, wuxuuna yidhi Birmingham hadanu nahay waxanu dadka usoo dhaweynaa Jaliyad ahaan Kusoo dhawoow C/raxmaan Saylici Magalada Birmingham, intaas kadib wuxuu Mr Ubaxle sheegay in UDUBtii shalay iyo UDUBta maantu anay isku mid ahayn, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi C/raxmaan hadaan illahay UDUB nas ukeenin sidani maha sidey ku guuleysanaysay, Isagoo ujeeda marorsigii kadhacay Shirweynihii UDUB iyo sida ragii UDUB gushii hore u horseedey looga talaabsadey.

Waxaa intaa kadib Hadalka lagu soo dhaweyay Cabdi Bacaw oo ah Gudoomiye Kuxigeenka Kulmiye Uk Cabdi bacaw oo Musharax C/raxmaan Saylici ayaa sheegay in sida loogu soo dhaweeyay Birmingham aytahay si aad uqiimo badan isagoo umahad naqey xubnihii soo qaban qaabiyay Shirkan baladhan. 
Waxaa iyana halkaas kahadlay Ali Xaamud Jibriil oo ah Xidhii dhiyaha Kulmiye Uk iyo Osaan Saciid Jamac oo kamida Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye kanamid ahaa waftigii lasocdey.
Ugu danbeyntii Waxa Codbahiyaha lagu soo dhaweeyay Mudane C/raxmaan C/laahi Saylici, Musharaxu wuxuu siqoto dheer ugahadlay arrimaha waddankii yaala, halkay xaladu mareyso iyo isbadalka barnamijka Xisbiga Kulmiye wado, isagoo arrimahas kahadlayana wuxuu yidhi Maanta doorashadii waxa kahadhay mudo gaaban Waxay komiishankii iyo Saddexda Xisbi Qaran isla garteen inay doorashadu wakhtigeedi ku dhacdo Kulmiye-na taas buu taaganyahay.

Kulmiye inuu guleysanayo Shaki kama taagna insha allah lakiin waxa weye Kulmiye shaqo badan baa utala, waxa uyala inu sameeyo isbadal dhaba, waxaa uyala inu dhamaan hayadaha Waddanka sida Baanka, Dekeda, Garoomada uu Madax baneeyo waxa uyaala inu shaqo abuur sameeyo, dalkana kadabar jarno Musuq Masuqa ayuu yidhi Mudane Saylici. Wuxuu kalo kahadlay in Kulmiye kudhisan yahay Qurba jooga mudadii Kulmiye jirayna wuxuu kusocdey Jeebka Qurba jooga, madama oo anay jirin misaaniyad kale oo soo gasha, mantana ay kacod sanayaan iney inta udanbeysa oo ah doarashadii ay siweyn dhaqaalaha ugu tageeran, Wuxuu ubalan qaadey Qurba jooga in Marka Kulmiye talada Waddanka kuguuleysto ay dadka Qurbajooga udiyarin doonan barnaamijyo ay kaga mar maan Qurbaha, isagoo lakaftamaya Qurba jooga wuxuu yiri Mudane Saylici meeshan Qurbaha sidii Xoola dhaqatadeeni ayaad Caruurta raacdan laakiin waxaan insha allah idiin hagaajin doonaa Waddankii hooyo oo halkan ka raaxo badan.

Gebogebadii wuxuu dadkii Xaflada kasoo qayb galay uga jawaabay Su-aalo badan oo halkaas laga weydiiyay kuna sab-sana Barnamijka Xisbiga Kulmiye, 

Iyo wuxuu badalayo, Waxa goobtas kusugna Saxafada qeybaheeda kaladuwan, Shirkan loma kala hadhin lagusoo dhawey nayay Musharax C/raxmaan Saylici. 

Wabilaahi towfiiq 
Muniir Ahmed Egal 

muniir10@gmail.com

Free journalist Birmingham,

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: