Toggaherer’s Weblog

WARDEG DEG AH ; SHARIIFKA OO MAGACAABAY RAISAL WASAARE

Posted on: February 13, 2009

WARDEG DEG AH ; SHARIIFKA OO MAGACAABAY RAISAL WASAARE

JIBUUTI 13 FEB 2009 TOGGAHERER
Shariif Sheekh Axmed ayaa kaga dhawaaqay Magaalada Jabuuti, Raysalwasaaraha cusub ee dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, wuxuuna u magacaabay xilkaasi Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ah Nin mudo dheer ka soo shaqeynayay Xaafiiska Siyaasada ee Qaramada Midowbay dalal badana shaqo ka soo qabtay.

Madaxweyne Shariif ayaa sida ay sheegeen Saraakiil ku dhow dhow, wuxuu xalay saqdii dhexe go’aansaday in uu xilkaasi umagacaabo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo ay kula taliyeen dawladdaha Caalamku in laga dhigo Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.

Cumar C/rAshiid Cali Sharmaake wuxuu ka soo shaqeeyey Xaafiiska Siyaasada QM ee dalka Suudaan, waxaana shaqadaasi ka soo gaaray dhaawac uu kaga tagay Shaqadaasi, ka dibna Madaxweynihii hore ayuu unoqday Lataliyaha Arimaha Waqooyiga Ameerica, ka dibna waxaa loo magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Mareykanka, wuxuuna sannadkan soo dhexgalay Siyaasada Soomaaliya, isagoo ay wadeen Siyaasiin ka socota Midowga Africa, Midowga Yurub iyo QM oo ay doonayeen in Ninkan loo magacaabo Raysalwasaare-nimada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, waxaana sidaasi loogu dhiibay maanta.

Madaxweyne Shariif iyo Cumar C/rishiid waxaa sugaysa shaqo adag oo ay labaduba bilow ku yihiin, taasoo ah wax uqabashada Shacabka Soomaaliyeed in ay dalka Soomaaliya nabad kaga dhigaan 2 sano ee nagu soo aadan.

WARQABADKA TOGAHERER
DJIBOUTI
SALEEBAN IBRAAHIM

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: