WARARKII CAALAMKA IYO WARQABADKA TOGGAHERER
Posted February 14, 2009
on:WARARKII CAALAMKA IYO WARQABADKA TOGGAHERER
DABKI KA DHACAY DALKA AUSTRALIA OO NIN LAGU EEDEYAY
Booliska Dalka Ausralia ayaa ku eedeyay nin in u ka danbeeyay Dabkii qabsaday Kaymaha Gobolka Victoria.
Ninkan oo da’ahaan jira 39 sano ayaa fuliyay dhacdadanka dib mar uu dab ka shiday meel u dhow xaafada Churchill oo ku taala Bariga Gobolka Victooria waxana ku dhinteen 170 qof.
Ra’iisul wasaaraha dalka Australia Kevin Rudd ayaa ku tilmaamay Dabkaas in uu ahaa mid kii ugu dhimashada badnaa wuxuuna kuu tilmamaynafgoyn aan naxariisi ku jirin.
Dabkan ayaa ay ku geeriyoodeen Dad tiro ahaan lagu qiyasay 181 qof wiigii tagay kaas oo xaaqay guud ahaanba gobolka Victoria oo u dhaxeeysa Bari ilaa Konfurta Australia.
Dhanka kale Ninkan oo aan lamaga cabin sabab dhinaca sharciga ah ayaa ku eedeysan Dabkan bilabidiisii waxa uuna wajahayaa hadii ay ku cadeyso maxamkamdu danbigan ugu yaraan xukun xabsi oo gaadhaysa 25 sano iyo shan iyo toban sano oo kale isla eedeyntan ah.
MUDAHARAD LOOGA HORJEEDO RA’ISAL WASARAHA DALKA TALYANIGA
Magalada Rome ayaa waxaa ka dhacay Mudaharaad balladhan oo looga soo horjeedo Ra’iisal Wasaaraha Dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi.
Dadkaan Mudaharaadka Dhigayay Ayaa Waxaa Ay U Badnaayeen Dadka Ka Shaqeeya Warshadaaha Kala Duwan ee ka shaqeeya Dalka Talyaanigu iyo Dadweyne Kale Oo Tira Badan waxaana ay sheegeen in ay dhaliilayaann Rasial wasare Berlusconi In Uu Luminayo Miisaaniyadad Dhaqaale Ee waddanka Waxayna Sheegeen In ay Imaan Karto Dhaqaale Xumo Aad U baahsan Oo Waddanka La Soo Gudboonaata taasina ay keenayso in shaqaale aad u fara badan shaqo la’aan noqdaan.
Dadka Banaan Baxaan Samaynayay ayaa gadhayaa 700 .Waxaan ay Sidoo Kale Sheegeen In Ay Imaan Doonto Haddii Berlusconi Uu Sii Wado Tallaabooyinkiisa Dhinaca Dhaqaalaha In Ay Is Xidhaan Warshado Badan.
WARQABADKA TOGGAHERER
Maxamed Aadan Nuur
Leave a Reply