Toggaherer’s Weblog

” HADII LA IGA GUULAYSTO DOORASHA SOO SOCOTA SI SHARAF LEH AYAN U GA DEGAYAA” RIYAALE

Posted on: February 16, 2009

” HADII LA IGA GUULAYSTO DOORASHA SOO SOCOTA SI SHARAF LEH AYAN U GA DEGAYAA” RIYAALE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Daahir Rayaalle Kaahin ayaa maanta Xadhiga ka jaray Dhismaha Warshad Cusub oo soo saari doonta Noocyada Sharaabka iyo Cabitaanada Qabaw, oo laga dhisay Aw-Barkhadle oo ka tirsan Deegaanka Hargeysa

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay , waxa ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Wasiiro, Xildhibaano Guurtida iyo Wakiilada ah oo uu ka mid yahay Xaaji Cabdi Waraabe, Dr. Axmed Xuseen Ciise, Abwaan Gaariye, Gudoomiyaha Aw-Barkhadle, Ganacsato iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne Rayaale oo rasmi ah xadhiga uga jaray warshadan, waxa uu ka waramay ahmiyadda ay xukuumadiisu siiso warshadaynta dalka iyo dhiiri gelinta ay u fidiso ganacsatada hirgelinaysa warshadaha. isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu Madaxweyne Rayaalle yidhi “Warshaduhu waxay bedelayaan dhaqan ah in dadku wax wada yeesho oo uu Saamiyo ka iibsado warshadaha kala duwan hantidoodana meelo badan kala gashado halkuu meel kaliya ku bixin jiray, waxa dhici jirtay in qofku inta uu meel kaliya lacagtiisa galiyo hadana uu markaba khasaar. Tani waxay horseedaysaa inuu qofku mustaqbalka fog ku talo galo oo uu ku xisaabtamo in shaqadiisu waligeedba noqoto mid sii socota.”.

“waxaan leeyahay dhalinyarada ganacsatada iyo odayaasha ah ee halkan fadhiya aad iyo aad baan idiinku amaanayaa”.ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa uu Madaxweynuhu sheegay in Khayraadka dabiiciga ah ee dalka gaar ahaan Macdanta iyo Badroolka oo dhawaan xukuumadu sahamin ku samaysay iyada oo kaashanaysa shirkad caalami 
ah oo laga leeyahay wadanka Norway ay soo bandhigi doonaan natiijada baadhitaankaasi bisha soo socota badhtankeeda, isaga oo rajo ka muujiyay arrintaasi.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Dahir Riyale Kahin ayaa sheegay in hadii laga adkaado doorashadan uu si sharaf leh u wareejin doono xilka madaweyne uu hayo iminka, madaxweyne Riyaale waxa uu ka sheegay hadalkaasi xaflad loosameeyey furitaanka warshad cusub oo soo saarta sharaabka iyo cunada fudud oo dhinaca bari kaga beegan magaalda Hargaysa . Madaxweyne Riyaale hadal uu ka jeediyey furitanka warshadaasi cusub waxa uu balan qaday in u si sharaf leh uu xilka u wareejin doono hadii lagaga guulaysto doorashoyinka so socda .

Waxa kale oo madaxweyne Riyaale balan qaday in ay doorashooyinka si nabad ah u dici doonto lakiin gobtaasi kumu cadayn in ay doorashu ku dhici doonto waqtigii hore loogu cayimay ee 29 -march ee sanadkan aynu ku jirno 2009 iyo wareegtada uu soo saranyo ee uu ku mudaynaayo xiliga doorashooyinka .
Madaxeyne Riyaale waxa uu hadalkiisa kaga waramay siyaasada xukuumadiisa ee dhinaca warshadaynta iyo kobcinta dhaqalaha dalka waxanuu wasiirka warshadaha ku war galiyey in uu golayaasha qaran ka hor keeno siyasada wasaarada warshadaha iyo barnaamij lagu kala hagayo warshadaynta si aanay isugu beegmin .

Madaxweyne Riyaale waxa kale oo uu munasabadasi in ay golaha qaranka sharci dajintu u soo jeediyey in ay si dhakhso ah u soo sameeyaan xeerka baananka gaarka loo leeyahay si ay muwadiniintu uga faaidaystaan .

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Mudane Xaaji Cabdi Waraabe, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay ““Waxaaanu u mahadnaqaynaaa Ilaahay , Ilaaha nagu simay inaynu warshado samaysano oo Awbarkhadle ka dhigano oo Hargaysa ka dhigano oo Burco ka dhigano oo Gobalda laga dhigo ,Ilaaha nabadgalyadaa na waafajiyay ayaanu uu mahad naqaynaa , waxaa kaloo mahad leh xukuumadda ku dadaashay in gacmaha la isqabsado oo ninkii wax keeni karayaaba wax keeno oo ninkii waxqaban karayaba gacan qabanaysa ,xukuumadda Daahir Rayaale madaxda ka yahay ayaaa mahad leh, waxaa mahad leh shacabka rag iyo dumar ciroole iyo caruur nabadgalyada ku dadaalaya ee intaa la gugu jinayee kolba meel laga soo galayee ee fidmada ilaalinayaa.
Wax dhici waayi maayaan, wixii dhacay inta aduunku dhisan yahay in loo wada gurmado oo si cad wax looga qabtaaba loo baahan yahay,aragaa anaga nagaga filan, waxaa loo baahan yahay bilays kuligeen inaynu wada noqonaa nabad galyadaa waa lagu soo duulaan dhexdeenaa rag walaaqayaa, dibadaa la inooga imanayaa, nabadgalyadaa hadaynaan ku dadaaliin nimcadaasi way inaga furfurmaysaa.Nabadgalyada ha la ilaaliyo ,xukumaddu waxay ku dhisantahay shicibka ,shicibku aad buu u wanaagsan yahay laakiin dadaal ha kordhiyo aqalada la kiraysanayo baabuurta la soo fuulayo baabuurta fidnada wadaa intuu hawd ka yimaadaabuu Barbara inoo dhafaa oo sidii wax waqooyi ka yimid iska dhigayaa wadada ha loo feejignaado.Xisbiyada waxaa loo samaynayayaa qabyalaada in lagaga baxaa hadii xisbiyadu qabyaalad ku dhaqaaqaan dee waxba wanaagsanaan maayaan , xisbiyadu qabyaalad yay ku hadlin ,xisbiyadu cay yay ku hadlin xisbiyadu yay fidno abuurine nabadgalyo ha abuuran.Waxaa la yidhi haday qaylo baxdo xagee loo caraaraa dee masaaajidka , dee masajidkiiba la isku dilayaayoo waad arkaysaa masaajidkii aw barkhadle ee la isku dilay.
Xaaji Cabdi Waraabe isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Guurtidii waa inay nabad galyadeedii ku ekaataa waxaan kaga baxayaa waar gobanimada aan wadaa ilaashano cidii ma lahee maanta nimcaadasaynu haysanaa nin madaxtinimo donayaa yuu wareer kicin doorashada hadii la kala helo hala isku haneeyoo waar shacbigu ha ka fagaado nin kursi ku dirirya oo agoomaha iyo naafada iyo dumarka iyo dadka jilicsan yaan laga dadiin alabada yare e ay uruursaden waaa yomiye kayd wayn ma lihiin macal banka kayd way malihiin yomiye weye way yomiyahaa ninka dhabqinayaa ha laga wadaa ilaliyo ha loo soo wada jeedpo yaan cid gooniya lagu halaayn ganacsatada warshadaha samaysaay wan uu mahad naqaynaa ilaahow ay ka faidaan oo anaay ku khasaarin”.
Xaajigu waxa kale oo uu intaasi ku sii daray oo uu yidhi “Xukumadda ku gacan qabatay ee uu hanaysayna waan uu mahad naqaynaa madaxwaynaha soo boqday ee u fadhiyaa Daahir Rayaale Kaahin ee Warshadii la furaba u taagan ee wanaaga u howshoonaya, nabadgelyada u wareegaya Ilaahay waxaanu ka baryeynaa inuu ku nageeyo himiladiisa mudada aanu cagaha dhigayno ku nagow insha alaah”.
Waxa kale oo halkaasi hadalo ka soo jeediyay Dr Axmed Xuseen Ciise, Gudoomiyaha Shirkadda Happy, Wasiirka Wershadaha Somaliland iyo Gudoomiyaha Aw-Barkhadle.

Waxa iyaguna munasabadaasi hadalo ka jeediyey masuliyiinta warshadaasi sharaabka kuwaasi oo ka waramay hererka ay soo martay hir galinta warshadan cusubi oo lagu magacabo Habi waxaanay shegeen in ay galiyeen lacag gaadhaysa 8 milyan oo doller.
Warshadan cusub aya soo saari doonta sharabka oo noocyo kala duwan ah iyo biyaha iyo cunooyin fudud . 

Warqabdka Togaherer 
Hargaysa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: