Toggaherer’s Weblog

MADAXWEYNE RAYAALE OO SOO SAARAY WAREEGTOOYIN UU KU MAGACAABAY WASIIRUD DAWLE IYO WASIIR KU XIGEEN

Posted on: February 15, 2009

MADAXWEYNE RAYAALE OO SOO SAARAY WAREEGTOOYIN UU KU MAGACAABAY WASIIRUD DAWLE IYO WASIIR KU XIGEEN

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland
Date: 15/02/2009

Warsaxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray wareegtooyin uu ku magacaabay Wasiir ku xigeen iyo Wasiirul Dawle Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Hawlaha Guud iyo Guryaynta.

Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tix-gelinaya ahmiyada weyn ee
Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Hawlaha Guud iyo Guryayntu u leeyihiin Dhismaha Qaranka , waxa uu u magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil “Kayse” oo hore u ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada.

Madaxweynuhu, waxa kale oo uu u magacaabay Mudane Maxamed Aw-Cabdi Sheekh
(Xirsi) in uu noqdo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo
Guryaynta.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo ku qanacsan kartida , Aqoonta iyo Hufnaanta shaqo ee labadaasi Masuul, waxa uu faray laga bilaabo taariikhda Maanta in ay sida ugu dhakhsaha badan ula wareegaan xilka cusub ee loo igmaday.

Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada,
Ahna La Taliyaha Madaxweynaha ee Dhinaca Warbaahinta

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: