Toggaherer’s Weblog

WARARKII U DANBEEYEY EE CAALAMKA IYO WARQABADKA TOGGAHERER

Posted on: February 12, 2009

WARARKII U DANBEEYEY EE CAALAMKA IYO WARQABADKA TOGGAHERER
Halkan ka akhriso wararka caalamka iyo wararakii u danbeeyey ee Warqadbka TogaHerer.
HOGAMIYAYASHA ISRAEL EE KU TARTAMAYA XILKA MADAXTINIMADA AYA MID KASTA SHEEGANAYA GUUL UU KA SOO HOOYAY DOORASHADA
(2/12/2009)

HOGAMIYAYASHA ISRAEL EE KU TARTAMAYA XILKA MADAXTINIMADA AYA MID KASTA SHEEGANAYA GUUL UU KA SOO HOOYAY DOORASHADA

Tirada codadka la tiriyay imaka waxa hormuud ka ah Xisbiga Kadima oo haystaa 28 kursi sidaa waxaa ku waramaya commisonka doorashada.

Tzipi Livni oo ah xisbiga Kadima ayaa u sheegtay Taageerayaasheeda in ay haatan diyaar u tahay in ay hogaanka Dalka ay qabato, lakiin Benjamin Netanyahu ayaa garabka ku qaday hadalkeedii sheegtayna in uu ugu cad acad yahay dhanka doorasha Livni uu guusha qaaday.

Inkastoo ay u baahna yihiin labaduba in ay helaan cod ku filan ayaa waxa soo sadexeeya xisbiga qadiimiga ah ee Yisrael Beitenu. Walina la saadalin karo cida doorashada ku soo baxaysa lakiin xisbiga uu isna hogaamiye Wasiirka difaaca ee Dalka Israa’iil Mr. Ehud Barack in uu noqon karo xisgiga afraad ee loolanka ka cad cad iyadoo la sugayo natiijada maalmo uun kadib.

Dhanka kale fadeexado ayaa hadheeysay xisbiga Kadima markii ay TV-ka Dalka ka arakeen in ay ugu cad cad yihiin doorashada Wadanka.

Wadanka Israaiil Iskama laha Garabka midig sida ayasan haatan nabada u lahayn Garabka bidix ee oo hogaamiyo Uhud OLmert. Ayay raacisay Livni oo kana codsatay Netanyahu in uu ku soo biiro Dowlad midaysan oo ay ayadu hogaamiso..

MADAXDA CIIDAMADA CIRKA DALKA AZERBAIJAN OO LA DILAY

Taliyaha ciidamada cirka Dalka Azerbaijan ayaa dibada laga soo toogtay isaga oo ku sugan gurigiisa sida ay sheegayaan Dad goob joogayaal ahaa.

Col. Rail Rzayev oo 64 jir ah ayaa ay madaxa ka toogteen niman hubaysan oo aan haybtooda lagarayn mar uu galayay gadhigisa oo hor yeelay aqalkiisa.Saraakiisha wasaarada gaashaandhiga ayaa ku soo waramaya in markiiba loo la cararay cisbatalka milatariga lakiin intii uu wadada ku sii jiray uu u geeriyooday xabdii ku dhacday.

Xukumada ayaa sheegtay in ay bilaabeen badhitaan xoog leh oo lagu ogaanayo cida falkan geysatay lakiin ilaahada kama war hayaan waxa keenay toogashadan iyo cida aano u haysayba.

Janaraalka guud ee milatariga Dalka Asarbajan Mr. Nijmedin Sadykhov, ayaa u sheegay TV-ga Lider ee Dalkiisa in ay kaamiroyooyin ay ku xidhnayeen meel u dhow Guriga kornaylka ciidanka cirka ee Dalka Mr. Gen Rzayev kuwaas oo la filayo in ay inbadan ka caawiyaan danbi badhayaasha wixii meesha ka dhacay.

Waxa ku dhacday hal xabad sida ay sheegayaan ila wareedyadu kornaylka geeriyooday oo maamulayay ciidamada cirka Dalka Asarbajan ilaa iyo 1992.

Kornaylkan ayaa noqonaya kornaylkii ugu horeeyay ee isagoo darajo sare ka haysta xukumada Dalka Asarbajan la tuugtay tan iyo 1994 markaas oo ay xukumada dagaal kula jiratay xukmada jaarka la ah ee Armenia kadib dhul muran dhaliyay oo ku yaal xadka labad dal markii ay isugu dhaceen labadan Dal.

SAFIIRKA UU QABILSAN SUDAN EE UN-TA OO KA JAWABAY HADAL KA SOO BAXAY HEEG

Safiirka u qaablisan Sudaan arimaha Qaramada midoobay ayaa sheegay in aysan kala shaqeynayn maxakamada Danbiyada Dagaalka aysna aqabali Karin hadalka ah in ay soo sareen ee ah waar lagu soo xidhayo Madaxaweynaha Dalka Sudan Omar Hasan Al-Bashiir.

Hadalkan ka soo yeedhay safiirka ayaa ku soo beegmaya kadib markii uu u sheegay Diplomasi aan lamagacaabin wakaalada wararka ee Reuters in ay go’aansatay maxakamada Danbiyada Dagaalka in ay soo xidhayso Al-Bashiirka Sudaan.

Sidoo kale jariirada New York Times ayaa iyana laga soo xiganaya horaantii bishan ay xeer ilaaliyaasha maxakamada Heeg ay sheegeen in ay u hayaan cadayn in uu qiratay A-Bashiir Danbiyada dagaalka ee ka dhanka dadka ku dhaqan Gobalka Darfuur.

‘‘Lakiin Abdalmahmoud Abdalhaleem oo ah Ergayga u qaablisan suudaan Qaramada midoobay ayaa sheegay dekreeto xadhig kasata oo ka dhan ah Madax weyne Al-Bashiir oo ka soo baxada Heeg waxba kama badalayso mowqifka Xukumadanada micne saas u weyna ma samaynayso’’ ayuu ku adkaystay.

‘‘Mana la yaabayno hadii la soo saaray iyo hadii kaleba go’aankan maanta ama Barito amase xatee goor hore la soo saray intaba waan garab taganahay madax wenahayaga man aqbalayno wax ay buun buuninayso Heeg’’ ayuu raacay Ergaygu.

‘‘Maxaa yeelay waan la soconaa in ay maxamkamadani tahay mid Siyaasdeed uuna go’aankani noqon karo mid cadifadeed waxna nagama dhibidoonto ma jirto wado aan ku aqbalno go’aankan ka soo yeedhay Heeg’’ ayuu ku soo afmeeray hadalkiisa Ergaygu.

Xeer Ilaaliyayaasha Maxamkamda Heeg ayaa iayana sheegay sanadii dhaweyd in ay u heleen cadayn in Al-Bashiirka Sudaan uu qirtay dhowr danbi oo uu galay lakiin eedaymaha ka dhan ka ah Al-Bashiir ayaan wali lagu ka shifimin iyadoo uu wali taagan yahay badhitaankii ka dhanka ahaa madax weyne Al-Bashiirka Suudaan.

WARQABDKA TOGGAHERER
ISLAMABAD
MAXAMED A NUUR

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: