Toggaherer’s Weblog

WARARKII WARGAYSA OGAAL EE MAANTA OO AXAD AH 15/02/2009

Posted on: February 15, 2009

WARARKII WARGAYSA OGAAL EE MAANTA OO AXAD AH 15/02/2009
Guurtida: Weerarkii Shirguddoonka, Weedhihii qayaxnaa iyo Wadhidii Mooshin-wadayaasha
“Madaxtooyadu ha ku ekaato Xilkeeda oo ka Golahan iyo Sharci-dejinta ha dayso..ninkii wax ridayoow Saaka (shalay) ayaa la rabaa Mooshinkii ee keen, haddii kale ha la aamuso”
Saleebaan-gaal
“Waxan Golaha ku dhacay waxaan u arkayaa Aafo Samaawi ah in ay tahay oo ay Samada iyo Arligaba lagaga soo tuuray”
Guddoomiye-xigeenka koowaad ee Guurtida
“Qoladayada Mooshinka wadda Golahaanu dhaliilnay, Guurtiduna waajibkeedii way ka seexatay oo Shirguddoonkaa ugu madax ah”
Xil. Muxumed Aw-Axmed
Hargeysa (Ogaal)- Mooshin lagu doonayay in Xilka lagaga xayuubiyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa shalay dhicisoobay, isla markaana ay dib ula laabteen Mudanayaashiii waday. Iyada oo intii uu Fadhigaasi socday ay Xildhibaannadii Mooshinka waday iyo Shirguddoonku isku weerareen hadallo Siyaasadeed iyo weedho qeexan.
Muuqaalkii madasha:
Muuqaalka guud ee Xarunta Baarlamaanka ayaa ahaa mid gelitaankiisa la adkeeyay, iyada oo la arkayay Siyaasiyiin ka socday Xukuumadda, Xisbiyada iyo Baarlamaanka oo si kooxaysi iyo koox-koox ah u taagan meelo kala duwan oo gudaha Xayndaabka Baarlamaanka ah. Xukuumadda waxa ka socday oo Xarunta Baarlamaanka shalay ku sugnaa Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdi Xasan Buuni iyo Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cali Cilmi Geelle. Halka Xisbiga Kulmiye-na ay ka socdeen Xubno ka tirsan Golaha dhexe. Waxa kale oo Fadhigaa ku dhammaa badi Xildhibaannada Golaha Wakiillada oo qaybta martida ee Hoolka Shirarka Guurtida ku wehelinayay Wasiirada Xukuumadda ka socday iyo marti-sharaf kale. Dadweyne si adag uga gudbay Ilaalada Albaabka hore ee Xarunta oo ay weheliyaan ash-khaas kale oo Shaqaale-hoosaadka Baarlamaanku ka mid yihiin, ayaa si is-cidhiidhsi ah meel adibedda ah Daaqadaha Hoolka Shirku ka socday uga soo daalacanayay waxa ka dhacaya gudaha Hoolka. Iyaga oo qaarkood aanay toos u arkaynin, balse ay himbiriirsi ku ahayd aragtidu, marka la eego Cadceedda oo kululayd iyo gudaha oo madow ahaa iftiinka badan ee dibedda awgeed.
Jewigii bilowga Fadhiga:
Muddo markii la sugayay Xildhibaannada qaarkood iyo Shirguddoonka oo markii dambe iyana yimi, waxa la gudo-galay tirinta Mudanayaasha Fadhiga goob-joogga ka ahaa. “Guddoomiye waxa fadhiya 50-Xildhibaan.” Sidaa waxa cod dallacan oo tiigsi ah Shirguddoonka ugu gudbiyay tirada Xildhibaannada, mid ka mid ah Xoghayayaasha Golaha Guurtida. Hase ahaatee, waxa markiiba bilaabmay guux, buuq iyo sawaxan u muuqday in Mudanayaal koobani kaga horjeedeen tirinta Mudanayaasha. “Tirada la tirinayaa Mudanayaasha maaha Cod baa la qaadayaa, balse waa inta Kooramka fadhiga joogta. 
Codka maxaa loo qaadayaa ee yaala? Markaa horta yaan qalad la kala fahmine, inoo dejiya oo Fadhiguna wuu inoo furmayaa oo Guddoomiyaha ayaa inoo furaya.” Sidaa waxa ku dhawaaqay guddoomiy-xigeenka labaad ee Guurtida Siciid Jaamac oo isku dayayay in uu suuliyo buuqa dhashay. Balse hadalkaasi ma hakinin sawaxankii, iyada oo Xil. Axmed Muuse Obsiiye oo Golaha ka tirsani dhawaaq dheer oo uu kaga hor jeedo Guddoomiyaha Guurtida isla taagay.
“Waar cid ku ridaysaa ma jirto.” Ayuu yidhi. Intaa ka dib waxay Xildhibaanka iyo Guddoomiyuhu is-weydaarsadeen hadallo kulul. “Waar Aamus Axmedoow oo Goluhu ha kaa shaqeeyo. Kow aamus, laba aamus, saddex aamus, waar ka bax Golaha.” Ayuu si cadho xooggani ka muuqato u yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud. “Ka bixi mayno ee Adigu kala dhex bax Golaha waxan aad waddo.” Ayuu Xil. Axmed Muuse Obsiiye ugu jawaabay Guddooomiyaha.
Gudo-galkii Fadhiga:
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Mikirifoonka ku dhaweeyay ku-xigeenkiisa koowaad Sh. Axmed Nuur Furre oo marxaladdii uu Goluhu ku jiray waqtigaa ku suureeyay mid u eg in cid lagu dooranayo ama cid lagu ridayo. Waxaanu arrintaas ku sababeeyay waxyaabo lagu faafiyay Suuqa, isla markaana lagaga hadlay Masaajidada oo ahaa in Guurtidu is-haysato. 
“Waxaas oo aan leeyahay waxa u sabab ah Guurtida oo iyada oo aan Golaheeda joogin dibedaha lagula shiray, ciddii doontaaba ha kula shirtee.” Ayuu yidhi Guddoomiye-xigeenka koowaad ee guurtidu. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “ Waxaan markaa leeyahay Golahani muddo farabadan ayuu soo shaqaynayay oo maraaxilo fara badan ayuu soo maray, waa halkii laga bakhtiinayay Dabka kolba meesha Jamhuuriyadda (Somaliland) wax ka dhacaan ee Dab baa ka baxaya la yidhaahdo. 
Laakiin, maaha halkii dabka laga shidayay halkani (Golaha Guurtidu), balse waa wax yaab leh oo waa nasiib-darro. Waxaan leeyahay Golahani Ninka maanta wax uun kala garanaya ee maanta ku soo gaadhay aad iyo aad ayuu uga murugaysan yahay, wuxuu u murugaysan yahay, maxaa Golihii sida aad ogtahay ahaa sidan ka dhigay? Waxa weeye, waar Goluhu hadduu tashado ama wax xun ha ku tashado ama wax wanaagsan ha ku tashadee oo uu dhexdiisa is-qabsado waxba maaha oo waa Raganimo. Laakiin, haddii dibedda, wuxuu yidhaahdaa Kitaabku Aafo Samaawi ah. 
Anigu maanta waxan Golaha ku dhacay waxaan u arkayaa Aafo Samaawi ah in ay tahay oo ay Samada iyo Arligaba lagaga soo tuuray oo waa Aafo, Aafo weeye Allahaa inaga qaboojiyee. Uma jeedno oo Aniga iyo Shirguddoonkuba uma jeedno in aanu Golaha khilaaf iyo qaylo u horseedno oo aanu kicino haddii aanu hadlayno iyo haddii aanu fadhinaba, waxaanu u jeednaa in aanu Golaha dejino oo si wanaagsan loo hoggaamiyo oo wixii cabasho ah la saxo. Laakiin waxa weeye, dee hoggaamintii baanu nahayoo haddii aanu aragno Golahayagii oo si ah, in aanu wax idin waydiinaa oo aanu nidhaahnaa waar maxaa inagu dhacay, miyaanay waajib ahayn? horta waxaanu idin leenahay waa intaas uun. 
Waar nimanyahow waxa weeye, Muslixiin baynu ahayn ee mufsidiin maynu ahayn. muslix waxa la yidhaahdaa waxa wax islaaxinaya..Waar wixii la garan waayo in Golaha oo la fadhiyo la saxo weeye oo lagu saxo. Imikana waxaynu ku jirnaa sixiddii, kuma jirno kanley iyo keerley iyo qiila wa qaala iyo sidoo kale kumaa wax I yidhi iyo kumaan I odhan. Waxa weeye, Goluhu ha isa saxo oo hays waraysto oo ha dego oo Shaydaanka hayska naaro.”
Markuu hadalkii halkaa marinayo Sh. Axmed Nuux Furreh, ayuu Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye halkaa ka soo jeediyay hadal keenay in uu Guddoomiye Saleebaan Maxamuud hadlo. ”Waayahaye idinkuna iska naara, waanu iska naaraynaaye.” Ayuu yidhi Xil. Axmed. Sh. Axmed Nuux Furre ayaa isna ugu jawabay, “Waanu iska naaraynaa, Acuudu billaahi Mina Shaydaani Rajiim…” intii aanu hadalka dhammayn, ayuu Guddoomiyaha Guurtidu si cadho leh ugu dhawaaqay, “Sug Sh. Axmedoow (Guddoomiyaha) Xildhibaan Goluhu wuu kaa shaqayn la’ yahay ee dhaaf Golaha oo ka bax.”
Sh. Axmed Nuux Fure ayaa sii watay hadalkiisa, waxaanu shaaca ka qaaday in Shirguddoon ahaan ay la safan yihiin, lana jiraan Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud. Isaga oo soo jeediyay in la saxo Golaha dhexdiisa, hadalladaas oo uu ku kasbaday Sacab ay tumayeen badi Xildhibaannadu.
“Waxa weeye, waa iga waano Goluhu ha isa-saxo oo haddii uu dhalliilo isu hayo isagu ha isa saxo oo ha laga daayo. Waxaanan idiin sheegayaa waxba kala qarsan maynee, Shirguddoonkaa la ridayaa, hayaay!, haddana maya oo Shirguddoonka ma wada ahee Saleebaan oo qudha ayaa la ridayaa. Maxaa laga kala waxaysanayaa, haddaad doontaan oo aad garan waydaan si wanaagsan u rida Shirguddoonka oo aan nacasnimo ahayn oo aan xag-xagasho ahayn. Shirguddoonkana wada rida, maxaad shaqsi kaliya ku falaysaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waxaan idiin sheegayaa Shacabkuna ha ina maqlee, waar nimanyahow Golahayagan balaayo kuma jirtee, ballaayo dibedahaa laga wad-waday baa dee malaha ayaa yar furnaatay, waxaananu idiin sheegaynaa waanu saxaynaa oo Golaha waa la saxayaa.”
Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan oo u muuqday nin cadho badani ka muuqatay, isla markaana mararka qaarkood Wejigiisa ka muuqatay gariir uu ku lammaan yahay dhawaaq dheer oo la dheehan karayay in cadho ka keentay, ayaa sheegay in arrinta qaddiyadda muranka ka dhex aloosan Guurtida lagaga hadlay Khudbaddii Jicmaha ee dorraad. “Muddo hadda toddobaad iyo in ka badan dalka xiiso ayaa la geliyay, xiisahaasina wuxuu keenay is-qab-qabsi iyo xasillooni-darro. 
Meel aan dalka laga soo buuqayn dalkani ma jirto, shalayto (Jimcihii) ma ogi in Masaajidada kale laga akhriyaye, Anigu Masaajidkii aan joogay waa laga akhriyay oo waxa la yidhi, Golaha Guurtidu Shirguddoonkuu ridayaa ama iyagiibaa is-haysta. Waxaana Masaajidkaa aan joogay lagaga bilaabay, Xadiiskii Nebiga ee ahaa, (Kullikum raaci, wa kullikum mas’uul can raaciyatihi). 
Malaha 20-Minit ayuu Sheekhu ku jiray oo markii uu taa dhammeeyay ayuu teenii u soo jeestay. Meel kasta waxa maraysa in Inqilaab la dhigayaa, balse dhinac dhigaya Anigu war uma hayo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.
Guddoomiyuhu wuxuu eed dusha u saaray Xubno Xildhibaanno ah oo uu sheegay in tiradoodu 5-xubnood yihiin, kuwaas oo uu ku eedeeyay in Mooshinkan ay u adeegsadeen Cismaan Aw-Maxamuud (Buur-madow), isla markaana ay xasillooni-darro dalka ka abuureen. “Waxaan leeyahay, xasillooni-darri baa Dalkan la gashay, waa inay dantaa. Qoladii (Kooxdii) abuurtay waa Qolo (Koox) yar oo aan 5-qof ka badnayn oo Golahan fadhiya ayaa abuuray, runtaa sidaas ah oo iyagaa meel walba la tegay. 
Iyagaa Buur-madow (Cismaan Aw-Maxamuud Buur-madow) u adeegsaday.” Ayuu yidhi Guddoomiyuhu. Markii uu hadalka halkaa marinayay, balse aanay wali kala caddayn Xubnaha rasmi ahaan u wada Mooshinka oo markii hore u muuqday mid qofba-qofka kale ku riixayo, xildhibaannada qaarkoodna ay ku andacoodeenba in aanu jirin Mooshinkaasi, ayuu Saleebaan-Gaal ka dalbaday Golaha in ay kacaan Xildhibaannada Mooshinkaa waday oo ay soo bandhigaan. 
“Haddaba waxaan leeyahay, Xildhibaanno ciddii Mooshinkaa wadday wax-rididda, ha kacdo oo ha sheegto oo Mooshinkii ha la keeno, Goluhu u diyaar weeye oo waa laga wada-hadlayaa.” Ayuu yidhi Saleebaan. Halkaaa markuu marinayo, ayuu kacay Xil. Muxumed Aw-Axmed, waxaanu si dhiirannaan iyo kalsooni ka muuqato u sheegay in uu ka mid yahay Xildhibaannada Mooshinka, isaga oo sababeeyay waxa kalliftay in ay Mooshinka dhicisoobay soo maleegaan. 
Isaga oo difaacay in meel dibedda ka ah Golaha Guurtida laga soo abaabulay Mooshinka. “Goluhu waa Golihii Guurtida, waa Golihii dhaqanka, mana fiicana in qayladiisu kor u kacdo oo xumaan lagaga dhex shaqeeyo, in la kala qayb-qaybiyo, waa Golihii waa wanaagga ka shaqaynayay sidii Sh. Axmed (Guddoomiye-xigeenka) u yidhi. Waxaanan ka mid ahay Odayaashii ugu waawaynaa ee in ay wanaagga habeen iyo maalinba ka shaqeeyaan ay waajibka ku ahayd, markaa Goluhu wuu is-dhaliili karaa, Shirguddoonkuna wuu is-dhaliili kara. 
Dee in laga wada-hadlo oo laga heshiiyo, isla markaana Mooshin la keeno, isbedelkuna waa wax furan oo wax Dunida ka xidhan maaha. Hay’ad kale oo Golahan ku shaqo leh oo soo faro-gelin kartaana ma jirto ee Goluhu hawshiisa isagaa leh, hadduu cid bedelayo, hadduu cid hagaajinayo, hadduu cid xumaynayo intaba isagaa iska leh, Ninkii cid kale ku laa-laalayaa isagay jirtaa. 
Markaa qoladayada hawshaa (Mooshinka) wadda ee aan ka midka ahay Golahaanu dhaliilnay oo shaqadiisii gabay oo wax Alla wax shaqo ah oo ka socda ayaan jirin, Guurtiduna waajibkeedii way ka seexatay oo Shirguddoonka ayaa ugu madax ah. markaa arrintayada waanu ka wada-hadlaynaa, wixii waajib ahna waanu keenaynaa ee hadalku halkaa ha ku dhammaado. Anagaana hawshayada qabsanayna haddii aanu Golahayaga nahay, ciddii kale ee aan Golaha ahaynina danteeda ha qabsato, Mooshinkana Anagaa keenayna.” Ayuu yidhi Muxumed Aw-Axmed.
Guddoomiyaha Guurtida oo u muuqday mid intii hadalka Xil. Muxumed Aw-Axmed ka dambaysay hadallada kaga dhiiran sidii hore, ayaa si qaxayan ugu eedeeyay Xil. Muxumed Aw-Axmed iyo Mudanayaal uu sheegay in uu hoggaaminayay oo Mooshinka ku weheliya in ay toos ugu xidhan yihiin Madaxtooyada, balse aanu Mooshinku ahayn mid ay iyagu keeneen ee loo adeegsanayo. Isla markaana ay caqabad ku yihiin Maamulka Golaha iyo dalkaba, waa sida uu eedaynta u dhigaye.
“Horta mudanuhu wuu mahadsan yahay oo in uu hawsha waday oo uu hoggaaminayay wuu mahadsan yahay. Waxaan leeyahay, wax laysula hadhayaa ma jirtee Mooshinkii maanta (shalay) ha la soo dhigo, hadda ha la soo dhigo. Waxase aan Shirka iyo Golaha u sheegayaa, maaha markii ugu horraysay oo maaha markii labaad ee 14-cisho lagama joogo markii sidaa Muxumed sheegay arrintan loo soo taltallaabsanayay ee la lahaa Xeerkaa wax laga bedelayaa. 
Xeerka wax laga bedelayay waxa weeye, intii wax lagu ridayay ayaa tirada hoos loo dhigayaa, waynu ka gudubnay oo waxaynu moodaynay in ay dhammaatay. Waxaynu nidhi, Guddida joogta ahi labada Kalfadhi dhexdooda ha soo dhammayso iyada oo diyaarsan, maalintii horena sidaa maanta aanay waxba diyaar ugu ahayn ayaanay waxba diyaar ugu ahayn oo maantana waa la mid. Golahan la walaaqi maayo, haddii wax la ridi waayay oo sidii Xoorkii qafaska dabada la galay ee yidhi wallee lama lado, waar Goluhu wuu ladayaa. Waxaan leeyahay, shantaa aan sheegay ee Muxumed (Xil. Muxumed Aw-Axmed) kow ka yahay ee uu hoggaaminayo ee laga wadi kari la’yahay Golihii, lagana wadi kari la’yahay Maamulkii dalka, intaas ayaynu labadii toddobaad ee u dambeeyay ku wada mashquulnay, waa saddexda Gole ee Dastuuriga ah ee Axsaabta, Dadweyne iyo Wax-garadkii. 
Wallaahi waa iga dhab, Doorashaynu galaynay, Diiwaangelin baynu galaynay oo khilaaf ka jiray, waxa laynagu mashquuliyay waxbaa la ridayaa. Haddaba, ninkii wax ridayoow Saaka (shalay) ayaa la rabaa Mooshinkii ee keen, haddii kale ha la aamuso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaan uga gudbayaa Shantaa qof (Xildhibaan) ee aan sheegay iyaga kama yimaaddo (Mooshinku) ee waa dhaqdhaqaajiyayaal iyo fuliyayaal, Golaha halkan looga taliyo, Shantaasi Madaxtooyada iyo halkan ayay u kala dab qaadaan. 
Waqtiga ay Madaxtooyada ag-meer-meerkeeda ku qasiraan iyo waqtiga ay Golaha ku qasiraan, wallaahi waxa badan intay xaggaa (Madaxtooyada) ku qasiraan. Haddaba waxa weeye, Golahan in Madaxtooyada looga taliyo ayaa la damcay oo ay wadaan Xildhibaannadani. “
Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka hor intii aanu soo gebogebayn Fadhiga, waxa uu Madaxtooyada ku eedeeyay in ay farogelin ku hayso Golaha Guurtida iyo guud ahaan Golayaasha Sharci-dejintaba. Waxaanu ugu baaqay in ay XIlkooda qabsadaan. “Waxaanu leenahay, laba Gole ayaa la kala yahay oo mid waliba Xil gaar ah ayuu leeyahay ee Madaxtooyadu xilkeeda ha ka soo baxdo, Inaguna Xilkeena aynu ka soo baxno. Madaxtooyadu ha ku ekaato Xilkeeda oo ka Golahan iyo Sharci-dejinta ha dayso…Shirkuna waa xidhan yahay.” Ayuu yidhi Saleebaan. Xidhitaanka Shirka ayaa keenay sawaxan kale oo hor leh, maadaama Xildhibaanada qaarkood ay doonayeen in ay hadlaan. Iyada oo Dadweyne taageersan Guddoomiyaha Guurtidu ay is-tubeen, isla markaana buuxiyeen Jidka hormara Baarlamaanka, iyaga oo muujinayay taageerada ay u hayaan Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud.

Hargeysa: Ciidamada Booliska oo xalay fiidkii toogtay Nin dhalinyaro ah
Hargeysa (Ogaal)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la sheegay in ay Xalay qof rayid ah ku toogteen Xaafadda Badh-ka ee Magaalada Hargeysa, halkaas oo la sheegay in ay ku gaadhsiiyeen dhaawacyo kala duwan.
Sida uu sheegay Xildhibaan Dr. Cali Yuusuf Axmed oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo xalay Xafiiska Ogaal nagu soo booqday, ayaa sheegay in Nin lagu magacaabo Aadan Shabeel Xuseen oo da’diisu tahay soddomeeyo jir uu dhaawac ka soo gaadhay Rasaas ay Ciidamada Boolisku ku fureen. “Caawa (xalay) waxa dhacday in abbaaro 10:30-kii ilaa 10:45 Xaafadda Badhka ay Nin Baabuur wata ay Askari meel madow kaga soo baxday, dabadeed iyaga oo aan digniin siinin ay Rasaas ku fureen. Dhawr Xabbadood ayaa ku dhacay, waa laysoo ogaysiiyay, Cusbataalka guud ayuu ku jiraa oo aanu geynay.” Ayuu yidhi XIl. Cali Yuusuf Axmed. Waxaanu Madaxda Dawladda ugu baaqay in ay arrintaa wax ka qabtaan. “Aad iyo aad ayaanu uga xunnahay, waxaanan Madaxda Qaranka, haddii ay yihiin Madaxweyne Rayaale iyo Booliskaba waxa loo baahan yahay in ay arrintan iyo kuwa la midka ah wax ka qabtaan. Haddii kale, waxa loo arkayaa in ay Xukuumadda iyo Dawladdu raalli ka yihiin ficillada noocan ah ee dhacaya.” Ayuu yidhi Xil. Cali Yuusuf. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Booliskii iyo C.I.D-dii way yimaadeen ee waa dhaawac ee Ilaahay Nabar gardarro ha uga dhigo.”
Xil. Cali Yuusuf wuxuu sheegay in maadaama dhacdadu xalay uun dhacday aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday. “Nin heeganka haystay wuu yimi, Booliskuna way yimaadeen, waxba wali lagama qaban ee waynu arki doonaa in wax laga qabto iyo in aan waxba laga qaban oo halkii kuwii hore ay marto.” Ayuu yidhi Xildhibaanku.
Dhinaca kale, Xildhibaan Cali Yuusuf wuxuu ugu baaqay Eheleda, qaraabada iyo guud ahaan umadda Somaliland wuxuu ugu baaqay in Amniga la ilaaliyo, isla markaana laga war sugo tallaabada ay Xukuumaddu ka qaaddo arrintan oo aan laga hor degdegin. “Waxaan soo jeedinayaa in Shacab iyo Boolisba Amniga la ilaaliyo, dadka uu Inanku ka dhashayna waxaan u soo jeedinayaa oo aan kula talinayaa in aanay ku kicin wax tallaabo amni-darro keenaya oo ay ka dhursugaan bal Xukuumaddu tallaabada ay ka qaaddo saddexda qof (Ciidanka) ee Rasaasta ku riday, haddii Dawladdu wax ka qabato waynu arki doonaa, haddii kalena waa laga tashan doonaa.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cali Yuusuf.
Geesta kale, mar aanu xalay la xidhiidhnay Masuuliyiinta Ciidamada Amniga Somaliland si aanu arrintan wax uga waydiino ayaanay noo soo suurtogelin.
Guddoomiyaha Guurtida oo ka hadlay Doorashooyinka iyo xaaladda hadda ka taagan
“Waa Xil-gudasho-la’aan oo wax la kordhinayaa ma jiraan ee Doorashadu waqtigeeday ku dhacaysaa”

Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay inay Komishanka doorashooyinka ka sugayaan inay Madaxweynaha u gudbiyaan maalinta la qabanayo doorashada Madaxtooyada, si uu rasmi ahaan wareegto ugu soosaaro.
Guddoomiyaha oo xalay khadka telefoonka ugu waramay Wargeyska Ogaal, waxa uu sheegay in ka dib markii ay arrintaas kala xidhiidheen Komishanka qaranku ku wargeliyeen inay weli ku hawlan yihiin furdaaminta caqabado farsamo. “Doorashada waqti baa u qorshaysan, waqtigaas u qorshaysana cid ilaa imika tidhi dhici mayso doorashadu xilligaa ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Kulmiye oo aanu waydiinay waqtiga kooban ee doorashada ka hadhay iyo sababaha ilaa hadda hortaagan in Komishanku Madaxweynaha u gudbiyo cayimida maalinta doorashada. Wuxuuna intaa ku daray oo ka sii hadlaya su’aal laga waydiiyay isla mawduucan, “Komishankaa u qoraya Madaxweynaha waqtiga doorashada, marka ay u qoraana….Taana ilaa imika arrimo farsamo oo fara badan baa dib u dhigay oo in la dhamaystiro loo baahanyahay, waxayna na yidhaahdeen arrimahaas baanu ku hawlanahay oo dhamaystiraynaa, taas baanay Komishanku taagan yihiin oo mawqifkoodu yahay….Hawshan fulinteeda cid bay masuuliyadi ka saaran tahay oo ah dawladda. 
Markaa markay wax rasmi ahi soo baxaan ee Komishanku mawqif cad istaagaan, dawladduna wixii loo baahnaa bixiso ama cadayso in aanay bixinayn, annagu inta ka horaysa mawqif cad baanu taaganahay oo doorashada ayaanu diyaar u nahay.” Waxa uu sheegay in caqabadahaa ay ka mid tahay dhaqaalaha lagu fulinayo hawsha oo aan soo wada gaadhin gacanta Komishanka doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay in masuuliyiin ka socda Deeqbixiyeyaasha Somaliland ka caawiya geedi-socodka Dimoqraadiyadu dhawaan dalka iman doonaan. Sidaa darteed, mar haddii uu Guddoomiye Siilaanyo soo qaaday in caqabadaha Komishanka horyaala ay ka mid tahay dhinaca dhaqaaluhu, waxaanu waydiinay in arrintaasi caqabad ku noqon karto hirgelida doorashada, maadaama aanay qaybtii dhaqaale ee Xukuumadda laga sugayay Komishanka gaadhin waxaanu ku jawaabay, “Caqabad wayn bay ku noqonaysaa oo maynaan arag inagu wax ay tidhi dawladdu waanu u qorshaynay, maamulkan maanta jiraana waa maamul ku meel-gaadh ah oo waqtigiisii mar hore dhamaaday, waqtigii lagu heshiiyay doorashadana waa la ogaayoo muddo ka hor (29 March 2009) baa lagu heshiiyay. Markaa xilkii Komishanka iyo maamulka jiraanu ka sugaynaa annagu.”
Waxa la filayay in shalay Golaha Guurtida la soo dhigo mooshin la xidhiidha xil-ka-qaadista Guddoomiyaha, kaasoo sida la sheegay Madaxtooyadu dabada ka riixaysay, balse baaqday ka dib markii Mudaneyaashu u bateen taageerada dhinaca Saleebaan Maxamuud Aadan. Isla markaana waxa jiray dhawaaqyo ka soo yeedhay xisbiga Kulmiye iyo dhinacyo kale oo si adag u cambaareeyay hawlgalkaas ka dhex aloosnaa Guurtida. 
Sidaa aawadeed, waxaanu Guddoomiyaha Kulmiye waydiinay siday u arkaan jewigii uu ku dhamaaday fadhigii shalay ee aqalka Odayaasha Somaliland, waxaanu ku jawaabay “Anagu aragtida aanu aaminsanahay waxa weeye; in maamulka maanta jiraa sidii looga bartay afka waxay doonaan haka yidhaahdeene, guntooda iyo dhabtoodu ay tahay inay ka warwareegayaan in doorasho dhacdo, iyagoo ogsoon in aanay shacbiga wax kalsooni ah ku lahayn, doorashadana rajo ay ka qabaan aanay jirin, sidaa daraadeedna ay u weel samaysanayaan laba arrimood, kuwaasoo ah in doorashadu dib u dhacdo iyo in Guurtidu u kordhiso. Markaa labadaa arrimood wax maanta qaranka iyo umaddu aqbalayaan aanay ahayn. Sidaa daraadeed, waxay u arkeen sida muuqata in hogaanka (Guurtida) iyo qaybo badan oo ka mid ahi carqalad ku yihiin qorshayeyaasha ay leeyihiin, taasna ay u dhaqdhaqaajiyeen Guurtida qaybo ka mid ah si ay ugu diyaar garoobaan inay himilooyinka gaadhaan, taasoo lagu fahmay, shacbigu ku fahmay, Guurtiduna ku fahamtay gaar ahaan hogaanka Guurtidu si wacan u fahmay, isla markaana carqaladaasi maanta umaddu dareenkeedii dhabta ahaa ka muujisay. Taasi waxay noqotay guuldaro ay ka gaadheen qorshayaashii ay la lahaayeen, aragtida aan ka qabaana waa taas.” 
Axmed-Siilaanyo oo la sii waydiiyay talaabada laga filan karo Madaxweyne Rayaale iyo inuu aaminsan yahay inuu u hogaansamayo taageerada siyaasaddeed ee Saleebaan Maxamuud Aadan ka helay Golaha Guurtida, waxa uu si kooban u yidhi; “Waa khasab inuu u hogaansamo. Muxuu samaynayaa haddii aanu u hogaansamayn.?” 
Saleebaan Maxamuud Aadan – Guddoomiyaha Guurtida
“Berri (maanta) ayay ku eg tahay 45-ka maalmood, waa in Doorashadii lagu dhawaaqaa”
Hargeysa (Ogaal)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland, isaga oo xil-gudasho-la’aan ku tilmaamay muddo-kordhin uu Golaha uu guddoomiyaha ka yahay ee Guurtidu hore ugu sameeyay Madaxweyne Rayaale iyo Xukuumaddiisa. Waxaanu eedayn u jeediyay Komishanka, isaga oo ku baaqay in la taageero Komishanka si Doorashooyinku ay u qabsoomaan waqtiga loogu talo-galay.
Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo shalay ka hadlay Fadhi ay yeesheen Golaha Guurtidu oo lagu doonayay in Mooshin uu guddoomiyuhu ku sheegay in ay ka dambayso Madaxtoodu Xilka lagaga qaado isaga, ayaa ku dheeraaday Doorashooyinka Madaxtooyada Somaliland, isla markaana ku baaqay in si Doorashadu aanay dib ugu dhicin uu Madaxweynuhu Digreeto ku magacaabaa maalinta qabsoomidda Doorashooyinka. 
“Waxaan leeyahay hawlo badan baa Madaxtooyada u yaala, meeday Doorashadii, meeday Diiwaangelintii, ha lagu mashquulo. Waxaan filayaa Doorashadii 29-ka bisha soo socota ayaa loo bedelay, 45-cisho ka horna waa in lagu dhawaaqaa maalinta ay dhacayso (Doorashadu) oo Digreeto Madaxweyne ku soo baxdaa, waa in ay qabsoontaa Doorashadu oo ay ku dhacdaa waqtigeedii, daba leex-leexin uma baahna. Waxaan qabaa berri (maanta) ayay ku eg tahay 45-ka maalmood, waa in ay soo baxdaa oo Doorashadii lagu dhawaaqaa.” Ayuu yidhi.
Guddoomiyaha oo shalay la soo baxay hadallo qayaxan iyo duur-xul Siyaasadeed oo aan looga baran, isla markaana u muuqday Nin Weedhihiisa la doonaya inuu Madaxtooyada iyo Xukuumaddaba gaadhsiiyo farriin u ekayd inuu ugu gudbinayo in aanay ku talo-gelin in Golaha looga soo dhaweeyo muddo-kordhin kasta oo ay Xukuumaddu doonayso, haddiiba ay rabto, taas oo muuqeeda lahayd farriin uu Xukuumadda ugu sheegayay in aanay filin in ay maraan JId ay hore u mareen oo ah muddo-kordhin ay horkacaan Guurtidu, ayaa nasiib-darro iyo wax laga murugoodo ku tilmaamay muddo-kordhinihii hore Guurtidu ugu sameeyeen Xukuumadda. 
“Laba jeer oo hore ayuu Golahani (Golaha Guurtidu) kordhiyay oo min sannad ah. Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka min Shan sanno ayaa la doortay, todoba ayay maraysaa oo waa kii saddexaad ka la meer-meerinayaa. Waa Xil-gudasho-la’aan oo wax la kordhinayaana ma jiraan ee Doorashadu waqtigeedii ayay ku dhacaysaa. Haddii ay ku dhici waydo, Inagu ma lihin maalintay dhacayso, Inagu ku-dhawaaqeeda ma lihin, nabadgelyadeeda ma lihin, waxaynu leenahay ficil-ka-qaadasho oo waynu sugaynaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu.
Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu eedayn u jeediyay Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo uu sheegay in ay hawshoodii gabeen, waxaanu ugu baaqay in ay Madaxweynaha u gudbiyaan maalinta la qabanayo Doorashada, taas oo uu Madaxweynahana ugu baaqay in uu Digreeto ku soo saaro. “Madaxtooyada waa lala wadaagaa oo Hay’adda soo jeedisa ee tidhaahda maalintaas ayaanu Doorashada qabanaynaa waa Komishanka, ma garanayo Komishanow wax idin haysta ee gooya Doorashada maalinteeda oo Madaxweynaha u gudbiya, dee isaguna ha ku dhawaaqo. Inta ka horraysa idinkaa ka masuul ah.” ayuu yidhi Saleebaan-Gaal.
Guddoomiyaha Guurtidu Axsaabta dalka qaarkood ayuu ku tilmaamay in ay doonayaan in Doorashadu dib u dhacdo, waxaanu eedda u culus u jeediyay Hay’adda Interpeace oo uu ku dhaliilay in ay gashay wax aanay shaqo ku lahayn.
“Komishanka laftiisa waa la dhaleeceeyay oo waa la dhaliilay oo Xisbiyada qaar waxay yidhaahdeen Kalsooni kuma qabno, canaan baa ku dhacday Madaxweyne. Qolooyin baa leh lalama shaqayn karo (Komishanka) iyo waxba ma qaban karaan. Qofka sidaa yidhi, waa cid doonaysa in ay Doorashadu dib u dhacdo, waxaana ugu horraysa Hay’adda Interpeace. Xaggay ka socotaa, goormay ina qabsatay Interpeace? Waa Shirkad. Waxaan Madaxda Komishanka ku dhaliilayaa, Nimankii (Komishankii) hore way ka adkaayeen oo iyagaa loo shaqayn jiray, ma iyagaa u shaqeeya Interpeace. Hay’adihii Deeqda ina siin jiray ee 12-ka Milyan ku qasiray Diiwaangelinta, nushuush bay geliyeen oo waxay yidhaahdeen, Doorashada kama adka Komishanku.” Ayuu yidhi Saleebaan Maxamuud. 
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu leenahay, Komishanku wuu qaban karaa Doorasho Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen, waxayse u baahan yihiin Kalsoonideena inay helaan ee aynu Kalsoonideena siino. Guurtiyeey laba Xubnood ayaynu ku lahayn Komishanka oo soo magacaaba ayaa la yidhi, labadeenii Xubnood waxay meertaysanayeen ilaa intii kuwa kale la keenay sanad baan filayaa. 
Hawshii Komishanku qaban lahaa oo dhan baa dib u dhacday, maanta haddii la yidhaahdo Komishanka ha la bedelo Doorasho la qaban maayo weeye. Ninka leh laba ayaan bedelayaa waa Beentii, soo sideenii is-qab-qabsan mayno. Kuwaasaa dani inagu haysaa ee aynu gacan siino, iyaguna Khilaafaadkooda ha daayaan oo hawshan ha inoo qabtaan Qaranku xaq buu inoogu leeyahaye.”
Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu cabasho ka muujiyay Ciidan uu sheegay in ay khaatiyaan ka joogaan Askar iyo Ciidan. “Meel walba Askar baanu khaatiyaan ka joogaa, xalay (Habeen hore) Baabuur aanu wadanay waa la qabsaday, wax lagu qabsadayna ma jirto. Ninka jooga Saldhigga dhexe (Hargeysa) ayaa yidhi ha la xidho (Gaadhiga), dabadeed markii aanu waydiinay wuxuu nagu yidhi Wasiir-ku-xigeeen baa I soo amray. 
La wadyoo wuxuu yidhi,Wasiir-ku-xigeen baa yidhi Baabuurkayguu jiidhoo uu duqeeyay. Baabuur laga duqeeyayna ma jirin oo wallaahi xalaanu ka soo daynay. 
Maalintii la qabanayay Xuskii Ciidanka ayaan tegay oo aan ka qaybgalay, markii aan ka soo baxay waxaan soo lugeeyay goobtii uu Baabuurkaygii yaalay ilaa Xaruntii Shirka lagu qabanayay. 
Waddada barbarkeeda Aniga oo maraya ayaa Inammo Madaxtooyada ahi oo Askarta ahi waxay igu yidhaahdeen, waar ka bax Waddada. Xaq layguma lahayn oo Waddaba kuma jiro’e. Waxaan uga dan leeyahay, Madaxda Ciidamadow Qaranku Madax buu leeyahay ee laba Nin oo qudha Dalka Madax uma ah. intiina halkaa fadhida (Xildhibaannada Guurtida) waajib bay ku tahay Madaxda Ciidamada in Sawiradooda iyo u sheegaan waxay yihiin oo ixtiraamkooda bixiyaan. Maaha maalin walba in Baabuur laga rogo. Waxaanu leenahay Madaxda Ciidamada waar Askartiina bara waxa waajibaadkoodu yahay iyo waxa Xil ka saaran Madaxda dalka.” Ayuu yidhi Saleebaan.
Gebgebadii Guddooomiyaha Guurtidu wuxuu ugu baaqay Deeqbixiyayaasha, “Qolooyinka Deeqda bixiya ee Diiwaangelintii hore inoo suurtogeliyay waxaanu Magaciina kaga codsanaynaa in aanay wax yar-yar ku mashquulin oo aanay Interpeace u talin ee sidii ay Doorashadii horeba u diiwaangeliyeen ay ta maantana u maalgeliyaan ayaanu ka codsanaynaa. Waar yaadhaheen, Shirkad (Interpeace) ha nagu hallayninee, haddii shaki idin galay kaalaya oo na waraysta.” 
Halka uu Axsaabta Qarankana ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan Doorashooyinka, isla markaana ay la shaqeeyaan Komishanka. “Axsaabtu waajibkeedii ha gudato oo ha u diyaar garowdo Doorashadii, hana la shaqeeyeen Komishanka. Madax Xisbiyeed ayaa yidhi Kalsooni kuma qabnee ha la dareersho Komishanka. Haddii la dareersho xaggaynu u kacaynaa soo is-wada cuni mayno, inaga oo aan Doorashaba gaadhin ayaynu is-cunnee.
Waxaan ku khatimayaa, dadweynoow waajib baa idinka saaran dalka oo nabadgelyadiisa ayaa waajibka koowaad idinka saaran yahay..dadweynoow nabadgelyadiina iyo xuquuqdiinana ilaashada. Doorashadii ha la galo oo nabadgelyo iyo ku-noq-noqosho la’aan ha lagu galo.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu.
Waxaanu Madaxweyne Rayaale u jeediyay in uu midnimo dalka ku hogaamiyo. “Waxaan ku soo gunaanadayaa, Madaxweynow dalka Adigaa u madax ah oo Madaxii Qaran Adiga weeye, Adduunkana Adigaa noo metela oo cidi kulama metesho ee na hoggaami oo wada-jir nagu hoggaami oo waajibaadkaaga nagu hoggaami ilaa inta Doorashadu dhacayso, xilkaagana gudo.”
Xaafadda bariga Hargeysa oo cabasho ka muujiyay Biyo-la’aan
“Dumarka iyo Caruurta ayay nagu dirayaan kuwa Biyaha hayaa ee Dawladda dambe ayaanu sugaynaa”
Abwaan Maxamed Aadan Dacar
Hargeysa (Ogaal)- Odayaasha iyo Dadweynaha Xaafadda New Hargeysa ee bariga Magaalada Hargeysa ayaa ka cawday biyo-la’aan ay sheegeen in ay muddo haysay, isla markaana aanay haysan Biyo ay cabbaan, Masaajiddada qaarkoodna aan lagu tukan Biyo-la’aan awgeed.
Dadweynaha iyo Odayaasha Xaafaddan oo shalay isugu soo baxay meelo ka mid ah Qasabadaha Xaafadda oo u muuqday kuwo engegay, islamarkaana aan Biyo ku soo dhawaan, ayaa waxa halkaa ka hadlay Odayaal iyo Haween ka tirsan Xaafaddaas, kuwaas oo si adag uga cawday Biyo-la’aantan. “Waxa weeye, Nin-na qayladu Guriga ayay ugu gashaa, Ninna wuu doontaa. Anagu Qayladan maanu soo doonan ee Guryahayagii ayay noogu soo gashay, taas ayaana meesha I keenay. 
Biyo-la’aantani in badan ayay na haysay, balse waxay ugu daran tahay markay qayladu Caruurta iyo Dumarka kugu dirto. Anaga waxa wax walba nagaga daran oo Cadceedda noo soo saaray Dumarkii iyo Caruurtii bay nagu direen kuwan Biyaha hayaa.” sidaa waxa yidhi Abwaan Maxamed Aadan Dacar oo ka mid ah Odayaasha Deggen Xaafaddan ee shalay goob-joogga ka ahaa isu-soo baxaas. 
Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxay Dumarkayagu nagu yidhaahdaan, Rag ma tihidiine Dumarka kale Biyo ayaa loo shubaaye haddii aad Nin tahay Biyo ayaan heli lahaa. Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii furay Biyo-Shiinaha, Anaguna Biyo ma hayno. 
Kuwii nala midka ahaa ama Dalkaba shalay soo galay ayay saacad walba u socdaan. Dawladda, Madaxda sare oo qaarkood Beero ku waraabsadaan, xaggay ka keeneen iyagu miyaan Ilaahay dadka wada abuuran. 
Waar caynkan sidan lagu ahaan maayo, qaylo kalena ma rabno ee waxaanu leenahay Adeerow Biyihiina xidha, Qasabadihiinana haysta Ilaahay baanu sugaynaa oo Uus-miirkayagii ayaaba noo dhaamay ee nagala taga, Caruurtii iyo Dumarkii ayaad naga qamaamiseen ee ha naga qamaaminina. Dawladda dambe ayaanu sugaynaa in Ilaahay mid khayr qaba na siiyo ee nagala taga.”
Maxamuud Muxumed Diiriye oo isna ka mid ahaa Odayaashii halkaa ka hadlay ayaa si kooban u yidhi, “Haddii aanu nahay Xaafadda Bariga Hargeysa waxa aanu halkan kaga dhawaaqaynaa in aanu Biyo la’ nahay oo Masaajidadii wax aanu ku waysaysano aanu la’nahay. Arrintaa xaq nalooguma laha ee Madaxweynaha waxaanu leenahay waa inuu soo farogeliyaa arrintayada.”
Odayaashii kale ee halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Axmed Abshi Xuseen ayaa isna yidhi, “Waxaanu leenahay waxa naga maqan waxyaabo badan oo ay Biyuhu ugu horreeyaan, waxaanu dareenay in

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: