Toggaherer’s Weblog

CULIMADA OO UGA DIGAY DHALINYARADA MUSLIMIINTA XUSKA MAALINTA JECEYLKA ADUUNKA LOOGU YEEDHO

Posted on: February 12, 2009

CULIMADA OO UGA DIGAY DHALINYARADA MUSLIMIINTA XUSKA MAALINTA JECEYLKA ADUUNKA LOOGU YEEDHO
Culimo badan oo caalamka Muslimka ah ayaa ka hadlayay maalmahii la soo dhaafay islamarkaana digniin u diray dhalinyarada muslim ka ah inay ku hodmin inay xusaan Maalinta Jaceylka Aduunka ee Valentines day loo yaqaan taasoo ah 14 February.(2/12/2009)

 

Culimo badan oo caalamka Muslimka ah ayaa ka hadlayay maalmahii la soo dhaafay islamarkaana digniin u diray dhalinyarada muslim ka ah inay ku hodmin inay xusaan Maalinta Jaceylka Aduunka ee Valentines day loo yaqaan taasoo ah 14 February.

Culimada ayaa waxa isku raaceen in maalintan ay tahay Maalin u gaar ah dadka aan muslimka aheyn gaar ahaan kuwa heysta diinta Kiristanka kuwaasi oo dhaqan ka dhigtay inay 14 February ay u dabaal degaan Maalin ay u bixyeen maalinta Jaceylka.

Valentine magacaasu wuxuu ka soo jeedaa nin u dhashay dalka talyaaniga oo la odhan jiray Valintino kaasoo ay ugu magac dareen maalinta islmarkaana ay u aqoonsadeen inuu yahay nin aabe u ah jaceylka.

Sheikh Hassan Hamid oo ka mid ah culimada waa weyn ee dalka Sudan ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada wiilal iyo gabdho looga baahan yahay inaysan waqtigooda ku lumin maalinta ay leeyihiin reer galbeedka.

“maalintan waxa ay ka timid dhaqan galbeedka mahan dhaqan dadka Muslimiinta waxaan ugu baaqayaa Muslimiinta inaysan iska dhigin sida kiristanka oo kale” ayuu yidhi sheekh Hamid.

” lacagta ay dhalinyarad Islaamka ku qarash gereynayaan maalintan waxaa ugu fiican ugana ajar badan inay ku guursadaan halkii meel cidlo ah ay isaga bixin lahaayeen” 

Hadalka sheekhan ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya ka dib markii caasimada Khartoum ee Sudan ay noqotay goob mashquul ah maalmihii la soo dhaafay halkaaso laguu iibinayo ubaxyo iyo kadhadhka Valentines day.

Waxaa war ka soo baxay culimada Sudan ay ku sheegeen in la mamnuuco oo dowlada mamnuucdo in Maalinta sabtida ah dhalinyradu sameeyaan wax dabaldeg ah oo la xidhiidha arintan.

Wadaad caan ka ah dalka Masar oo lagu magacabo Hazem Shuman ayaa waxa uu sheegay inay dhalinyarada Muslimka ah ka digtoonadan iyagoo halis u galaya inay qaadan Aids iyo cuduro kale oo halis ah.

“Maalmahan kooban ee an ku jiro caalamkeena wuxuu noqday mid laga xiisiiyo sheeyaasha casaanka ah, sida (Red teddy bears, red candles, red pens) waa caruusado cascas, Shamacyo cascas iyo qaliman cas cas shay kasta oo casaan ah waa qaali caalamka, kaliya hal shey oo casaan oo raqiis ah baa jiraa kaasna wa dhiiga muslim ka ah waxaana u sabab ah dhalinyarada islaamka oo danbaabaya” ayuu yidhi sheekh Hazem.

Sheekha oo ka hadlaayay TV ka soo baxa Masar wuxuu yidhi ” Inta ay dhalinyarada Islamka ay u dabaal degayaan Maalintan jaceylka Aduunka lagu sheegay waa inta ay farxayaan Kiristanka iyo yahuuda waa intaa ay khushuucayaan inta rumeysay Allah subxaanuhu wa tacalaa iyo nabigiisa Muxumed ah (SCW)”

Isku soo duub culimada Islamka ayaa meel kasta ay joogaan waxa ay ka hadlayaan arintan islamarkaana uga digayaan dhalinyarad Islaamka ah inay ku kacaan waxyabo an ku banaaneyn diintooda islamarkaana laga keenay diimo kale. Ilaahey ha ina waafajiyo wanaaga.

ISKU DUBARIDKII: MUBARIK Y MUSE

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: