Toggaherer’s Weblog

WASIIR KUXIGEENKA GASHAANDHIGA OO JAWAAB BA BXIYEY HADALA KA IMANAYA MUCARADKA

Posted on: February 14, 2009

WASIIR KUXIGEENKA GASHAANDHIGA OO JAWAAB BA BXIYEY HADALA KA IMANAYA MUCARADKA

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Hadalo Ka Soo
Yeedhay Xisbiyada Mucaaridka Qaarkood

Hargeysa – Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Mudane Axmed Maxamed Filanwaa
ayaa maanta naqdiyay hadalo ka soo yeedhay Xubno ka mid ah Asxaabta
Mucaaridka oo ay ku durayaan Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed
Yuusuf Yaasiin.

Wasiir ku xigeenku waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ; “Waxaan doonayaa in
aan naqdiyo oo aan ka hadlo Hadalada ka soo yeedhay xubno ka mid ah
Asxaabta Mucaaridka qaarkood oo ay ku durayaan Madaxweyne ku xigeenka JSL
Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin. Ragga wanjalaya Madaxweyne ku-xigeenku way
garanayaan waxa ay ku fasirayaan hadalkiisu in aanu ahayn waxa ay ku
tilmaamayaan way garanayaan, hadafka iyo ujeedadii hadalkiisu in aanu
ahayn waxa ay ku fasirayaan way garanayaan in aanay ahayn.
Haddaba waxa ay raadinayaan in uu abuurmo cid waliba ha garato, waxay
doonayaan in ay fadqalalo iyo qas abuurmo, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku
xigeenku waa macawista ku hagoogan sharafta ummada ee Qaranimada guud iyo
mowqifka qaddiyada”.

Mudane Axmed Filanwaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxaan
Shacbiga reer Somaliland ku baraarujinayaa in ay ka ilaashadaan cid kasta
oo la timaada in ay jeex-jeexdo in ay ka ilaashadaan. Isyeel yeelka
hadalada nasakhan ee ka baxsan nidaamka siyaasadda, isla markaana
dhaawacaya sharaftii qaranimada guud ragga damcay in ay ku ololeeyaan waxa
haboon in ay ka daayaan”.

“Waa kuma ninka maanta odhan karaa Axmed Yuusuf Yaasiinbaa diidaya
qaranimada Somaliland oo doonaya Soomaaliya, arrintaasi waa meel ka dhac
iyo wanjal aan ku haboonayn sharafta ummada oo lagu tuur-tuurayo dhagaha
dadweynaha iyo caalamkaba, rajada maanta ay joogto Somaliland ee qarka u
saaran aqoonsiga iyo horumarka caalamka, waxa keentay Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Somaliland, taariikhduna way sheegi doontaa cidii qaranka
wax u qabatay iyo cidii kale. Wanjalka, Jaalaa-rogga iyo maneenada ragga
yaqaanoow waxyaabaha qaarkood meel aanay oolin lagama dayo” ayuu ku soo
gaba gabeeyay hadalkiisa Wasiir ku xigeenku.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: