Toggaherer’s Weblog

MAXAMED DHEERE, XIL.MAXAMUD SAYID & SARKAL KA TIRSAN CIDANKA POLICEKA OO LAGU XIDHAY DALKA ETHIOPIA

Posted on: February 16, 2009

MAXAMED DHEERE, XIL.MAXAMUD SAYID & SARKAL KA TIRSAN CIDANKA POLICEKA OO LAGU XIDHAY DALKA ETHIOPIA

Xildhibaan ka tirsan dowladda KMG,gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed cumar Xabeeb Max’ed Dheere iyo sarkaal boliis ah ayaa ciidamada Ethiopia waxaa ay shalay ku xireen xabsi ku yaala degmada Doolow Ethiopia.

Taliyaha qeybta boliiska dowladda KMG soomaaliya ee gobolka Gedo oo ku sugan degmada Doolow Soomaaliya ayaa xalay idaacada Shabelle u xaqiijiyay in maalintii shalay aheeyd ciidamada Ethiopia degmada Doolow Ethiopia ay ku xireen Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan,gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed Dheere iyo sarkaal ka tirsan ciidamada boliiska dowladda KMG soomaaliya oo lagu magacaabo Xasan dhicisow.

Waxa uu sheegay taliyaha booliska gobolka Gedo Xasan Daahir Yarow (Xasan Dheere) in ragaasi la xiray xili ay isku dayayeen in wadanka Ethiopia ay galaan islamarkaana ay damacsanaayeen in ay kaga sii gudbaan wadanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Sarkaal ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay la soo xariireen masuuliyiintaasi xili ay ku sugnaayeen degmada Doolow,isagoo sheegay in waxii intaasi ka dambeeyay loo xaqiijiyay in ciidamada Ethiopia ay gacanta ku dhigeen islamarkaana xabsiyo kala duwan lagu xiray.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in ciidamada Ethiopia ay xiraan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’ed Cumar Xabeeb Max’ed dheere iyo xildhibaan Max’uud Sayid Aadan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: