Toggaherer’s Weblog

HABEENKII HIBO NUURA IYO HAWEENKA LONDON

Posted on: February 13, 2009

HABEENKII HIBO NUURA IYO HAWEENKA LONDON

london 13 Feb 2009 ToggaHerer
Habeenki Hibonura iyo Haweenka London

Hore ugamay dhicin london xaflad loo qabto dumarka oo keliya!
Waa marki koowaad ee ay Mohamed Macalow iyo
Mohamed karama wedejir u garaacaan Live Music!
Waxaan ahaa weriyihii ugu nasiibka badnaa ee goobtaa joogey!

Fanaanada Hibo mohamed hudoon (HiboNura) ayaa ku soo laabatay wadanka UK kadib afar sano tan iyo maalinti ay timi Hibonura magalada London waxa si isdaba joog ah u dhacayey xafladaha lagu soo dhaweynayo hibonura.
Midka mid ah xafladahaas ayaa habeenki axada waxay ka dhacday waqoyiga magalada London waxaana kala qayb qaatey HiboNura qaarbadan oo kamid ah fanaaninti Hobalada waaberi sida Faadumo Qaasim Hilowle, Shaxshaxleey, Abdirisaq Gaadaco, Nimco Yasin Caraale, Mohamed Karama Siidii Iyo fananinkale.
Iyadoo ay madasha isugu yimaaden dad aad u faraban ayaa waxay goobta hibonura ka qaaday heeso cusub iyo qaar badan oo kamid ah heesaha ay hore caanka ugu ahayd
Dhanka kale hibonura ayaa uraaxaysay dadkii isugu yimi madashaas iyadoo qaadaysay heeskasta oo laga codsado!
Mar aan waxka weydiiyey Hibonura sida ay u aragto soodhaweynteda London waxay tidhi: – “caawa waa habeen xusuus mudan’ waxaanad mooda inaan laykala hadhin fankaygana aad looga jecel yahay London.
Amina Ahmed waa midka mid ah haweenki ku sugnaa xaflada iyadoo dareenkeda ka hadlaysana waxay tiri: – indhaweyd sidaa umaan ciyaarin saarkuna igama soo degin!
Waxa goobta qariyey bilicda dumarka waxaana is jiidhayey duruucda baacweynaha iyo kaneebada maadama ay goobtu ahayd dumar khaas ah.
waxaan ahaa weriyihii ugu nasiibka badnaa maadama aan ku sugnaa gudaha xaflada halka ragi weriyayaasha ahaana joogeen debada xaflada, Bandhig faneedka oo dumar keliya ahaa awgeed!
waxay umuuqata inay London noqotay hoyga fanka qurbajoogta iyado si isdaba joog ah ay xaflado uga dhacayan ayaa waxa maalinta jacaylka 14/02/2009 kadhici doona bandhig faneed aad u balaadhan bariga magalda London oo ay ka soo qaybgelidoonaan abwaan Adan Tarabi iyo hobalada waaberi sida Maryan Mursal, Abdiqadir Jubba, Nimco Yasin iyo fanaaninkale oo badan.

Busharo Ali Baando
London UK
Free Journalism


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: