Toggaherer’s Weblog

LABAD GUDOOMIYE EE UCID IYO WAKIILADA OO KULAN BALADHAN LAGU QABTAY OSLO NORWAY

Posted on: February 14, 2009

LABAD GUDOOMIYE EE UCID IYO WAKIILADA OO KULAN BALADHAN LAGU QABTAY OSLO NORWAY

Kulan balaadhan oo lagu soo dhawaynayey Gudoomiyha xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe iyo gudoomiyaha golaha wakiilada Cabdi rahmaan M. Cabdilaahi ayaa ka dhacay horlka wayn ee ay jaaliyada Somaliland ku leedahay magalda Oslo Ee Dalak Norway.

Kulankan oo ahaa mid ay ka soo qayb galeen dad wayne aad u tiro badan marka loo eego kulamadii hore ee lagu soo dhawayn jiray madaxda qaranka ayaa waxaaa ugu horaynaba ka hadalo gaaban oo furitaan ah ka jeediyey Gudoomiyaha Ucid ee dalka Norway Abdi Xakiim Ismaaciil gudoomiye Abdi xakiin oo markii hadalkaa furitaanka dhameeyey ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha golaha baalamaanka Somaliland mudane Abdi Rahmaan .

Gudoomye Abdi Rahxaan waxa uu u mahad celiyey dad waynihii ka soo qayb galay shirkaasi madnaq dabadeed waxa uuu ka haldlay dhaman xaalada dalku maraayo taas oo uu ugu horaynba ka warmay arinta diiwaan galinta iyo habka serverka loogu kala saarayo dadka la diiwaan galiyey ee laba jeer ku noqday ama qaatay laba ID waxaanuu yidhi gudoomiyuhu ” waxaa serverku kala saari doonaa dadkii laba jeer qaatay ID taas oo uu ku kala saari doon in ruuxii walba lagu baadho 1,200,000 oo ruux oo codeeyey taas oo marka dadka loo sheego arintas ay madaxooda ka waynaanayso oo ay odhanyaan goormaa la dhamayn karaaa maadaama halkii ruux lagu baadhayo 1.200.000 oo ruux, se waxa uu gudoomiyuhu shegay in ay hab casriyeysan u baadhi doonaan oo halki minita ay baadhi karaaan tiro aan qiyaas labxay halak saacadii laga yaabo in uu tiro qayral xad ah uu badhayo”

gudomiye Abdi Raxmaan waxa uu sheegay oo kale in deeq bixiyayaashii ay ku soo fool leeyihiin dalka kuwaas oo lacagta doorasha balan qaday , waxa kale oo uu shegay in doorshada xiligeedii uu yahay 29.03.2009 taas oo aan rajaynayo in ay xiligeedaa qabsoomayso maadaama ay axsaabtii isku afgarteen.

Waxa kale oo uu sheegay in goobjoogayaal caalami ahi ay iman doonaan taas oo ay ka mid yihiin dawlada Norway iyo wadamo kale.

Waxa uu ka war bixiyey safaradoodii ay ku soo mareeen wadmo badan oo kala duwan sida wadanka ingiriska oo ay kala kulmen madax iyo wadamo ka mid ah Carabta.
Waxanuu shegay in ay iminka idiin dhaafi doonaan wadanka Sweden iyo Filland 

Commen World ka ayaa waxa ay i waydiiyeen iminsa aya ku nool wadaka Somaliland iyo maxaad u waydiin waydeen Ingriska ” 

Gunti waxa u hadalka ku soo gabagabeeyey midnimo iyo wada shaqayn.

Inta dabeed waxaa hadalka qaatay Gudoomiyaha Ucid Mudane Faysal cali warabe isaga oo halka ka jeediyey khudbadn dhinayo badan tabanaysa taas oo uu ka warmay in .

Hadaladii gudomiye Faysal cali warabe oo aad ugu nuux nuuxsaday xaalada dalku marayo iyo baahiyaha looga bahanyahay dalka taas oo uu ku tilmaamay in ay dawladu gabtay waxqabadkii ay dalka iyo dadkaba u qaban lahayd taas oo uu ku tilmaamay in wax yalo badan oo aan ku xidhnayn ictiraaf ay dawladu gabatay sida darajo cidamada lagu tax iyo dhaqaalaha dalka oo la kobciyo.

Mudane faysal waxa uu ka hadlay oo kale in uu ahaa ninki ugu horeeyey ee waxa xisbi la yidhaa dalka keenay taas oo uu yidhi anigu 1992 ayuu fikirkani igu dhashay in aan xisbi siyaasadeed sameeyo. gudoomiyuhu isaga oo ka hadlaayey arimaha diiwaangalinta iyo sida loo dayacay ayaa waxa uu yidhi ” maalin aanu sanag taganay ayaa waxyaalihii iigu layaabka badnaa waxay ahayd in aan arkay dadkii wax diiwaan galinaayey oo markii kuraasi iyo miisaan loo gayn waayey kuraasi iyo miisaan laan awgeed ay saarteen foostooyinkii lagu warabin jiray adhiga”

Gudoomiyuhu mar uu ka hadlayey arinti qaraxyada waxa uu ku timaamay wax fajiciso ku noqtay taas oo uu yidhi ” arintii qaraxyada ee ka dhacday safadaradii Ethiopia iyo UNDP iyo aqalka madaxtooyada waxay ahayd wax fajiciso nagu noqotay waliba ilaahay ayaa bixiyee xafiska madaxweyne ku xigeenka isagu gabi ahaanba wuu bur buray oo muu fadhiyini hadii uu fadhiyin oo xag alleh ayuunbuu ka badbaaday”

isaga oo ka hadlay shicibka iyo siday feejinaanta uga qaateen dadka ajanabiga ah waxa uu yidhi ” qaraxa hortii dadkeenu waxa aya ahaayeen dad u jajaban ajanabiga se hadeer waxa ay noqdeen dad aan ugu fiirsada dadka ajanabiga ah hadii u wadaad yahay oo uu gadhleeyahayna ka si daran,markaa iminka wadaadadi way u soo gashay oo wadaad halkan maraya hadii ay arkaan way u fiirsanaya !!! waar kani waa wadaad kuwaad moodaysay aan ahayne iska dhaaf , in kasta oo aduunba ay ka jirto taasi oo securetka ayuunkoo dhan la ilaaliyo ilaa sep 11 eedii Tegnoligyadu noqon mayso marnaba sax ilaa la helo dawl u hurta lacag “

Mar uu ka hadlaayey doorashada iyo tayada ay leedahay waxa uu yidhi ” Dorashadani lama mid aha doorashooyinkii hore oo aad ayey uga wanagsantahay, waxaynu so galnay 3 dorasho oo hore tii Local Govermentka ayaa inoogu horaysay , Local govermentka hada jiraa waxay dhamaan kuwii hore ma jirto oo wax is badal ah oo lagu hayaa ma jirto , hadana waxaynu galnay tii mdaxweynahay shir beeleedka kaynu ku doranay iyo kan oo ay manndate ku dooranay iyana waxaa muuqta in aanay waxba is dhaamin oo taas idiinka sheekayn maayo, Baarmaalmkiii ayaa soo hadhay barigii hore in kastoon laan la doonayn in ay dhacdo oo aanu Ucid ahaan xooga saarnay hadana maanta garanay habka uu u shaqeeyo baraalamanada aduunka oo ineternetka ka eegaa oo akhiryaa ma jiro “

Isaga oo ka hadlay halganka ay ugu jiran Somaliland waxa uu shegay in ay isaga iyo Ciro ay caruurtii hooyoyinkooda kaga tageen oo ilaahay aanuu badin 

Wali way sii socotaa warbixintii waxaan aka dambayn doona waraysigii lala yeeshay Labada Gudomiye :::::::::::::!”!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: