Toggaherer’s Weblog

MUUSE BIIXI OO KA HADLAY OLOLAHA AY XUKUUMADU UGU JIRO XIL KA QADISTA SALEEBAAN GAAL.

Posted on: February 12, 2009

MUUSE BIIXI OO KA HADLAY OLOLAHA AY XUKUUMADU UGU JIRO XIL KA QADISTA SALEEBAAN GAAL.

Hargeysa 11 Feb 2009 ToggaHerer
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xibiga kulmiye mudne Muuse Bixi Abdi ayaa ayaa shir jaraaid oo maanta galinkii dambe uu ku qabtay xarunta dhex ee xisbiga kulmiye si xoog leh ugu cabaareeyey olole ay todobaayadii dambe ay xukuumadu ku waday sidii loo badi lahaa shir gudoonka golaha guurtida Somaliland gaar ahaana gudoomiyaha golaha mudane Sulaymaan Maxamud Aadan . Shirkan jaraid ee uu Muuse Bixi ku qabtay xafiiska kulmiye waxa uu kaga hadlay xaalada uu hadal dalku marayo gaar ahaan u diyaar garawga doorashooyinka madaxtooyada iyo ololahan sida la sheegay xukuumadu ay ku qaaday gudoomiyaha golaha guurtidu ay tahay mid la doonayo in lagu khal khal galiyo doorashada soo socota isla markaana nuxurka ololahan xiligan ku soo beegmay uu yahay mid siyaasiyan iyo nabad gelyo ahaanba dalku aanu qaadin karin oo dhalinaya i gacan cadaw oo debadeed ay ku jirto. Dareemada arintaasi leedahayna ay tahay hadalada ay xukuumadu ku sheegtay ama ay dhawan ku sheegtay la jaan qadida maamulka cusub ee Sheekh Shiriif iyo ololayaashan socda ay yihiin kuwo dhamaantood muujinaaya wax qarsoon oo ay xukuumadu wado oo lagu donayo in lagu dhibaateeyo hanaanka doorasho ee dalku uu galaayo.

Gudoomiye ku xigeenka kulmiye waxa uuu sheegay in ay qatigan waajib tahay cid kasta iyo hayad kasta oo distoori ahi in ay ilaaliyaan nabadgelyada qaranka .
Khal khal galinta guurtida oo ah hayada labaad ee golaha qarankuna aanay ahayn mid suura gal ah oo dhawaaq dheer aanu ku leenahay ayuu yidhi hala joojiyo ololahaasi. Waxanuu ugu baaqay in xubnaha guurtidu ay ka taxadiraan talaabooyinka ay wadaan oo waqtigan carqalad ku ah doorashada.

Xukuumada Dahir Riyaale ayaa todobaadyadan ugu jirtay olole haatan soo shaac baxay ay ku doonayso in ay xilka kaga qaado gudoomiyaha golaha guurtida Mudane Saleebaan Maxamuuud Aadan.Ololahan xil ka qaadista oo si caadan ah ay dhawan u sheegeen xildhibaano ka tirsan golaha guurtida ayaa la xaqiijiyey kulan xalay ka dhacay xarunta madaxtooyada oo ay ka qayb galeen xubno ka mid ah gulaha guurtida iyo madaxweyne Riyaale ay ku gudoonsaden xil ka qaadista Gudoomiya golaha guurtida Sulaymaan Maxamuud Aadan , waxana la sheegay siyaasi ka soo jeeda gobolak Sool oo dhawaanahan ay usu dhawaayeen madaxweyne Riyaale la doonayo in loo dhiibo jagada gudoomiyaha si taasi meel mar ay u noqotona nin guurtida hore ugu jiray ay xukuumadu gorgorton uu booska ugu banaynaayo siyaasigan madaxweyne Riyaale uu u doonayo jagadan gudoomiyaha guurtida oo aan hore xubin uga ahayn haatana aya socoto mooshinka lagaga qaadayo gudoomiye Sulaymaan .

Xaqiiqada arintan xil ka qaadista ayaa dadka siyaasida aad u daneeya iyo arimaha Somaliland ay ki tilmaameen ama ay ku macneeyeen in xukuumadu ay wado mudo kordhin dambe Saleebaana aanuu ahayn nin ay kula dhacayaan in guurtidu mudo kordhin dambe ay u sameeyaan sidaasi darteena ay xukuumadu raadinayso nin u yeeli kara waxay iyadu doonayso oo aan ka hor imanayn taas oo ka hor imanaysa wixii ay umada somali land higsanaysay oo ah dimuquraadiyad iyo aqoonsi la gaadho

Warqabadka Togaherer
Hargaysa Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: