Toggaherer’s Weblog

AL-QAACIDA AYAA KOOXAHA SOMALIYA KA DAGAALAMAYA UGU BAAQDAY INAY SII WADAAN DAGAALKA.

Posted on: February 14, 2009

AL-QAACIDA AYAA KOOXAHA SOMALIYA KA DAGAALAMAYA UGU BAAQDAY INAY SII WADAAN DAGAALKA.

Al-Qaacida ayaa shaacisay in Somaliya Garabyada ka Dagaalamaya ee ka soo Horjeeda Siyaasada Somaliya ay yihiin kuwa Jid Fican ku Taagan, isla markaana loogu Baaqayo inay sii Laba Jibaaraan Dagaalkooda, ka dhan ah waxa ay ugu Yeedheen Murtindiinta, soo duulay.

Ururka Dagaalyahan ee Al-Qaacida ayaa sheegay in loo Baahan yahay in Kooxaha Somaliya ka Dagaalamayaa ay sii wadaan dagaalka ay kula Jiraan, Dawlada Somaliya, iyaga oo taasi sabab uga dhigay inay Dawldaasi soo dhisiin, Dawladaha Reer Galbeedku oo ay ugu wayn tahay Dawlada Maraykanku.

Abu Yahya oo ah Masuulka Al-Qaacida u qaabilsan Geeska Afrika ayaa sidaasi sheegay ka dib Cajilad Muuqaal ah oo suu dhigay Bar internet- oo ay Al-Qaacida is Ticmaasho, Abu Yahay ayaa Tilmaamay in Kooxaha Kacdoonka kawaday gudaha Somaliya ay Gudanayaa Wajibaadkooda isla markaana ay dhulkooda iyo Diintooda Difacayaan.

Hadalka Ka soo yeedhay Al-Qaacida ayaa ku soo aaday Maalin uun markii SHeekh Shariif Madaxa Somaliya uu Magcaabay Raisalwasaarihii kowaad ee Dawlada Midnimada Qaran ee Somaliya, kaasi oo looga Fadhiyo inuu si Deg Deg ah u soo dhiso Xukuumada loo dhan yahay oo sal Balaadhan.

Sidoo kale Af-Hayeenka Ururka Al-Shabaab Ninka lagu Magcaabo Mukhtaar Roobaw Abuu Mansuur ayaa dhawaan Warbaahinta Gudaha ka sheegay inay Wadaan Dagaalka ka dhan ah Dawlada uu Hogaamiyo Sheekh Shariif SHeekh Axmed, isla markaana Beeniyay Wararka sheegaya inay Kulan la qaateen SHeekh Shariif.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: