Toggaherer’s Weblog

SHIRKADA DAHABSHIIL OO DHISME 1 MILYAD OO DOLAR KU BAXAY KA DHISAY BURCO

Posted on: February 13, 2009

 

SHIRKADA DAHABSHIIL OO DHISME 1 MILYAD OO DOLAR KU BAXAY KA DHISAY BURCO

BURCO 12 Feb 2009 ToggaHerer
Waxaa maanta magaalda Burco laga furay dhismihii u balaadhnaa oo ah fooq shan dabaq ah oo ay leedahay shirkada Dhabashiil. Wariye ka tirsan bahda Togaherer oo ka qayb galay xafladaasi oo nooga war bixiyey ayaa noo sheegay in dhismahani uu ku baxay 1 milyan oo doller Maraykanaka ah ay xarun u noqon doonto dhamaan xawaalahada iyo Telifoonada ee SOMTEL oo ay iska leedahay shirkada Dahabshiil .

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Mudne Cismaan Qaasim Qodax oo munaasabaad loo sameeyey xaruntan Dahabshiil hadal ka jeediyey ayaa ku dheeraaday kaalinta ay shirkadani kaga jirto baahiyaha aasaasiga ah iyo kuwa bulshaba kuwaas oo uu sheegay in ay ka qayb qaadato gurmadyada deg dega ah. .

Maareeyaha shirkada Dahabshiil Cabdi Rashiid Maxamed Siciid ayaa in maal galinta dhismahan ay qayb ka tahay talaabooyin ay shirkadu ku doonayso in ay ku hirgaliso dhisme Bangi cusub oo caalami ah oo u sheegay in ay share wayn la yeelan doonaan Bangiyada caalamiga ah sidaasi daraadeena waxa uu sheegay in dhismayaashan qaar la mid ah hore laga soo hir galiyey qaybo ka mid ah dalka isla markaan laga hir galin doono dul badan oo ay Somalidu degto isla markaana ay shirkada dabashiil siin doonto adeegyo noocan oo kale ah .

Maareeyuhu wuxuu xusay in shirkadoodu qayb ka qadato gurmadka deg dega ah caawinka dadka tabaalaysan, dib u dhista iyo dayactirka goobaha lagu fuliyo adeegyada bulshada sida cubataalda iyo goobaha wax barashada .
Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa isna waxaa hadal ka jeediyey Wasiirka arimaha dibada Somaliland Cabdilahi Maxamed Ducaale kaasoo sheegay in xukuumadiisu diyarisay xeerka sarifyada caalamiga ah iyo ka ganacsiga xorta ah, isaga oo wasiirka arimaha dibadu hoøsta ka xariiqay in xukuumadiisu haatan dhiiri galin doonto suuqa ganacsiga xorta ah gaar ahaan dadka muwaadiniinta ah .

Munasabadan oo u muuqatay mid si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana ayna ka muuqan yaw yawtan siyaasadeed oo ay ku caan baxeen munaasabadaha noocan oo kale ahi ayaa dadkii kale ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye Suldan Maxamuud Guuleed Mire ,Cuqaal Aqoon yahan, Culimaaudiin iyo marti sharaf kale oo badan kuwaasi oo idilkoodba ku dheeraaday in ay shirkada dahabshiil qayb laxaad leh kaga jirto dib u dhiska iyo horumarinta dalka gaar ahaan goobaha bulshada sidaasi daraadedna waxay u soo jeediyeen maamulka iyo mulkiilayåasha dahabshiil in ay sii labanlaabaan dadaaladooda halkana ay ka sii wadaan taakulaynta iyo cawimada, dhina kalen musuuliyinta shirkada dahabshiil ayaa balan qaaday in ay xoojin doonaan adeegyada bulshada gaar ahaan kuwa samafalka .

xaflada oo ahayd tii baryaha la arko tii ugu balaadhnayd ee ka dhacda gobolka Togdheer gaar ahaan magaalda madaxda gobolkaasi ee Burcø ayaa waxa ay ku dhamatay jawi degan oo aan naxli iyo mixnad midna ku jirin hadalada meeshaas laga jeediyeyna ay ahaayeeen qaar ahaa uun guubaabo iyo dhiiri galin .

Warqabadka Togaherer 
Burco 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: