Toggaherer’s Weblog

WIIL 9 JIRA OO DHAGAX CIRKA KA SOO DHACEY. KU DABIIBEY 50.000 OO BUKAAN AH!!!!!!

Posted on: February 13, 2009

WIIL 9 JIRA OO DHAGAX CIRKA KA SOO DHACEY. KU DABIIBEY 50.000 OO BUKAAN AH!!!!!!

Indonisia 12 Feb 2009 ToggaHerer

Ku yar oo 9 jira magaciisana la yidhaado, Muhammad Ponori una dhashey dalka Indonisia ayaa waxa uu la kulmey in ka badan 50.000 (Kunton kun) ØØ bukaan socoda si uu ugu dabiibo xanuuno ay qAbaan isagoo isticimaalayey, dhagax mucjiso ah oo isaga uu iska leeyay.

Sida wakaaladaha wararku ay ka soo xigteen, nin u adeera wiilkan, waxa uu Dhagaxani ka soo dhacey cirka ka dib hilaac watey danab. Waxaaney amuurtani ka dhacdey mudo hada laga joogo 2 bilood, magaalada Jompang oo ku taala dalka Indonisia.

Ciidanka Policeka ee Indonisia ayaa dhawaan, xurantii ama ciyaadadii wiilkan yari wax ku daaweyn jirey alaabada u xidhey ka dib markii ay safkii ama kayuugii dheeraa ee dadku tubnaayeen ay ku dhinteen 4 qof oo ka mida bukaan socodkii halkaa u tagey bal iney inuun ku soo caafimaadan. 

Habka daaweynta ee uu innankan yar ee 9 jirki ahi u daaweyn jirey bukaan socodkiisa ayaa ahaa, in dhagaxa la geliyo biyo weel jira, ka dibna uu qofka bukaanka ahi qudhqudhiyo ama uu cabo biyahaas.

Kumaankun oo qof oo ka mida dadka degan magaalada Jombang oo uu degan yahey wiilka dhagaxa haystaa ayaa shaley isu soo baxey si uga faa`iideystan mucjisada ku jirta dhagaxan uu danab roobadku keenay ee uu haysta Mohammad Ponori.

Xigasho Reutrs, Through VG.no http://www.vg.no/nyheter/utenriks/artikkel.php?artid=547057

Waxaa soo akhriyey oo weliba qorey
Omsan Omar Dool
Oslo Norway

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: