Toggaherer’s Weblog

MAYERKA CASIMADA HARGAYSA ENG JICIIR OO KULAN LA QATAY DHALIYARADA MAGALADA HARGAYSA .

Posted on: February 12, 2009

MAYERKA CASIMADA HARGAYSA ENG JICIIR OO KULAN LA QATAY DHALIYARADA MAGALADA HARGAYSA .

Hargeysa 11 Feb 2009 ToggaHerer

Mayerka caasimada Hargaysa Eng Xussen Maxamuud Jicii ayaa maanta la kulay dhalinayro ka kala socotay dhamaan xaafadaha caasimada Hargyasa kulankaas oo uu uga digay in ay sameeyaan falal iska hor imaad oo dhex mara iyaga dhexdooda taas oo baryahan ka socday xaafadaha magaalda Hargaysa.
Gudoomiyaha golaha deegaanka Hargaysa ahna Duqa caasimaha mudan Jiciir oo kulkaasi hadalo ku waajahayan nabad gelyo xumihada taas oo uu ku booriyey in ay iska ilaaliyaan in ay sameyaan rabshado noocaas oo kale ah waxaana dhaladiisii ka mid ahaa “Waxaan ka xumahay in dhalinyarada xaafadaha Cabaaye iyo Xawaadle ay qas nabad gelyo darro soo gaadhsiin gaadheen isla markaana ay guryo ka jajabiyeen daaqadihii, waxaanan dhalinyarada ku booriyay inay joojiyaan kana fogaadaan wixii carqaladayn kara nabadgelyada,” 

Mayer Jiciir waxa kale oo uu dhaliyarada kala hadlay xaga cayaraha taas oo uu sheegay in gobolka Hargaysa mar walba u ku hadho wareegyada ugu horeeya taasna ay sababto khilaaf dhex mara dhalinta oo ka dhasha dhalinta cayaarta waxaana hadaldiisa ka mid aha “Waxaan u qorshaynay dhalinyarada xaafad walba meel dhalinyaradu ku ciyaaraan kubada cagta, waxaanan dhalinyarada u soo jeedinayaa inay ciyaaraha awooda saaraan,” Kuwaas iyo qaar kale o badan waxay ka mid ahayeen khudabadii uu ka jeediyey kulankaasi Eng Xussen Maxamuud Jiciir mayerka caasimada Hargaysa.

Waxaa kale oo kulankasi ka hadlay madax kale oo ka socotay nabad gelyada gobolka ee caasimada Hargaysa iyo madax kale iyo waliba qaar ka mid ah duqayda magalada Hargaysa.

Warqabadka Togaherer
Hargaysa 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: