Toggaherer’s Weblog

HOOBIYE LAGU GARAACAY DEKEDA MUQDISHO OO UU KU XIDHAN YAHAY MARKAB SHIXNAD MILATERI U SIDA AMISOM

Posted on: February 12, 2009

HOOBIYE LAGU GARAACAY DEKEDA MUQDISHO OO UU KU XIDHAN YAHAY MARKAB SHIXNAD MILATERI U SIDA AMISOM

Hoobiye lagu garaacay Dekeda Muqdisho 
oo uu ku xidhan yahay Markab shixnad Milateri u sida AMISOM

Howlihii Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa hakad galay, kadib markii uu ku soo xidhay Markab weyn oo saanad milateri u sida Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoona soo xirashada Markabkaas kadib la maqlay dhawaqa Hoobiyeyaal ah oo lagu tuuray Dekeda.

Wararka ka imaanaya Dekeda ayaa sheegaya in tiro Hoobiyeyaal ah ay ku kala dhaceen gudaha iyo hareeraha Dekeda, taasoo ilaa iyo hada la soo sheegin inay qasaare geysteen, hase yeeshee waxaa khal khal weyn soo wajahay dadka ku dhaqan Degmooyinka Xamar Weyne iyo Xamar Jajab.

Xoogaga Alshabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka Hoobiyeyaasha, waxaana Saraakiisha Alshabaab sheegeen in Madaafiic ay la beegsadeen Markabka Saanad Milateri u wada AMISOM

Markabka ayaa la sheegay inuu soo xidhay saaka subaxdii waxaana la joojiyay howlihii dekeda ka socday, waxaana mar kaliya isku gadaamay Markab Ciidamada AMISOM.

Afhayeen u hadlay Ciidamada AMISOM oo la yidhaahdo Brigiye Bahoku ayaa beeniyay in Markabka uu wado Saanad Milateri, isagoona qeexay in Markab uu yahay mid deeq ah oo ay soo gaadhsiisay Qaramada Midoobey, wuxuuna sheegay in alaabo kala duwan oo sahay ay ku jiraan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: