Toggaherer’s Weblog

XISBIGA UCID WAA XISBI WADANI AH OO LOGA BARTAY WADANINIMO QOTODHEER IYO DIFAACA QARANIMADA S/LAND

Posted on: February 12, 2009

XISBIGA UCID WAA XISBI WADANI AH OO LOGA BARTAY WADANINIMO QOTODHEER IYO DIFAACA QARANIMADA S/LAND

Warsaxaafeed Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka (UCID) 

12th February 

Warsaxaafadeedkan waxanu ku cadeynaynaa mowqifka xisbiga UCID ee ku aadan hadalkii M/Xigeenka Somaliland ka yidhi xukuumadda cusub ee Sh. Shariif iyo warar aan sax ahayn oo saxaafada qaarkeed ku marin habaabisay mowqifka xisbiga ee qadiyadan ku wajahan. 

Ugu Horayn Xisbiga UCID, waa xisbi wadani ah (Nationalist) aadna ay ugu dheertahay qadiyada Somaliland . Waxa xisbiga looga bartay wadaninimo qoto-dheer iyo difaaca qaranimada Somaliland . Sidaa awgeed: 

Xisbiga UCID waxa uu u arkaa hadalkii M/Xigeenka Somaliland, Axmed Yusuf Yaasiin uu ku soo dhaweeyey xukuumada SH. Shariif iyo in wadahadalo lala furo inuu ahaa meel-ka dhac iyo dhaawac loo geystey halgankii loosoo maray Somaliland oo ilaa hada socda iyo inuu aad u dhaawacay dareenka muwaadiniinta Somaliland. Waxaana uu nuxurka hadalkaas M/Xigeenku muujinayaa degenaansho la’aanta siyaasada UDUB ku hagayso dalka iyo ummadda reer Somaliland .

Hadaba Xisbiga UCID Waxa uu ummadda reer somaliland uga tacsiyeynayaa hadalkaas jar iska-xoornimada ah ee kasoo yeedhay masuulka labaad ee Qaranka. Waana in hadalada ay ka mid yihiin “Ninna laga celin maayo Hargeysa, midna Xamar laga celin maayo, dadka khalad baa la fahan siiyay oo waxa la yidhi xad baa la xidhayaa, Ciidan baa la keenayaa oo ninna soo gudbi maayo, waxaasi waa wax dadka lagu fogaynayo ee dadku waa dadkii uun” ay xukuumaddu u cadayso ummadda waxa ay uga jeedaan. Waxa kaloo ka mid ahaa erayadiisa “waanu la jaan-qaadi karaa xukuumadda cusub ee SH. Shariif, wax badana waanu saxaynaa” waxa looga fadhiyaa xukuumada UDUB iney cadeyso oo fasirto hadaladaas biyo-dhacooda.

Waxa dhawaan saxaafada maxaliga ah iyo mareegaha wararka qaar ka mid ah lagu qoray warar sheegaya in xisbiga UCID taageeray hadalada kasoo yeedhay M/Xigeenka. Arintaasi waxba kama jiraan, go’aanka xisbiguna waa kan ku qayaxan hoos:

Xisbiga UCID sida uu marar badan saxaafada u cadeeyey, waxanu qabnaa gooni-isu taaga Somaliland iyo qaranimadeedu inaany mad-madow iyo gorgortan toona geli karin, waxanu safka hore ka taaganahay difaaca iyo caabinta siyaasad kasta oo mijaxaabinaysa qranimadaas muqdas ka ah.

Xukuumad kasta oo ka dhalata Somaliya waxa naga dhexeeya deris wanaag, jaarnimo iyo is-qadarin. Waxana noo dhexeeya xuduudahayaga caalamiga ah ee naloo yaqaan.

Dhinaca kale Xisbiga UCID waxa uu ku talinayaa in aan xilligan loo baahneyn isbedel aan laga fiirsan oo lagu sameeyo geedkii ay Somaliland hadhsaneysay oo ah Golaha Gurrtida. Xukuumaduna ay ku ekaato hawlaha mugga leh ee u yaala, sida qabsoomida doorasho xor ah oo xalaal ah waqtigii loo cayimayna ku qabsoonta.

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland (UCID) 

Hargeysa, Somaliland 

Af-hayeenka Xisbiga 

Xasan Xuseen Muxamed (Codyare) 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: