Toggaherer’s Weblog

WASIIRKA MAALIYADA MR CAWIL OO KA HADLAY MARKII U HARAYSA KHILAAFKA KALA QAYBIYEY UDUB

Posted on: February 11, 2009

 

WASIIRKA MAALIYADA MR CAWIL OO KA HADLAY MARKII U HARAYSA KHILAAFKA KALA QAYBIYEY UDUB
“”Darawal waa nin culus oo soo halgamay ee waa in ninka cadhooda aan soo celinaa xisbi ahaan…. gaar ayaan ula hadlay oo waxaan ku idhi, abti ….” 

Hargeysa (Jam)- Wasiirka Maaliyadda Md. Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan xisbul-xaakimka talada haya ee UDUB iyo garabka cadhada ku maqan ee uu hoggaamiyo Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal). 

Wasiir Cawil oo ka hadlayey xaflad qado-sharaf oo uu shalay hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa ugu sameeyey koox ka mid ah qurbo-joogga UDUB ee ka qaybgalay shirweynihii labaad ee xisbiga, ayaa xubnaha iyo taageerayaasha xisbigooda ugu baaqay in u midoobaan sidii ay doorashada soo socota ugaga guulaysan lahaayeen axsaabta mucaaradka ah. 

Ugu horreyn Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlayey kaalinta qurbo-jooggu kaga jiraan horumarinta dalka, waxa uu yidhi; “Aad iyo aad baad u mahadsan tihiin qurba-joogga haddaad tihiin sidaad iiga aqbasheen martiqaadkan, casuumadihii ayaa idinku batay oo xataa wakhti baad u waydeen aad eheladiinii u heshaan si aad ula fadhiisatan, taasina waxa weeye niyad-samida idiin taal iyo halkaad kaga jirtaan dalkeena mid siyaasadeed iyo mid wacyigelin ah. Dawladda quwadaas leh ee Yuhuudda waxa wax ka dhigay dadkooda dibadda ku nool, waana in aad taas ogaataan.” 

“Waxaan anigu xasuustaa anigoo aan weli UDUB gelin markii xisbiga la aasaasay bil iyo badh kadib ayaan dalka imi, laba nin oo aan aad u jecelahay ayaa la ii sheegay in xisbigii ka cadhoodeen markii doorashadii xoghayaha guud uu ku guulaystay ninka la yidhaahdo Dr. Cabdi Aw Daahir, laba nin oo aan aad u qiimeeyo mid abtigay buu ahaa Cabdillaahi Darawal, gaar ayaanan ula hadlay oo waxaan ku idhi, abti xisbiga dhexdiisa ayaad wax ku noqon kartaa nin xisbigii ka falaagoobay wuxuu noqdaa nin xisbigii ka fogaaday. Wuu iga aqbalay isaga iyo Cabdi Aw Daahir-na gacanta ayaan isku saaray oo aan heshiisiyay, waxaan ku idhi laba qof oo culus baad tihiine xisbigiina ahaada, Cali wuu iga aqbalay, ninka innaga fogaada waa in aynu soo celino, Cabdillaahi-na waa ninkaas soo halgamay ee taariikhda ku leh dalka, xisbigana markuu ku jiro waxtar buu u yahay. Markaa Darawal waa nin culus oo soo halgamay ee waa in ninka cadhooda aan soo celinaa xisbi ahaan, Cali-na waa kaas maanta madaarkii Hargeysa inoo hagaajiyey, ciddii innaga cadhoota waanu soo ceshanaynaa,” ayuu yidhi Wasiir Cawil oo si gaar ah ula hadlay murrashax Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal). 

Waxa kale oo Wasiir Cawil sheegay in xisbiga UDUB yahay ka badbaadiyey Somaliland ee halkaa soo gaadhsiiyey, isla markaana markale ku guulaysan doono doorashada soo socota, “Xisbigeenna UDUB waa xisbigaas u taagan inuu dalka badbaadiyo ee halkaasna soo gaadhsiiyey shantii sanno ee u dambeeyay, halkaynu soo gaadhnay waa meel runtii aynu ku faani karno xisbi ahaan, shacbi ahaan iyo xukuumad ahaanba, doorashada soo socotana waxaynu dadka u sheegi doonaa waxqabadkeennii oo la taaban karo, taas ayaanan qabaa in mar dambe aan ku heli doono doorashada guusheeda.” 

Md. Cawil waxa uu tibaaxay in dadka isku xisbiga ah looga baahan yahay isku aragti iyo midnimo muujiyaan, waxaannu qurba-joogga ku boorriyey in dawladaha ay waddamadooda ku nool yihiin uga ololeeyaan qaddiyadda Somaliland, isagoo dhinaca kalena in xisbiga UDUB ku guulaysan doono doorashada madaxtooyada ee soo socota, “Waxaan rajaynayaa in carruurteena dibadaha joogaa qaar ay Obama oo kale noqdaan ay dhulalkaas madax ka noqdaan insha Allaah. La isma lahayn nin Kasuumu [Kiiniya] ku dhashay ayaa Maraykankan Madaxweyne ka noqonaya. Maanta waa wax dhici kara in inan reer Somaliland ah uu madaxweyne ama Ra’iisal-wasaare ka noqdo dalalka Yurub, waa inaan noqonaa xisbi ummadda u horseedaya meel sare oo aynaan noqon xisbi ku mashquula u jawaabidda axsaabta mucaaridka ah, waayo innagu xil baynu haynaa ninka UDUB ah waxa uu mar walba huwan yahay koodhkii xisbiga xukuumiga ah, markaa inaynu doorashadan soo socota guulaysanayno niyadda u sheegnaa, waynuna guulaysanaynaa bi’idmi laah, waa inaynu dhaqan inoo noqotaa madaxda guusha keenta aan lala tartamin oo sharcigana waynu gashanayba UDUB, haddii ay guul keeni waayaan waa in xisbigu beddelaa, laakiin in xisbigu ogaado in niman siyaasiyiin ah sida iminka Madaxweynaha Daahir Rayaale iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, u keeneen, in mar labaad kana loogu celiyo, adduunkana waa wada sidaas.” 

Mr. Cabdicasiis Mingista oo ku hadlayey afka qurba-joogga UDUB, ayaa ka mahadceliyey martiqaadka Wasiirka Maaliyaddu u fidiyey iyo kuwii hore ee Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. Waxa kale oo uu ka warramay kaalinta ay kaga jiraan qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo dib-u-dhiska dalka. 

Sidoo kale Wasiirka Warshadaha Md. Maxamed Saleebaan Maxamed oo isaguna xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Rayaale ay qiime weyn siinayso qurba-joogga dalka ee dunida ku maqan, “Wasiirka Maaliyadda isagana is-xilqaankaasi waan uga mahdcelinayaa waa camiidul-wasiiraa odeyga Golaha Wasiirada waana aabayoo kale waa hab-dhaqan odey oo dareen leh, wixii aad aragteena dadkii aad ka timaaddeen gaadhsiiya,” ayuu yidhi Md. Maxamed Saleebaan. 

Waxa kale oo xafladda qado-sharafka ah ka qaybgalay koox ka tirsan wasiirrada xukuumadda Somaliland oo ka mid yihiin; Arrimaha Dibadda, Xidhiidhka Goleyaasha, Duulista, Macdanta, Wershadaha iyo xubno tiro badan oo ka tirsan guddida fulinta ee xisbiga talada haya ee UDUB. 

Jamhuuriya Online 

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: