Toggaherer’s Weblog

Lynndie England iyo Fadeexadii Xabsi ga Abu-Quraib ma xasuusataa?

Posted on: February 15, 2009

Lynndie England iyo Fadeexadii Xabsi ga Abu-Quraib ma xasuusataa?
Lynndie England iyo Fadeexadii Xabsi ga Abu-Quraib ma xasuusataa?
Akhristayaal, BBC da qaybta caalamka la hadasha ee World Service isku magacawda barnaamij ay sii daayaan oo la dhaho Outlook ayaa gudoonsaday inay soo daayaan waraysi dheer oo ay ka qaadeen haweenay dii sawiradeedu shan sano ka hor caalamka oo dhan gilgileen oo kashifay wajiga foosha xun ee dhabta ah ee American ku ay ka wadaan Ciraaq.

Haweenayda oo inkaari ku dhacday la dhaho Lynndie England ayaa dhamaysatay xabsi nafis ah aadna u gaaban (sadex sano) oo ay maxkamad caskari ahi ku qaaday. Waraysiga oo la sii daayay 4 tii bishan February ayay haweenaydu ku sheegtay: “In ay fulinaayeen iyada iyo saaxiibkeed awaamiirta laamaha sirdoonka milatariga oo sheegaayay in sidan lagu haysto loo dhaqmo”, iyo “In aanay ilaa maanta meelnaba shaqo ka heli karin oo meeshii ay arji shaqo ka buuxsataaba ay diidmo dhakhso ah ugu soo jawaabayso wixii ay fashay ee ay caanka ku noqotay awgeed”! Waxay tidhi, “Waalidkay ayaa imika masruufka, aradbeelka iyo baabuurka insurance kiisaba iga baxsha waxaanan dareemayaa inaan mar labaad caruur dib u noqday mana filaayo inaan waligay dib nolol madax banaan oo aanan cidna ku tiirsanayn u wadan doono.”

Interview gan ayaa ilaa imika laga dhagaysan karaa isagoo dhamays tiran page ka BBC-Outlook:

http://www.bbc.co.uk/worldservice/outlook/2009/02/090205_lynndie_england.shtml

Ciraaqiyiintu American kii ay u ooyaayeen wixii uu Sadam Hussein ku falay awgeed may mahadinin ilaahay hortiis! Ragii American ka soo hor kacayna haba ugu sii daraadeen oo uu koow ka yahay Axmed Jalabi! Waa lagu danaystay waana laga takhalusay sida C/laahi Yuusuf iyo ragii wasiirada u ahaa oo dhan maanta loo duuflaaliyay ee loo daandaamiyay oo kale! Isticmaar daba orodkiisu meelahaas oo kale ayuu ku dhamaadaa, laakiin dad baan sidaas u ogayn!

Maxamed Haaruun
United Kingdom

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: