Toggaherer’s Weblog

XAFLADA BALAADHAN OO LOO SAMEEYEY MADAXWEYNE KU XIGEENKA KUMLIYE MUDANE SAYLICI

Posted on: February 13, 2009

XAFLADA BALAADHAN OO LOO SAMEEYEY MADAXWEYNE KU XIGEENKA KUMLIYE MUDANE SAYLICI

London 12 Feb 2009 ToggaHerer

Habeenkii xalay ahaa waxa lagu qabtay xaafada Eastlondon xaflad lagu maamusaayey . Musharxaha madaxweyna-ku –xigeenka Xisbiga kulmiye Mudane Cabdiraxmaan Saylic.Xafladaasi waxay ka dhacaday huteel ku yaal xaafada EÅstlondon qaybta “Whitechapel” waxana soo agaasimay Gudida fulinta iyo laanta East London Kulmiye.

Mudane Cabdiraxman wuxu si balaadhan uga xogwaramay arimaha laxidhiidha heshiiskii bishan 10keedii dhex maray saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranka,heshiiskaasi oo ka koobnaa 9 qodob nuxurkiisuna ahaa kala shaandhaynta diiwaangelinta iyo arrimo badan oo la xidhiidha xaalada dalka iyo doorka ay qurba joogu kaga jiraan horumarka dalka hooyo. 

Wuxuu sidoo ka hadlay hadaladii qadhaadhaa ee dhawaan kasoo yeedhay madaxweyne-ku-xigeenku ka sheegay xaflada uu u sameeyay qurbajooga Udub 8dii bishan, hadalkaasi oo Mudane Cabdiraxman ku tilmaamayo erayo ku lid ah kana soo horjeeda jirtaanka qaranimada Somaliland iyo dustuurk dalka u da jisan, ee lagu dhaariyay Madaxwayne –ku-xigeenka.

Axmad yusuf Yaasin Ugu dambayntii wuxuu Musharaxa madaxwayne-ku-xigeenka Kulmiye u mahadnaqay gudiyadii shirka soo abaabulay oo uu hormuud ka ah Mudane Ibrahim Hussein (Guddoomiyahay Gudida UK)
iyo Osmaan Saciid oo Kamida Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye,

Maxamed Ahmed
Togaherer Lonodn

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: