Toggaherer’s Weblog

WAFTIGII WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOMALILAND OO LA KULMAY ARDAYDA JS/LAND YEMEN

Posted on: February 12, 2009

WAFTIGII WASIIRKA ARIMAHA GUDAHA SOMALILAND OO LA KULMAY ARDAYDA JS/LAND YEMEN

Sana’ 12 Feb 2009 ToggaHerer
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha JSL oo lakulmay Ururka Ardayda JSL ee Yemen

Kulan xiiso badan ayaa habeenkii xalay ku dhexmaray hotelka Sheraton ee kuyaala magaalada Sanca, ee dalka Yemen wafti uu hogaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha JSL Md. Cabdilahi Ismacil Cali ( cirro ) oo ay kamid yihiin taliyaha ilaalada xeebaha JSL Capt. Cabdlilahi Cumar Qawdhan iyo maareeye ku xigeenka dekedda Berbera Md. Bile Xirsi Ciid iyo Maamulka Ururka Ardayda JSL Yemen.

Wafdigan oo kasoo qayb galay shir caalimaya oo lagu gorfaynayay arrimaha budhcad badeeda ka hawlgasha gacanka cadmeed, badda cas iyo badweynta Hindiya.

Shirkan oo ahaa kii 4aad ee noociisa ahaa ee khuseeya arrimaha budhcad badeeda waxa uu ka dhacay magaalada Sanca halka saddexdii shir ee ka horeeyey ay ka kala dhaceen dalalka Kenya, Srilanka iyo Djibouti.

Wasiirka arrimaha guduhu waxa uu sheegay in is afgarad fiican dhexmaray kasoo qayb galayaasha shirka Somaliland ahaana kala xaajoodeen dawlada Yemen danaha labada wadan iyo sidii laysaga kaashan lahaa ladagaalanka budhcad badeeda oo khatar weyn ku ah dalalka ku hareeraysan bada cas iyo badweynta Hindiya.

Waxaana uu intaa raaciyey inay isla afgarteen dawlada Yemen inay xafiis ka furtaan magaalada Hargiesa ee caasimada JSL xafiiskan oo noqon doono mid waxtar wayn uleh xidhiidhka labada dal fududeyna doona hawlaha socdaalka oo laga bixin doono dalku galada ( visa ) dalka Yemen.

Taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ayaa isaguna ku guubaabiyey ardayda inay udhabaradgaygaan noloshaha qurbaha ayna u guntadaan sidii ay muddada ay joogaan Yemen ugaadhi lahaayeen ahdaaftooda waxbarasho.

Kulankan oo labada dhinac isku xaal waraysteen waxaa qodobadii laysla soo qaaday ugu muhiimsana xog-ogaal unoqoshada xaalada waxbarasho ee ardayda reer Somaliland ee waxkabarta Yemen iyo caqabadaha kahoryimadaan mudada ay waxbarashada u joogaan .

Kulankan oo ahaa mid aad uheersareeya waxaa dhanka ardayda hadalo kooban kasoo jeediyey gudoomiyaha Ururka Md. C/casiis Maxamed Guudcade oo wafdiga uga xaal waramay asaaskii Ururka, waxqabadkiisa, iyo marxaladii kala duwanaa ee uu soo maray halka uu gudoomiyihii hore ee Ururkuna Md. Xamse Faarax Geedi ka warbixyey xaalada nololeed ee jaaliyada Somaliland ee Yemen ku dhaqan iyo xidhiidhka Ururka la leeyahay. Axmed Maxamuud Cilmi iyo Maxamed M.Maxamuud ayaa iyaguna soo bandhigay xog ku saabsan baahiyaha waxbarasho iyo caqabadaha ay lakulmaan ardaydu kuwaas oo wasiirku balan qaaday inuu gaadhsiin doona dhinacyada ay khusayso.

Ugu danbayntii madashu waxay ku soo gebogabowday jawi diiran oo leh is afgarad halkaas oo ardaydu kusii sagootiyeen wafdiga oo dalka dib ugu laabanaya

Axmed M. Cilmi

susyemen@hotmail.com


Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: