Toggaherer’s Weblog

THE WORLD CHAMPIONS OO RIKOODHKII LAGA JEBIYAY BRAZIL OO 2 IYO 0 KU BADISAY

Posted on: February 11, 2009

THE WORLD CHAMPIONS OO RIKOODHKII LAGA JEBIYAY BRAZIL OO 2 IYO 0 KU BADISAY

Brazil waxay mar kale direysa fariin ah in aysan bur burin oo ay tahay awood taagan welina ku guuleysan karta koobaba badan oo caalami ah ka dib markii ay noqdeen rikoodh jebiyaasha Talyaniga oo ah world Champion waxaana ay kaga adkaadeen 2 iyo 0 oo Robinho iyo Elano ay shaqaba ku hubsadeen.

Dunga oo eedeyn loogu soo jeedin jiray sida uu u xusho ciyaartoyda Xulka qaranka dalka Brazil ayaa markaan tagaareeay buuxda helaya waxaana xalay uu ku fa’iday ciyaartoyda kala ah Ronaldinho, Robinho iyo elano kuwasoo qeybtii hore ee ciyaarta jaanta isla helay islmarkaana suura geliyay inay ka adkaadaan Talyaaniga.

Xulka Azzuri shabaqa wuu taabtay daqiiqadii seddexaas ee ciyaarta lakiin goolkaasi ma aheyn mid sax ah oo wuxu ahaa Offside mid kalena waxaa laga diiday ciyaaryahan Toni wixii ka danbeeyay , farsmo, baasas wanaag iyo mucjisadii Brazil ayay ka warheleen,wax jawaab ahna wey celin waayeen inkastoo marcelo lIppi uu ku dadaalayay inuu difaacdo rikoodhkiisa hadna way suura geli weyay oo Imaretes ayaa ku noqtay meel balaayo ah.

Kulankii xalay ayaa waxa uu ah mid lagu magaacabay derbyga calamka tasoo lagu eegayo kooxda ugu fiican yurub iyo kooxda ugu fiican addunka oo isku dhacayay, lakiin dad badan waxay qaben in Brazil ayan aheyn midii hore kale lakiin taasi been bey yidhahdeen oo weli ciyaartoodii Samba wey ciyaarayaan marka ay goolal dhaliyaan.

Inkastoo Brazil iyo talyaaniga ay ku xafiiltamayaan kubada cagta ah hadana siyaasad ah muran baa ka dhex taagan tasoo looga cabsi qabay in ciyaartani la hakiyo lakiin markii danbe la isla ogolday inaan la isku lifaaqin siyaasada iyo sportiga, Muranka siyaasadeed ayaa weli dhamaan iyo dowlada talyaaniga ay ad ugu cadheysan tahay murano kala dhxeeya Brazil.

Macalinka talyaniga ayaa qiray in Brazil ay ka xoog badan tahay talyniga waqtigan la joogo lakiin wuxuu sheegay in la siiyo fursad sanad ama sanad iyo badh ah markaas la is weydiin doono bal hadii Brazil ka fiican tahay Talyaaniga.

Labadan xul waxa ay is arki doonan bisha june markaas oo ay ciyaari doona koobka loo yaqaan confedarations cup ee lagu qabnayo koonfur Afrika kaasoo gogol xaadh u sii ah koobka Aduunka ee 2010ka loo balan yahay in lagu qabto South Africa.

XAFIISKA WARQABDKA CIYAARAHA EE TOGGAHERER
HARGEYSA SOMALILAND

 

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

February 2009
S S M T W T F
« Jan   Mar »
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28  
%d bloggers like this: